Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Britain Oo Madaxweyne Siilaanyo Soo Gaadhsiiyey Farriin Ay Dawladdooda Ka Sideen + Afhayeenka Madaxtooyada Oo Ka xog-warramay Kulan Dhex Maray labada Dhinac
“Maadaama Oo Haatan Uu Golaha Wakiilladu Ku Dhisan Yahay Hab Aanay Gobollo Badani Ku Qanacsanayn, Waxaa Uu Madaxweynuhu Wuxuu Hoosta Ka Xarriiqay In Cid Waliba HEsho Ciddii Metelli Lahayd…..Nasiib Darro Madaxweynaha Ayaa Dib Loogu Soo Celiyey Diyaarinta Shuruucdii Lagu Soo Dooran Lahaa Golaha Wakiillada”
Hargeysa (Hubaal):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan, ayaa kulan la yeeshay Wefti ka socday dowladda Britain oo booqasho shaqo ku yimi magaalada Hargeysa, isla markaana waxay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin nabadgelyada, doorashooyinka Somaliland iyo qodobbo kale. Inkastoo kulankaasi ahaa mid ay Warbaahintu dibedda ka joogtay, waxaa markii uu soo dhammaaday Warbaahinta Faahfaahin ka siiyey Aftahayeenka Madaxweynaha Xuseen-Dayr, waxaanu sheegay inay Masuuliyiintu kulankooda kaga hadleen qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka la filayey inay Somaliland ka qabsoomaan bisha March ee 2017-ka.
“Maanta [Shalay] waxaa madaxweynaha ku soo booqday xafiiskiisa wefti uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Ingiriiska Mr. Simon McDonald oo ay weheliso safiirka dawladdaas u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya”. Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka aqalka Madaxtooyada Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), oo warbaahinta kula hadlay qasriga madaxtooyada, waxaana uu afhayeenku intaas ku daray “guud ahaanba waxaa xukuumadda Somaliland iyo weftigani ka wada hadleen arrimaha nabad-gelyada mandaqadda, arrimaha dhaqaallaha, iskaashiga xagga dhaqaallaha, guud ahaan arrimahaas baa laga wada hadlay, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka, waxaana uu madaxweynuhu weftiga u caddeeyey in duruufaha dalka ka jira iyo xaalladaha dalkeenu ay kellifeen in doorashooyinka la kala qaado, halka uu madaxweynuhu badka soo dhigay in doorashada madaxweynennimada oo ahayd tii haddii dib wax loo dhigayo iyada dib loo dhigi lahaa uu yidhi taas hore ayaa loo qabanayaa oo waqtigeediina way dhacaysaa”. Ayuu afhayeenka Madaxtooyadu yidhi.
Dhinaca kale Eng. Xuseen Aadan Cige, Afhayeenka aqalka Madaxtooyadu waxaa uu faahfaahin ka bixiyey sharraxaad uu madaxweynuhu ka siiyey weftiga dheelli tirka kuraasta golaha wakiillada iyo sidii ay bulshadu u qeybsan lahayd saamigooda “ Madaxweynuhu waxaa uu hoosta ka xariiqay oo uu caddeeyey in ay danta qaranka iyo maslaxadda ummada Somaliland ay ku jirto in ummadu ay hesho cid walba ciddii meteli lahayd maadaama habka uu waqtigan xaadirka ah uu golaha wakiilladu ku dhisan yahay hab aanay gobollo badan iyo degmooyin badani ku qanacsanayn”.
Afhayeenka Madaxtooyadu waxaa sidoo kale uu ku hadlay qaabkii lagu soo doortay golaha wakiillada ee waqtigan jooga oo iyagu muddo dhaafay kuwaas oo uu ku dooday in doorashadoodii ay maxakamadda sare ee dastuuriga ahi jidaysay in qaabka ay hadda ku fadhiyaan lagu soodoorto, kadibna ay iyagu muddo xileedkooda ku diyaariyaan xeerka doorashada ee kuraasta ay ku fadhiyaan lagu dooran doono “doorashadii hore ee golaha wakiillada qaabkii lagu galay wuxuu ahaa qaab hal mar oo keliya ah, taasna waxaa jideysay maxakamadda sare ee dastuuriga ah. Mas’uuliyadda dastuuriga ahayd ee golaha wakiilladu Waxay ahayd in ay diyaariyaan sharcigii iyo shuruucdii baarlamaanka, nasiib darro se madaxweynaha ayaa dib loogu soo celiyey, MAdaxweynuhuna waxaa uu arkay inay mas’uuliyadiisa tahay in dalkan uu ka tago isaga oo is-haysta, isaga oo mid ah, isaga oo walaalo ah oo wada jira. Waxaana madaxweynuhu isaga oo xaalladaha noocaas ah qiimaynaya weftigii dawladda Ingiriiska waxaa uu u sheegay inay mudnaanta koowaad iyo muhiimadda koowaadba ay leedahay wadajirka iyo midnimada Somaliland”. Ayuu Eng. Deyr Yidhi.
Muxuu ahaa Farriinta ay sideen weftiga Dawladda Ingiriisku?.
Afhayeenka Madaxtooyadu waxaa uu geesta kale ka warramay farriinta ay sideen weftigan ingiriiska ah iyo waxyaabihii ay madaxweynaha kala hadleen waxaana uu yidhi “Weftiga Dawladda Ingiriiska ee madaxweynaha la kulmay waxay carrabka ku dhufteen in ay jeclaan lahaayeen in doorashooyinka hal mar la wada qabto [ta golaha wakiillada iyo ta madaxweynaha], hase yeeshee madaxweynuhu waxaa uu u sheegay in haddii uu doonayo in uu dib u dhigto doorashada madaxtooyada ama ay isaga ku jirto kursi jeclaysi iyo damac uu doorashada madaxweynenimada dib u dhigi lahaa, laakiinse duruufo in labadaba la kala qaado ah ayaa jiray. Sidaas oo ay tahay weftiga Ingiriisku aadbay ugu hambalyeeyeen madaxweynaha go’aankaas geesinimada leh ee uu qaatay.” Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadu.