“Madaxweynuhu Karaamada Uu I Karaameeyey Waad Ku Mahadsan Tay Baan Leeyahay, Aniguna Inaan…”

0
64

Baadhasaabka Cusub Ee Madaxweyne Siilaanyo Shalay U Magacaabay Gobolka Hargeysa Oo Ka Hadlay Xilka Loo Dhiibay Iyo Nuxurka Ballanqaad Uu Dareenkiisa Ku Ladhay

buraale, badhasabka gobolka maroodijeexHargeysa (Hubaal):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Maroodi-jeex oo aan Badhasaab lahayn tan iyo markii Guddoomiyihii hore ee uu xilkaas u magacaabay bilo ka hor diiday inuu xilkaas qabto, isla markaana iska casilay Siyaasiga Tiimbaro oo uu Madxweynuhu xilkaas u magacaabay. Hase-yeeshee, shalay ayuu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inuu Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) noqdo Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), sida lagu sheegay Digreetada Magacaabista Madaxweynaha oo ka soo baxday Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, taas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Hubaal, waxay u dhignayd sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta [shalay] digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:      Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka; Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday; In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi Digreetada Madaxweyne Siilaanyo. “Marka Koowaad Illaahaybaa mahad iska leh, mar labaadka madaxweynaha JSL ayaan u mahad naqayaa Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ii gartay xilkan iina magacaabay [inaan noqdo] badhasaabka gobolka Maroodijeex, kaasi oo runtii xil qaran ah, aad iyo aad baan uga mahad celinayaa madaxweynuhu xilkaa uu ii magacaabay iyo karaamadaas uu I karaameeyey, waad ku mahadsan tay baan leeyahay, aniguna xilkaad ummada iigu dhiibtay waxaan ballanq aadayaa inaan si firfircooni, daacadnimo iyo karti leh uga soo baxo  oo aan caddaallada ummada ugu shaqeeyo”. Ayuu yidhi baadhasaabka cusub ee madaxweynuhu shalay duhurkii u magacaabay in uu noqdo baadhasaabka gobolka Maroodi-jeex, kadib markii baadhasaabkii dhawaan  uumadaxweynuhu u magacaabay oo ahaa Md. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ka cudurdaartay qabashada xilkaas.

Waa Kuma Baadhasaab Buraalle?

Dhinaca kale Baadhasaabka Cusub ee Hargeysa Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) oo ah nin dhalinyaro ah waxaa uu ka mid ahaa da’yarta saaxada siyaasadda ku dhex jirtay muddooyinkii u dembeeyey, waxaanu ka mid ahaan jiray xisbiga KULMIYE waqtigii uu Mucaaridka ahaa, isaga oo xubin ka ahaan jiray urur dhalinyaro oo afgarad la odhan jiray oo ay madax ka ahaayeen aqoonyahanno dhalinyaro ahi, kaasi oo aragti ahaan taageeri jiray xisbiga KULMIYE. Waqtigii uu madaxsweyne siilaanyo talada la wareegay ee la furay axsaabta siyaasaddana waxaa uu ka mid ahaa aasaaseyaashii urur siyaasadeedkii NASIYE oo uu guddoomiye ku xigeenka noqday walow markii dembe uu xisbigaasi saqiiray oo aanu raad qaadmin. intaa kadib waxaa uu Mr. Buraalle ka mid ahaa masuuliyiintii ururka xaqsoor ee kamid ahaa ururradii ka qayb galay doorashadii golaha deegaanka, kaasi oo uu hoggaaminayay muj. Xasan Ciise, nasiib darro se ururka xaqsoor kama uu mid ahayn ururrada ku guulaystay xisbinimada. intii ka dembeysay xilligaas waxaa uu Mr. Buraalle si dadban uga mid ahaa gacan yareyaashii iyo saaxiibadii dhegaha fududaa ee wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada haatanna ah hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, isaga oo Baadhasaabka cusub ee la magacaabay ka mid ahaan jiray taageerayaasha Wasiir Xirsi in kastoo markii uu is casilay Xirsi uu ka hadhay isla markaana uu mabda ahaan iyo mawqif ahanba ku hadhay xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here