“Madaxweynuhu Marka Ay Doorasho Noqoto Dhex Uma Aha Xisbiyada Ee Xisbi Buu Leeyahay, Murrashaxa Uu Xisbigiisu Leeyahay Ayuuna Dhisayaa” Cabdikariin Xinif

0
29

xinif

Hargeysa:(Hubaal)-Agaasimaha Fulinta ee komishanka la-dagaallanka HIV/aids-ka, ahna xubin katirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE,  Md. Cabdikariin Axmed Maxamed(xinif), ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilo ay siyaasiyiin katirsan xisbiga WADDANI dusha ka saareen madaxweynaha Somaliland iyo weliba xisbiga KULMIYE.

Cabdikariin Xinif oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa deedafeeyey sas iyo qaylo-dhaan uu xisbiga WADDANI ka muujiyey shir uu madaxweynuhu dhawaan magaalada Burco kaga qaybgalay, waxana uu meesha ka saaray marin-habaabin xubno kooban oo xisbigaas katirsan shirka ka bixiyeen, isaga oo caddeeyey in shirarka noocan ahi weligoodba kasoo qabsoomi jireen geyiga Somaliland, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi,“Somaliland intii ay jirtey laga soo bilaabo marxuum Cabdiraxmaan Axmed ilaa maantadan aynu joogno reero iyo beelo way wada shirayeen madaxweyne iyo beelo way wada shirayeen, habeen walba madaxweynayaasha dad af reer ku hadlaya oo dan ay leeyihiin ka hadlaya, ayaa iyaga reero ah la shirayey, inta bandanna waxa horkici jirey waxa ay ahaayeen wasiirro uu uu Siciid Sulub kamid ahaa, wakhtiyadii ka horreeyeyna wasiirro uun baa wadi jirey, ceebna kuma ay ahayn madaxweyneyaashaas dembina kuma ay ahayn, cidina kuma dhaliili jirin, wakhtigan aynu joognana waxad mar walba madaxtooyada ugu gelaysaa reer madaxweynaha la shiraya, madaxweynuhuna reero isu tegay oo qaran noqday ayuu madaxweyne u yahay, danona way wada leeyihiin danona way kala leeyihiin, kuwooda gaarka ahna inay madaxweynaha kala shiraan ceeb ma aha.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka dalbaday Siciid Sulub oo isagu majaro-habaabin ku sameeyey shirka Burco ka dhacay inuu caddeeyo waxa uu ka diday, waxana uu si cad u sheegay inuu madaxweynuhu mar walba dhisayo xisbigiisa iyo murrashaxa ka sharraxan,“Ceebta uu Siciid Sulub sheegayaa ma  madaxweynuhu inuu  Burco reer kula shiraybaa, mise waa reerka uu la shiray inay madaxweynaha isku deegaan kasoo jeedaan, labadaas midka uu wax ku ceebaynayo ha inoo caddeeyo, wasiirradu marna waa wasiirro qaran, marna waa dad kasoo jeeda deegaanno, madaxweynaha iyo wasiirraduna beelahaas ulama ay shirayn arrin dawladeede waxa ay ula shirayeen arrin xisbi, madaxweynuhuna waa madaxweyne qaran, laakiin marka ay doorashooyin noqoto dhex uma aha xisbiyada, qofka ka doonaana waa qof aan habeen jirin, madaxweynuhuna xisbi buu leeyahay, xisbigiigusana murrashax buu leeyahay oo uu dhisayaa” ayuu yidhi Cabdikariin Xinif.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Xinif intaas ku daray,“Madaxweynuhu xisbiga KULMIYE ayuu kasoo jeedaa, waana aasaasihiisii, waana odaygiisii, suurtogalna ma aha inuu Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro usinnaado, Siilaanyo-na waxa xisbigiisa u murrashax ah Muuse Biixi Cabdi, suurtogalna ma aha inuu madaxweynuhu yidhaahdo saddexdaas nin baa sharraxane kii aad doonaysaan u codeeya, waayo dee isagu komishankii doorashooyinka ma ahee waa madaxweynihii xisbiga kasoo baxay”.

Cabdidkariin Xinif waxa uu xusay in is-xulafaysiga deegaannada iyo aragtiyaha ku dhisani yahay shay axsaabta qaranku isticmaalaan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in xisbiga WADDANI laftiisu arrintaas si weyn u isticmaalay, waxana uu yidhi,“Xulafada iyo is-bahaysigu nolosha noolaha oo dhan bay kamid tahay oo jiritaanka xisbiyada ayey kamid tahay, xeerarkeenuna waxa ay qorayaan doorashada laba xisbi cod kuma midoobi karaan, meeshaasna waxa ka cad inay dadku wax kale ku midoobi karaan ama deegaanno haku midoobaan, ama aragti haku midoobaane, cidina kama maaranto xulafo ay la noolaato, siyaasadduna way kasii xag-jirtaa, xisbiga WADDANI-na isaga oo guddoomiye leh, ayuu sameeyey, ku-sime guddooomiye oo uu sameeyey hoggaamiye oo uu sameeyey murrashixiin xisbiga katartamayey oo uu qaarkood si dadba u qaatay, waxaas oo dhammina waa xulafo raadis.”

Mar uu ka hadlayey qaylo-dhaan iyo xajiimayn iyo saraakiil WADDANI katirsan kaga fal-celiyeen  weedho wasiirraddii u kala dambeeyey wasaaradda Maaliyadddu ka jeediyeen shirka madaxweynuhu dhawaan Burco kaga qaybgalay, waxa uu sheegay inuu hadalkaasi sax ahaa oo aan wax qadaf ahi ku jirin,“Wasiir Samsam iyo Cabdicasiis Samaale iyaga oo deegaan kasoo jeeda haddii ay deegaan la hadleen oo yidhaahdeen cod baanu idinka doonaynaa, waxan filayaa inaanay ceeb ku ahayn, codadkana deegaanona waa loo kala doon doonayaa, xisbiyona waa loo doon doonayaa, waxa inaga dhexeeyaan waa tartan, Samsam haddii ay tidhi Muuse deegaanka uu kasoo jeedaa cod buu siiyey madaxweyne Siilaanyo idinkuna keena inaanay dembi ku gelin, wax qof lagu fadeexadeeyana aanay ahayn” ayuu yidhi Cabdikariin Xinif.

Waxa kale oo uu intaas ku daray Cabdikariin Xinif,“Siciid-ow haddii ay ku dhibayso iyo haddii aanay ku dhibaynba wasiir Samsam hadalkeedii way ku saxsanayd, qabyaaladna kuma ay hadlayne haddaad qabyaalad diidayso adiga, Duur iyo odaygii Chief caaqilka sheeganayey maxaa iskiin soo raaciyey ee weliba aad gabadh ugu goobateen. Hadiise xisbigiinii oo dhammi aas Samsam isu soo wada qaawiseen ragba maxaad isku soo gaadhi doontaan oo aad ololaha la gaadhi doontaan, taasi waxay muujinaysaa inaan ololaha xisbigayaga hablo miidhan u dirno oo ragayagu iskaga fadhiisanno, Calaacalka, hungada iyo taageero la’aanta ay xisbiga WADDANI ka arkeen gobolka togdheer, ayaana qaylada intaas le’eg ka keentay”

Waxa uu meesha ka saaray hadallo si gaar ah uga soo yeedhay wasiirkii hore ee hawlaha guud ee xukuumaddii Daahir Rayaale, kaas oo sheegayey in xisbiga KULMIYE lagu doortay arrin qabyaalad salka ku haysay, isaga oo caddeeyey in fadhiidnimadii xukuumaddii UDUB horseed ka ahayd guushii uu KULMIYE gaadhay, “maamul-xumadii wakhtigaas jirtey iyo 8-sano oo xukuumaddii uu Siciid Sulub katirsanaa dadku ka qancay waxtar la’aanteedii iyo dibin-daabyadeedii ayuu dadku KULMIYE ku raacay, qabiilna kuma raacin, tolla’ayna kuma raacin, Siciid-na isagaa habeen walba Siddeetan ama afartan odey oo isku raas ah Daahir Rayaale horfadhiisinayey oo ugu hanjabayey dhab libaax baad ku fadhidaa Daahir Rayaale-ow, qabyaaladna KULMIYE laguma doorane fadhiidnimadii xukuumaddii xisbigii UDUB ayey ahayd” ayuu yidhi Cabdkikariin Xinif.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here