“Madaxweynuhu Si Kasta wuu ugu Sheegay Abiy Axmed, Haddana Kama Quusan ee Waxa uu Doonaya Inuu Farmaajo Hargeysa keeno !!!”

0
22

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo Ugu Baaqay Raysal-wasaaraha Itoobiya, Mr. Abbiy Axmed Inaanu Hargeysa Keenin Farmaajaha Soomaaliya

Hargeysa, (Hubaal) – Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha Itoobiya in badan ku celceliyey inuu Hargeysa imanayo isagoo uu la socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, taas oo dawladda Somaliland diidan tahay.

Saleebaan Maxamuud Aadana ayaa xusay in madaxweyne Biixi mar walba ku celinayey inaanu madaxweyne Farmaajo soo raacin, haseyeeshee si kasta oo loogu sheegay kama quusan ee waxa uu doonaya inay isa soo raacan.

“Madax banaanideena waxa ku fadhiya waa Soomaaliya iyo dawladaha carbeed, Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay isa soo raacayaan madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynuhu wuu u sheegay in aanu imanin hadii uu la socdo madaxweynaha Soomaaliya oo kun jeer buu u sheegay in aan la soo dhoweynayn hadii uu yimaado, markii madaxweynuhu soo noqday hadana waxa uu soo faray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waan imanaya Hargeysa anaga oo wada soconna, waxaanu leenahay Abiy ha noo keenin, Farmaajana waxaan leenahay ha noo iman, laakiin hadii isago oo xambaarsan yimaado maxaynu yeelaynaa, dee midna waynu soo dhoweyni midna soo dhoweyn mayno, ilayn inaga daaya uun baynu haynaaye, hadii uu la yimaado dili mayno laakiin madaxweyne uma ictiraafsanin ee nin soomaaliyeed oo Abiy la socda uun ha noqdo.”ayuu yidhi gudoomiyaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

Gudoomiye Saleebaan ayaa sheegay in Ra’isal wasaaraha Itoobiya ku dhegan yahay inuu soo raaco madaxweynaha Soomaaliya, taas oo xukuumaddu dhawr jeer ku celcelisay in aanay raali ka ahayn imaanshihiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here