“Waxaan U Maleynayaa Nimanka Madax-Dhaqameedka Ah,Inaan Ahay Ninka Kaliya Ee Ku Dhawaaqey Ee Yidhi WADDANI Baan Ahay”

0
31

Dubai(Hubaal)-Cismaan Aw-maxamuud (Boqor Buurmadaw) oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland, ayaa sheegay in dhibaatada xukuumada haysataa ay tahay cabashooyinka ka soo yeedhaya beelaha, waxaana uu arrimahaas masuuliyadeeda in cidii arrimahaas ku shaqo lahayd aaney meeshaas joogin.

Boqor Buurmadaw ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad soo dhaweyn ahayd oo guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland loogu sameeyey magaalada Abu-dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.

buur madow“Reeraha reerka uu doonaba ha ahaadee dee Xukuumadii Siilaanyo, madaxweynahu waa uu shaqeeyey waa uu shaqeynayaa oo wax badan ayaa uu qabtey laakiin mushkilada haysataa waxa weeye cabatinka beelaha ka soo yeedhaya, waxaa uu yidhi ninkii jirey haddaad aragto meel ay shayaadiintu shaqeysanayso ragii xaajada lahaa ayaa ka fog”Ayuu yidhi Boqor Cismaan Buur madaw.

Boqor Cismaan Buurmadaw oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in uu isagu ahaa qof madax dhaqameed ah kii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa in uu ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxaana uu tilmaamey in hadda xisbiga Waddani uu ku dhaw yahay wakhtigii uu guuleysan lahaa.

“Waxaan umaleynayaa nimanka madaxdhaqameedka ah ee salaadiinta ah waxaan ah ninka kaliya ee ku dhawaaqey ee yidhi Waddani ayaan ahay waa anniga.laakiin Waddani marka aan guddoomiyaha u yimaado waxaa jirta fardaha farasbaa jira colka kula oo bulaale la yidhaahda, xakamaha haddaanu lahayn, markaa guddoomiyaha waxaan ku yidhaahda waar guushii waa ay dhawdahayee kuwo xakamaha u baahan ayaa jiree aan u samayno ayaan idhi”Ayuu yidhi Buurmadaw

xigasho:Somalilandtoday

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here