Madexweyne Siilaanyo Oo Gabiley U Magacaabay Badhasaabkii Lixaad iyo Dadweynagha Reer Gabiley Oo Isweydiinaya Cida La Maamusha Gobolka(Faallo)

0
51

Waxaana Gudoomiyihii Gobolka Gabiley ee Xukuumada Siilaanyo xilka kala Wareegtey Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), go,aan degdeg ah ku qaatey mudo kadib markii Xisbiga Kulmiye ku guuleystey talada dalka in uu iska casilo Xilkaasi maadaama aanay, muuqanin ifafaalo loogu sii negaado siilaanyo Gabiley(HWN)-Tan iyo intii uu la wareegay talada dalka Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo hore u ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye markii uu Mucaaridka ahaa ayaa, Digreeto Madexweyne ugu magcaabay Gobolka Gabiley Badhasaabkii lixaad ee Xilka Gobolkaasi qabta iyadoo Xukuumadiisu xilka Gudoomiyanimo ee Gobolka Gabiley kala wareegtey Gudoomiyihii u horeeyay ee Madexweynihii Xukuumadii Udub ee ka  horeeyay, Daahir Rayaale u magacaabay bilowgii Dhismaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), oo dhidibada u taagey muuqaalka iyo haykalka Gobolnimo ee Gabiley markii loogu dhawaaqey Gobolnimada ay mudada badan Reer Gabiley geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen islamrkaana, ay kaga soo hungoobeen Xukuumadihii Dowladii Milatariga aheyd ee kalidii taliye Maxamed Siyaad Barre, iyo Xukuumadihii ka dambeeyay tii SNM ee uu hogaaminayay Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali(Cabdiraxmaan-tuur) iyo Xukuumadii Marxuum Cigaal ee ka dambeysay labadaba. Waxaana Gudoomiyihii Gobolka Gabiley ee Xukuumada Siilaanyo xilka kala Wareegtey Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), go,aan degdeg ah ku qaatey mudo kadib markii Xisbiga Kulmiye ku guuleystey talada dalka in uu iska casilo Xilkaasi maadaama aanay, muuqanin ifafaalo loogu sii negaado Xilkaasi, kadib markii uu arkey raga u xusul duuban Xisbiyahanada Kulmiye, ee doonaya in ay gadhwadeen uga noqdaan Madexweyne Siilaanyo talada Gobolka Gabiley, iyo rag kale oo badan oo iyaguna isku daba yaacayey sidii ay xil u heli lahaayeen, iyadoo aaney dadweynaha Reer Gabiley wakhtigaasi ka hadli kareyn rabitaankooda iyo hurmar ay la beegsadaan Gobolkooda ay mudada badan baadi goobayeen, inkastoo ay shacbiga Reer Gabiley ka calool weydsanaayeen is casilaada Gudoomiyihii u horeeyay ee Gobolka Gabiley, hadana waxa ku kalifey go,aanka adag ee aanu ka noqon kareynin isbadelka Siyaasiga ah ee Shacbigiisu aqlabiyada ku raaceen taas oo uu kaga dhabeeyay in aanu kusii negaanin Xilkaasi. Mudo kadib markii ugu horeysay ee Madexweyne Siilaanyo magacaabay, xilalkii u horeeyay ee Golaha Xukuumadiisa mudo kadib waxa uu magacaabay Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Agaasimayaasha Guud, iyo xilal kale iyadoo wakhtigaa laguda jirey Bishii Soon waxaanu Gobolka Gabiley u magacaabay Rashiid Cumar Sheekh Muxumed, waxaanu ku badelay Rashiid Cumar Sheekh kadib markii uu isku dayay in uu nabed ka dhaliyo Beelaha oodwadaagta ah ee labada Gobol Gabiley iyo Awdal, iyagoo abaarey halkii ugu adkeyd ee ubucda arintaasi taaley Dhulbeereedka Ceel-Bardaale oo ay labada dhinacba ka dhex alifeen Nabedgelyo buuxda haseyeeshee, Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gabiley kasoo jeeda ay ka hor yimaadeen arintaasi khusuusan Wasiirka Maaliyada xiligan, Cabdicasiis Samaale, iyo rag kale oo uu kamid yahey Wasiirka Warshaduhu Abiib Diiriye Nuur oo aan raali ka aheyn Nabedgelyadii uu qaatey Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage iyo Duqeyda Degmada Dilla, Sikasta oo ay arintaasi tahey hadana waxa taa lagaga jawaabey xiligaasi iyadoo Gobolka Gabiley Madexweyne Siilaanyo Digreeto ugu magacaabay, Gudoomiyihii labaad Cali Aw Aadan Meecaad, oo isagana xilka laga qaadey kadib markii uu dhacey dilkii Seemaal, waxaanu hadana mar sadexaad Digreeto Madexweyne Kusoo magacaabay Madexweyne Siilaanyo in uu Gudoomiyaha Gobolka ahaado Xuseen Cumar Magan(Subagle), oo isagana mudo kadib laga qaadey xilka Gudoomiyanimo, waxaanu Madexweyne Siilaanyo mar afraad digreeto Madexweyne ugu magacaabey Gobolka Gabiley, Axmed Cali Nuur markaas oo isagana digreeto lagu badelay kadib markii Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Cabdoo Aayir loo magacaabay Gobolka Awdal, oo isku badelka Gudoomiyayaasha Gobolada isaga lagu hagaajiyay, Waxaanu Madexweyne Siilaanyo markii shanaad ugu soo magacaabey Yuusuf Ibraahim Geedi, oo ahaa, nin waayo arag ah oo hore uga soo shaqeeyay Deegaanka Gobolka inkastoo uu markii hore gudan waayey waajibkiisa shaqo islamarkaana, uu mudo badan dugsanayay faragalinta Wasiirka Maaliyada ee Gobolka Gabiley, oo wakhtigan sabab u aheud in xilka laga qaado maadaama, ay Samaale dacwad adag isla galeen, isagoo ku wanjaley arimo uu bari ka ahaa Mr Yamaarug taas oo loola kaashadey Cali Warancade(Wasiirka-Daakhiliga) oo ka hiiliyay. Sikastaba ha ahaatee marka hoos loogu dhaadhaco Nidaamka iyo Mushkilada dhinaca Maamulka ee kajira Gobolka Gabiley ayaa, ahaa kuwo ka qafal xumaadey intii koobneyd ee ka jirtey xiligii Xukuumadii Rayaale, oo ay Reer Gabiley tabashooyin badan ka tirsan jireen haseyeeshee, ay mar kaliya candhuufta dib uga liqeen in ay kasii dartey halkii ay taagnaayeen markii hore taas oo mudo badan Madexweyne Siilaanyo ugu hagaagi waayey Gobolkaasi,inkastoo ay markii dambe ka shaqeeyeen Dhalinyaro katirsan Golaha Deegaanka iyo kuwii ka qalin jabiyay Jaamacada Timacade iyo Waliba Wasiirka Waxbarashada oo iska kaashadey in uu Madexweynuhu soo gaadho nabed qab iyo rabshad la,aan Gabiley qalinjabintii Jaamacada Timacade awgeed inkastoo aanu ilaa hada fahmin xaqaa,iqa ka jira isaga raga la shaqeeya Xukuumadiisu marka laga Reebo Wasiir Xirsi oo Gabiley wax badan ka dharegsan halka ay sarteedu ka qudhun san tahey balse aan dan ka laheyn in wax hagaagaan mooyaane, gabagabadii waxa lala yaaban yahey iska daa Gabiley, oo Degmooyinkii hoos imanayay sida Degmada Alleybadey ayaa noqotey meel sida Shamiiska looga badelo Gudoomiyayaasha iyo Maamulka, halka Maamulka Degmada Tog-Wajaale oo aan nidaamka Dowladnimada iyo Maamulka waxba ka aqonin oo dhib badan oo halkaa ka dhacdey sababteeda lahaana, uu qeyb ka yahey cida Siilaanyo la muumuleysay Gabiley in uu dabada ku hayo oo aan marna loo fiirsan marna lala Xisaabtamin, iyadoo si dhab ah loo ogaan karo in aanu caqli fiican laheyn ninka Siilaanyo la maamula Gabiley  Gudoomiyayaashii Gobolka o maanta kii lixaad loo Magacaabey, waxaaney dad badani isweydiinayaan Siilaanyo ma u cadaalad faley Gabiley  Cida la maamusha Gabiley ma Samaale cidaan aheynbaa?…… Dhirbaaxo Quudheed ninkii dugsadey dhaqayadeed Maal. Lasoco Qeybta Dambe oo Xiisa Leh Balanqaadkii Xiligii Mucaaridka Waxyaabihii uu Gabiley Siilaanyo Ugu Balanqaadey iyo Marka Xaqiiq ahaan Laga Tago Beenta Guulwadyaasha Waxey Ka Dhaxashey Dhameystirkii Heerka Gobolnimo laga Filayay Oo Hoos Uga Dhacey Halkii Hore…   Hadhwanaagnews Staf Writers

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here