Gudaha Ka Akhriso maansadan iyo hal abuur Siciid Maxamuud Gahayr
Somaliland ma haystaan reer keli ah. Waxa madax ka ah koox ka soo jeedda Laascaanood illaa Lawyacaddo. Codka kama uu helin Madaxweyne Siilaanyo meel qudha, waxa si siman looga doortay dhammaan gobollada waddanka. Ku darso, weliba markaasi waxa uu helay 50% codadkii ummadda. Kollayba qof ahaan kama mid ahayn inta u codaysay. Ma filayo in hoggaamiye dambe uu intaas heli doono keligii. Waxa aan mar walba la yaabaa kuwa dhaleecada qaawan u jeedinaya beel gaar ah!
Kollayba qof ahaan, waxa aan si walba uga soo horjeedaa in ummadda lagu qaybiyo qabyaalad. Weliba marka Hargeysa la joogo, waxa aan jecelahay in maamuuska kowaad la siiyo bulshooyinka aanu walaalaha nahanay ee dega shanta gobo lee Somaliland. Magaadle iyo Xabuusho waa laba hooyo oo aan leeyahay, ma aha maangal in aan midkoodna xigsado midna dhibsado. Labadaba Eebbe ha u naxariisto iyaga iyo Sheekh Isaxaaqba.
Walaw aan Burco joogay celcelis ahaan toddoba cisho nolshayda miyaan lumin karaa boqollaalka qof ee aan aanu samaha, wanaagga iyo Somaliland heshiiska ku nahay ee reer Togdheer, Berbera, Ceerigaabo, Caynabo iyo Hargeysaba. Ninka ay sida tooska ah u wada-hadli karaan indheer-garadka umaddu miyuu u baahan yahay in uu faquuqo dadkii dadka ugu fiicnaa.
Maansadani waxa ay ka hadlaysaa sheekooyin ay dhawaan wadeen qolyo ka tirsan mucaaridka Somaliland. Waan taageersanahay in la mucaarido, laakiin waxa aan meesha qaban in qabyaalad ummadda lagu sii qayboyo. Magaceeda waxa la yidhaahdaa magaadleyntu waa eber!
Waxa ay tidhi maansadu:
Kuwa muusannaabee
Muquurtooyinka saymaha
Meehanaabba degelkow,
Kuwa miiqa kala-gurid
Mukur raacdo doonow
Kuwa beenta miisow
Waa macallinkaygee
Maansame Hadraawow
Miyaan maarmi karayaa?
Yuusuf maanso iyo dhaqan
Madxaf noogu kaydshoo
Masax wacan Ilaahay
Ku mannaystay baad tee
Madi waanan noqon karin
Waa Maxamed Baashiyo
Madaxweynihii Cumar
Magool iyo Farduus Dirir
Badeed kii an mahad weyn
Maguuraanka ugu qoray
Haldeeq waa misbaaxiyo
Man ku yaalla Herertee
Mur sideen u quudhaa?
Ubaxlow nin meeqaam
Meel hoose joogsada
Marraa waaxid hay qorin
Murtiyahan Dhanaanshiyo
Madadaallo Sooraan
Jawaan iyo mataankii
Igu maarrarawshoow
Midigtaydi baad tiin
Haddii ay masuugeen
Xirsi muujintiisiyo
Maxamuud inuu yahay
Maayarkii Burcada hagay
Waa mujaahid dirir galay
Xildhibaan yaraan mudhan
Wasiir meeris dhaqankaa
Maqla oon gardiid noqon
Nin ku miidha Nuuxow
Anna “mooyi” baan idhi
Muniirow la’aantaa
Mataantaan ka jabayaa
Masuulkii Wasiirnimo
Muddo doojay qarankoo
Cabdillaahi maalmahan
Jubba maamul taliyow
Muraaqood bariido ah
Mariyaye hawada qabo
Buurmadow Cismaan iyo
Maxamuudna waa Boqor
Waa maanac kii yidhi
Tolku yaanu muudsiga
Musuq laacin keligii
Maamuus dhex weeyee
Ha maroorsan keligaa
Miyaan Aadan Tarabbow
Mufakire abwaanow
Mahaddhada illaawaa
Marxabbayn sidii aad
Magacyada Af-madhandiid
U Munaasib doortiyo
Maalmee Jabuuteed
Masalooyin farabadan
Igu tidhi “midhaa gunud”
Haddii mooro la dayo
Ninka maalka dhiqi kara
Madaxweyne waad noqon
Sahal ii madaxiishow
Mucsir iilku yuu noqon
Jannadii mafsuud noqo
Madheedhkii Niciimiyo
Guro muunad iyo sharaf
Cabdi Aayar waa mudan
Maxd Kaahin waa diric
Musiibooyinkii dhacay
Waa mujaahidkii diray
Manaxii Siyaadee
Igu meersanaan jiray
Waa macallimiintii
Maxd-soomal qayrkii
Mitid weeye ugu roon
Mire iyo Ismaaciil
Songor malabka igu habay
Milicsiga markaan qoray
Micnihiyo Quraankii
Cabdiyow ayaa milay
Malkadii Burcaad iyo
Illaa moolashaa Herer
Moodhar igu gardaadshee
Sideen kuu manacayaa?
Firdhiyow mawaabtow
Bal malee kuwii goor
Dhagar-gabe masaafada
Isku muuno diri jiray
Maalmihii Darrooree
Mulaaq ay alooseen
Maareynta xaajada
Waxa midigta nala jiray
Miisaan Suldaan geya
Meel-daygiyo hubsiimada
Siilaanyo maandhow
Isagoo macaan qabo
U-mar xaajo meel dheer
Mooshinkii codbixintana
Waad ii miciinteen
Intaad maalqabeen iyo
Sheekh mariya diintiyo
Madax-dhaqan raggeedii
Hobol muusig loo tumo
Hal-abuur mug weyn iyo
Halgamaa majeeste iyo
Mahuraanno leediin
Haddaan laga masuugayn
Malyuun way ka badan tee
Magaadleyntu waa eber
Maammoy Xabuushoy
Jannadii macaanayd
Dhammaantiin mirtoo gama
Misna Sheekhi muu odhan
Kala geeya maatida
Mataanuhu ha diriraan
Afareyba meel raac
Midabkaayaan arkaayaa
Mugdi weeye saakee
Mahiigaan Allahayow
Maadh noogu soo saar
Marka aan wax meel dhigo
Haddii aan mashxaraddii
Xagal layga maqashiin
Martinnimo Garadagtii
Wanka macasha weyn iyo
Mallooliga la ii qalin
Malko Caynabaa iyo
Ceel-afweyn muskeedii
Haddii aan majiiraaha
Midab roog la ii dhigin
Geedahaan mankeediyo
Maslaxaddaa Beer iyo
Yiroowiyo magaalkii
Lagu maangad tiray iyo
Doqorsheyba Muusow
Maamuuska igu kaba
Weli maagannaan ee
Meher taan u doorbido
Marwo fiican lacag iyo
Moodhar iigu soo dara
Sida ahay malaaqii
Wadaangooga madaxnimo
Lagu caano-moorshay
Qaarkood i moodeen
Nin marmaray Togdheer iyo
Malayntii abtiga iyo
Nin maciinna joogee
Muxibaddu waxay tahay
Maqalkaan ku nuursaday
Sidaad milayga dhiillada
U miciinka fidisaan
Midnimada sidaad tiin
Daw muwaaq dhigi kara
Meeris aanu ruux nicin
Mooryaanta qaabkaad
Maya ugu jawaabteed
Sidaad waa markaygii
Mabda’ii adkaa sharaf
Uga meelsan gaadheen
Waa mucaaridkii helay
Dalka meel dhan keligii
Nin intaas mulkiyi kara
Mar labaad inuu jiro
Maskaxdaydu diiddaye
Eebbow musiibiyo
Mixnad iyo dhibaatiyo
Ka ilaali moqor iyo
Wax ay maalin diidaan
Moodka iyo noolkaba
Adigoon u miyahayn
Macaashkooda labanlaab
Maansha’e barwaaqee
Magaadleyntu waa eber
Macmal uu danluhu rabo
Inuu soo mulaaqee
Ha i moodin ruux neceb
Bancad maadh ku taalliyo
Saraar moosaskeedee
Ninka beenta miisow
Iga baydh murqooshow