Magaalada Laascaanood Oo Uu Maanta Ka Dhacay Dibbad-Bax Lagu Taageersan Yahay Doorashada Cali Khaliif

0
22

Laas-Caanood(Hubaal):-Waxa Maanta Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool Ka Dhacay Dibad-Bax Lagu Taageersan Yahay Doorashada Maamulka Isku Magacaabay Khaatumo Ay Ku Doorteen Hogaan Cusub Kaas Oo Ka Socda Deegaanka Saax-Dheer Ee Gobolka Sool.

laascaanood

Dibbad-Baxan Ayaa Sababay Iska Horimaadka Dadka Dibad-Baxayey Iyo Ciidamada Amaanka Ee Magaaladaasi Ka Dib Markii Ciidamada Amaanka Ay Isku Dayeen In Ay Hor Istaagaan Dadkaasi Dhigayey Dibbad-Baxa Ay Taageerada Ugu Muujinayaan Maamulka La Baxay Khaatumo.

Xaalada Magaalada Ayaa Hadda Si Caadiya Ku Soo Noqotay Ka Dib Markii Ciidamadu Bileyska Ay Ka Hawl-Galeen Sidaasna Waxa Sheegay Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Bileyska Ee Magaalada Laascaanood Oo Yidhi Sidan:-“ “Xaaladdu Waa Caadi Iminka Way Kala Degentahay, Wax Dhibaato Ahi Ma Jirto, Waxaase Magaalada Ku Jira Guuxa Iyo Hadal Haynta Loogu Hanqal Taagayo Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Saax-Dheer.

Magaalada Ayaa Lagu Soo Waramayaa In Uu Ka Jiro Dhaq-Dhaqaaq U Muuqda In Taageero Loogu Muujinayo Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh Oo Maanta Loo Doortay Madaxweynaha Maamulka La Baxay Khaatumo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here