Magaallada Boorama Oo ay Kusoo Badanayaan Dumarka Qabta Shaqooyinka Dhismaha Guryaha

0
52

hooyo kuulinimo ku xamaalaynaysaBoorama (Hubaal) –muddooyinkan dambe magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxa ku soo badanaya dumarka iyagu nolol maalmoodkooda ugu xamaal taga qabashada hawlo adag oo raggu aad u qabto oo ay ka mid tahay hawsha dhismaha guryaha.

Waxaa lagu qiyaasaa in 90 haween tiro ahaan oo badankoodu carruurtooda kaligood korsada ay haatan ka shaqeeyaan goobaha wax laga dhisayo ee magaalada Boorama.

Dhool Aw-Ibraahim Daheeye, oo ah 39 sano jir, waa hooyo leh todobo carruur ah. Waxay ka shaqo bilowday dhisme la dhisayo lix bilood ka hor kadib markii ninkeedii uu shaqo waayay uuna xeebta dalkaa u socdaalay isagoo ka tagay iyada iyo carruurta.

Waxay Idaacada Ergo (Radio Ergo) oo aanu warbixintan kasoo xiganay u sheegtay in inkastoo shaqadu ay adag tahay, ay saamayn wanaagsan ku leedahay nolosha qoyskeeda. “Marka aad shaqeyso, qof walba wuu ku xushmeynayaa, wuu ku aaminayaa waxna wuu ku deyminayaa,” ayay tidhi hooyo Dhool.

Waxaa soo gala $210 bishii, lacagtaasoo ku filan kirada gurigeeda oo ah $30  iyo raashinka qoyska iyo weliba waxyaabaha kale ee aasaasiga ah. Waxay sidoo kale usoo iibisaa qalabka waxbarashada labo carruur ah oo ay dhashay oo dhigta dugsi hoose oo lacag la’aan lagu dhigto.

Waa shaqo maalin oo adag, iyadoo shaqadu bilaabato lixda aroornimo waxayna qaadataa 10 saacadood. Dowrka haweenka waa inay soo ururshaan dhagaxyo, marmar iyo wixii shaqadan ay ku jiraan la hal maala.

“Marmar, waxaanu la shaqeynaa rag aan samir lahayn kuwaas oo kula murmi kara. Way kugu qeylinayaan adigoo u hagar baxaya inaad sida ugu wanaagsan shaqada u qabato,” Dhool ayaa sidaa tidhi.

Khadar Maxamed Xasan waa mulkiilaha Shirkada Qaran ee Dhismaha iyo Qandaraas Bixinta. Wuxuu sheegay in dumarka ay ku qasabtay dantu inay shaqeeyaan daruufo adag oo jira aawadood.

Qaar ayaa raggoodii dhintay ama la furay; in badan oo kujira dumarkaa ayaa xoolohoodii uga le’deen abaarta; kuwo kale waxaa guursaday rag aan shaqeyn.

Xaliimo Daahir Xuseen oo ah 53 sano jir kaligeed ayaa korsata carruurteeda oo sagaal ah. Waxay usheegtay Idaacada Ergo (Radio Ergo) oo ah meeshii aanu xogtaan kasoo xiganay inay shaqada la qabsatay laakiin dhalliilo badan ay soo gaareen markii ay bilowga ahayd.

“Way iyasi jireen oo I cambaareyn jireen shaqada darteed, iyagoo igu odhan jiray waa shaqo rag. ‘Ka fogoow, oo iska daa’, waa waxa ay igu odhan jireen,” sidaa ayay tidhi. Waxay ka fogaan jirtay inay ka shaqeyso halka ay joogaan dad garanaya iyada wayna isqarin jirtay.

Xaliimo waa guddoomiye ku-xigeenka koox lagu magacaabo Faadumo oo isu keenta dumarka ka shaqeeya dhismeyaasha. Waxay sideed sano ka hor kasoo barakacday deegaanka Baaldheere oo qiyaastii 30 km u jira Boorama.  Xaliimo waxay sheegtay inaysan shaqadaa qabateen hadii ay heli lahayd shaqo ka dhib yar ama lacag ay ku bilaabato ganacsi yar.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here