Magaca Dal Carbeed Oo Dhisaya Magaalo Qurux Badan Oo Loo Dalxiisi Doono

0
63

masjid-sucudiga

Riyaad:(Hubaal)-Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa wadda qorshe ay ku dooneyso in ay ku dhisto magaalo weyn oo qurux badan,  taas oo loogu tala galay in ay noqoto mid madadaalo iyo dalxiis loogu yimaaddo.

Magaaladan cusub ayaa la qorsheeyay in laga dhiso duleedka magaalada Riyaad ee caasimada Sacuudiga, waxaana  laga sameyn doonaa dhul 129 Mayl oo isku wareeg ah ku fadhiya, oo baaxadiisu lagu qiyaasay magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.

Sida uu Qorshuhu yahay magaaladan la dhisayo ayaa laga heli doonaa waxyaabo badan oo lagu madadaasho sida goobaha ciyaarahaha kala duwan , barxado waaweyn oo ay yaalaan dhamaan qalabka lagu ciyaaro iyo goobo lagu daawado xayawaanaatka duurjoogta ah.

Magaaladan cusub ee laga dhisayo Sacuudiga ayaa noqoneysa tii ugu horeysay nooceeda ah oo dunida laga sameeyo, waxaana magaaladan Sacuudigu ugu tala galay in ay noqoto il dhaqaale kale ay lacago kasoo galaan, maadaama  ay hadda ku tiirsan yihiin shidaalka .

Dhismaha magaalada cusub ayaa la qorsheeyay in ay bilaabato horaanta sanadka soo socda ee 2018-ka, waxaana wajiga koobaad ee dhismahan lasoo gabo gabeyn doonaa 2022-ka sida uu qorshuhu yahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here