Magaca Hay’ad Ka Hawl-gasha Hargeysa Iyo Muqdisho Oo Ay Dawladda Soomaaliya Ku Xidhiidhisay Inqilaabkii Turkiga

0
164

Dawladda  Oo Go’aan Hiil U Ah Xukuumadda Istanbul  Ku Caydhisay Hay’ad Ka Hawl-gasha Hargeysa Iyo Muqdisho+ Bannaan-bax  Lagu Cambaareeyey Afgembigii Habeen Hore   Oo Shalay Xamar Ka DhacayNile accademy

 Muqdisho (Hubaal):-  Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay isku day afgambi oo Milliteriga Turkiga qaybo ka tirsani isku dayeen inay habeen hore ku afgembiyaan dowladda Madaxweynaha la soo doortay ee dalkaas, kaasoo aan lagu guulaysan ee fashilmay markii ay Shacabka dalkaasi is-hor-taageen hawlgalka Ciidanku doonayeen inay dalka ku qabsadaan.  Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay caalamka ee si cad oo badheedh ah u cambaaraysa Inqilaabkaas Millateri ee dowladda Turkiga Kooxaha Millateriga ka tirsani doonayeen inay xukunka kaga tuuraan.

bannaanbax taageerrada turkiga ee muqdisho ka dhacayWaxaana Sabtidii shalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay Bannaan-bax ballaadhan oo ay Shacabka oo ay Masuuliyiinta dolwaddu hor-socdaan ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan afgembigaas fashilmay. Shacabka Muqdisho oo  ay horkacayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya iyo Duqa Caasimadda Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa waxay Shacabka isu soo baxay sheegeen inay taageero buuxda la garab-taagan yihiin dowladda Sharciga ah ee Turkiga, iyagoo aad uga mahad-sheegtay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay sheegeen inuu marar badan oo Soomaaliya xaalad adagi ka taagnayd uu u soo gurmaday oo ay isaga iyo qoyskiisu ka soo degeen Muqdisho 2011-kii markii Macaluusha ba’ani ka dhacday Soomaaliya, mashaariic badan oo horumarineedna ka fuliyey dalka. War ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku caddeeyay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed-ba ay ka xumaadeen waxa ka dhacay dalka Turkiga oo uu ku oo ku tilmaamay mid ay walaalo gaar ah yihiin Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray in ay taageersan yihiin Dawladda sida dimuquraaddiga ah lagu soo doortay ee uu hogaanka u hayo Madaxwayne Rajab Dayib Erdogan. Waxa midnimo ayuu ugu baaqay masuuliyiinta Turkiga. Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aways ayaa shalay BBC-da u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh saacado badan oo habeen-hore ah Khadka Taleefanka kula hadlayey Masuuliyiin kala duwan oo dowladda Turkiga ka tirsan oo Madaxweyne Erdogan ka mid yahay illaa intii ay xaaladdu ka degaysay waabberigii xalay oo uu si rasmi ah u fashilmay inqilaabkaas Millaterigu isku dayey.

xukuumadda somaliaGeesta kale Golaha Wasiirrada ee   Soomaaliya oo  shir aan caadi ahayn oo ay shalay ku yeesheen magaallada Muqdisho, kaga hadlay afgembiga dhicisoobay ee Turkiga,  war qoraal ah oo laga soo saaray shalay gebogabadii shirkaasi ayaa lag sheegay go’aan ay dawladda Soomaaliya ku amartay in la joojiyo adeegyo ay bixin jireen hay’ado lala xidhiidhinayo, nin ay dawladda Turkigu ku eedaysay inuu ka dambeeyey inqilaabka, kaas oo lagu magcaabo Fetxullah Gulen.

160714-fetullah-gulen-turkey-mn-1935_8b7e98df68493277d12a9c9dd86e5b6c.nbcnews-ux-2880-1000Hay’adahan oo ka shaqaynayey Muqdishu ayay ka mid tahay Nile Academy oo bixin jirtay adeegyo dhinaca waxbarashada ah. Waxaa kale oo hay’adaha la xidhiiidhiyey ku jiray kuwo bixiya adeegyo dhinaca caafimaadka ah. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay 7 malamood oo ka bilaabanaysa berrito ay dalka kaga baxaan shaqaalaha hay’adahaasi. Dawladda ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Turkigu ay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay hay’adaasi sidoodii u socon doonaan, maamul cusub na loo yeeli doono.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here