Magaca Koox Uu Xafiiska Imtixaannaadka Qaranku Sheegay In Ay Is-been-farriimeen Oo Lacago Ka Urursanaya Waalidiinta

0
207

“Intii Ay Haweenku Hadhow Odhan Lahaayeen; Maxaa Wax Looga Qaban-waayay Ninka Intuu Qol Yar Ka Kiraystay [Suuqa] Doqon-ma-waaye Lacagta Na  

Hargeysa (Hubaal) -Guddoomiyaha Xafiiska Guddida Imtixaannaadka Qaranka Somaliland Daauud Axmed Faarax oo isaga iyo masuuliyiinkale oo wasaaradda waxbarashadaka tirsani warbaahinta kula hadleen xafiiskooda ayaa ka digay kooxo uu sheegay in ay sitaan magacyo Foojari ah oo waalidiinta iyo ardayda reer Somaliland  ka ibinaya deeqo waxbarasho oo ay sheegeen in uu dalka Turkigu ugu deeqay Somaliland.

Daauud Gadhweyne waxaa uu sheegay in la soo gaadhsiiyey xafiikooda koox la magac baxday Turki-afro Educational Service kuwaas oo xafiis ay ku shaqaystaan ka furtay suuqa dhexe eemagaallada Hargeysa halkaas oo ay ardayda iyo waalidkoodba ugu soo bandhigayaan deeqo waxbarasho oo ay u sheegteen in dalka Turkigu soo siiyey Somaliland isla markaana ay iyagu soo fududeeyeen isaga oo Daa’uud sheegay in ay been farriimeen xafiiskooda oo ay qoladani u sheegatay dadweynaha in ay rusqad iyo damaanadba ka haystaan wasaaradda waxbarashada gaar ahaanna xafiiska imtixaannaadka. Ugu horeyn Daauud oo ka hadlaya isla markaana faahfaahinaya qoladan waxaa uu ydihi  “Waxaa maalmahanba  nagu soo laba gooor noqonayay oo aan doonayaa inaan maanta dadweynaha reer Somaliland u caddeeyo qolo la yidhi waxaa la yidhaahdaa Turki-afro Education Service  kuwaasoo aanan anigu garanayn meel alla meel ay kasocdaan”. Sidaas waxaa hadalkiisa ku bilaabay guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadka qaranka ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Md. Daa’uud Axmed Faarax Buuni oo maalintii shalay isaga iyo masuuliyiin kale oo wasaaraddaasi ka tirsani xafiiskooda kula hadleen warbaahinta. Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in ay xafiis ahaan ka war heleen kooxdan oo bulshada u sheegatay war ah in ay deeqo waxbarasho dibadeed ah dalka keeneen “xafiis ahaan waxaa noo yimi waallidiin reer Somaliland ah oo wax naga weydiiyey qolladan oo ay nagu yidhaahdeen waxaa ay noo sheegeen inay wadaan Scholarships [deeqo warbaxasho] kuwaas oo aanaan wasaarad ahaan ka war haynin waxa ay yihiin iyo meesha ay ka yimaadeentoona, dadkii nooyimi markay arrintaas noo sheegeen waxanu ku nidhi dee adeerrayaal haddii aad idinku si gaar ah ula macaamilaysaan idinka ayay idiintaallaa laakiin annagu ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis imtixaannaad ahaan kama warqabno waxa  ay yihiin qoladaasi iyo meesha ay kasocdaan toona”. Ayuu hadalkiisa kuladhay guddoomiye Daa’uud “Markaanu intaas u sheegnay waalidiintii waxaa ay nagu  yidhaahdeen in qoladani ay u soo tilmaameen xafiiskan oo ay yidhaahdeen annaga waxaa arrinkayaga og oo nala socda daa’uud gadhweyne iyo xafiiska imtixaannaadka ee orda oo naga soo hubiya. Sidaasi ayaa warku nagu soo gaadhay annaga, sidaasi darteed waxaanu jecelnahay inaanu arrintaas u caddayno bulshada warkaasi gaadhay, haba yaraatee nimankaas la sheegayaa hadday official yihiin iyo haddii aanay ahayn toona wax xidhiidh ah oo ay nala soo sameeyeen ma jiro, mana hayno wax naga soo gaadhay dalka ay kooxdani magacooda sidato ee Turkiga mana ogin wax deeq waxbarasho ah ooay inna siiyeen, sidaas oo ay tahay waalidka lamacaamla qoladan annagu masuul kama nihin, mana damaanad qaadayno”. Ayuu yidhi guddoomiyuhu. Gebogabadiina waxaa uu farriin u diray cid kasta oo deeq waxbarasho dalkakeenta dhabbaha ay u marikarto qaybinteeda, “ninkii muwaadin ah ee deeq waxbarasho dalka keenna waain uu wasaarrada waxbarashada la soo socodsiiyo laakiin ninka intuu qol yar ka kiraysto [Suuqa] Doqon-mawaaye oo sida naloo sheegay ay qoladani ku shaqaystaan wax alla iyo wax masuuliyad ah oo ay wasaaraddu  kaga damaanad qaadayso waalidiintu ma jirto, intii   hadhow  [marka ay waxba u suurto geli waayaan]  waalidiintu odhan lahaayeen weliba haweenku ha u badnaadeene  Maxaa ay wasaaradda waxbarashadu wax uga qaban weyday markii lacagta nalaga guranayay. Hadal iyo dhammaan haddii warka qoladani uu run yahay iyo hadduu been yahay toona annagu masuul kama nihin”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here