Magaca Muwaadin Soomaaliyeed Oo Shaki Argagixiso Loogu Xidhay Dalka Uganda

0
27

mahamed-abdi

Kampala: (Hubaal)-Laamaha ammniga dalka Uganda ayaa gacanta ku dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo lala xidhiidhinayo in uu ku lug lahaa falal argagixiso, sidda laga soo xigtay taliyaha ciidammada booliiska degmada Busia ee dalkaasi Uganda.

Max’ed Cabdi Cali oo ah shaqsiga Soomaaliga ah ee la xidhay ayaa laga soo qabtay xadka dalka Uganda, waxaana lala xidhiidhinayaa in uu ku lug lahaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 11-kii July, 2010- ay Al-Shabaab ka geysteen magaalada Kampala, kaasoo gallaaftay nolasha 80 ruux.

Xafiiska waaxda socdaalka dalka Uganda ayaa shaacisay in uu ka mid ahaa Max’ed Cabdi shaqsiyaadka sida weyn loo doon-doonayay ee la xidhiidhinayay weerarka ismidaaminta.

Laakiin eedeysanaha la qabtay ayaa sheegay inaanu wax lug ah ku laheyn danbiyada loo heysto, isaga oo sheegay in uu ka yimid dhinaca Kenya kuna sii jeedday dalka Koonfur Africa.

Ugu danbeyntii, taliyaha ciidammada booliiska degmada Busia, Nelson Nahabwe, ayaa sheegay in ninkan loo gudbin doono xarunta ka hortagga argagixisada, si  halkaa su’aalo dheeraad ah loogu weydiiyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here