Magaca Sarkaal Miisaan Ku lahaa Xisbiga WADDANI Oo Is-casilay Iyo Waxa Uu Qoonsaday

0
38

“Imika waxad mooddaa in mucaaridkii iyo muxaafidkiiba la kala garan la’yahay, markii aanu WADDANI ahayna ma sharrixi karo wax alla iyo waxa uu mucaarid ku yahay, kuwii dawladda shalay ku jirey ee laga cabanayey ee aanu lahayn dalka way baabi’iyeen baa WADDANI-na yimi”Axmed Cilmi-yare

axmed cilmi yare

Hargeysa:(Hubaal)-Xoghayihii Khayraadka Dabiiciga ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Axmed Cilmi-yare, ayaa maalintii shalay shaaca ka qaaday inuu iska casilay xubin-nimadii iyo xilkii uu ka hayey xisbiga WADDANI oo uu muddo kasoo tirsanaa.

Axmed Cilmi-yare oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale sharraxay sababta uu iska casilay xisbigii uu katirsanaan jirey ee WADDANI, isaga oo ku eedeeyey inuu ka waayey jawigii mucaaridnimo ee looga baahnaa.

 Xoghaye Axmed Cilmi-yare oo sharraxa sababta uu isku casilay, ayaa sheegay inaanu jirin wax ay ku kala duwan yihiin xisbigii uu katirsanaa ee WADDANI iyo midka talada haya ee KULMIYE, isla-markaana uu meesha ka maqan yahay doorkii mucaaridnimo ee la doonayey,  waxana uu hoosta ka xarriiqay inay xisbiga kusoo biireen xubnihii xukuumaddan haatan jirta ka tirsanaan jirey ee ay hore u dhaliili jireen,  waxana uu yidhi, “mucaaridnimadii waxad moodaa inay meesha ka maqan tahay, mucaaridnimadana inaynu wax ku toosinaa loogu talo galaye inaynu wax ku duminno looma samayn, imikana waxad moodaa in mucaaridkii iyo muxaafidkiiba la kala garan la’yahay. Imika markii aanu WADDANI ahayn ma sharrixi karo wax alla iyo waxa uu mucaarid ku yahay, kuwii dawladda shalay ku jirey ee laga cabanayey ee aanu lahayn dalka way baabi’iyeen baa WADDANI-na yimi.”

Waxa uu muujiyey sida uu uga xun yahay gaabis uu sheegay inuu ku jiro doorkii gurmad ee dadka gobollada bariga abaartu ku hayso, kuwaas oo uu sheegay la hagraday oo aan sidii la rabay loogu gurmanin,“abaarta bariga ka jirta axsaabta qaranka ama mucaarid ha ahaadaan ama muxaafid ha ahaadaane waxad moodaa inaanay xogogaal ka ahayn marka aad aragto sida ay u dhaqmayaan iyo doorashooyinka laga hadlayo, waxana haatan bilaabantay inay dhimashadii dadku bilaabantay, waxana aan odhan lahaa arrintaas si gaar ah halloo eego oo halla joojiyo ololahan qabyaaladaysan ee la wado” ayuu yidhi Axmed Cilmi-yare.

Is-casilaadda xoghaye Axmed Cilmi-yare ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dhawaanahanba si joogto ah xisbiga WADDANI iskaga casilayeen saraakiil sarsare oo rag iy haweenba iskugu jirta, kuwaas oo dhammaantood saluug weyn ka muujinayey hannaanka ay hoggaamiyayaasha     xisbigaasi wax u wadaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here