Magacyada 69-kii Mudane Ee Heshiiska Dp World Ogollaaday, Afartii Xildhibaan Ee Diiday Iyo Kuwii Ay Naanaystu Raacday

0
144

Akhri: Magacyada Sideed Mudane Oo Iyagu Fadhiga Ka Maqnaa, kuwaas Oo Qaarkood Dareereen Markii Codayntu Bilaabantaygolaha wakiilada

Hargeysa (Hubaal)- Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay heshiiskii maal-gelinta marsadda Berbera ee xukuumaddu 09/05/2016 la gashay shirkadda caanka ah ee laga yeehayay imaaraadka carabta ee DP World. Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in shirkada PD World Somaliland u dhisayso dekad cusub oo 400 mitir ah, marka ay taasi dhammaatana dayactir balaadhan iyo casriyayn lagu sameeyo dekaddii hore, in wax laga qabto kaabeyaasha bulshadda sida laydhka, biyaha, kalluunka iyo waddooyinka. Fadhigii shalay ee aqalka wakiiladdu ku ansixiyeen heshiiska hordhaca ah ee casriyaynta dekadda Berbera, waxa guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay hareeraha ka fadhiyeen labadiisa Ku-xigeen. waxa ka soo xaadiray fadhiga 74 xildhibaan oo ka mida 82-ka xildhibaan ee golaha wakiiladu ka kooban yahay. In heshiiskaas loo ansixiyo sida ay xukuumaddu golaha u hor-keentay, waxa ogolaaday oo “HAA” ugu coddeeyay 69 xildhibaan, waxa diiday 4 xildhibaan. Halka cid ka aamustay aanay jirin, guddoomiyuhuna aanu codayn, sidaasna waxa uu heshiiskaasi ku noqday mid ansax ah oo laga xalaaleeyay aqalka wakiiladda. Shirkadda PD World, waxay gacanta ku haysaa in ka badan 70 dekedood oo ku yaalla wadamada ugu horumarsan adduunka, sida Ingiriiska, Ruushka iyo Maraykanka.

Magacyada Afarta Xildhibaan Ee Diiday Heshiiska

Arrinta xiisaha lihi waxay ahayd in heshiiskan ay caaridadiisa ku kaliyaysteen afar Mudane oo laga soo doortay gobolka Saaxil, kuwaasi oo heshiiskan olole weyn oo lagu carqaladeynayo ka galay muddooyinkii la soo dhaafay. Mudaneyaashani waxay ka coddeeyeen oo ay diideen heshiis dhigaya in horumar balaadhan laga sameeyo gobolkii laga soo doortay.

Magacyadda Afarta Mudane Ee Naanaystu Raacday Kala Yihiin:

Siciid Cilmi Roole

Siciid Cartan Cisman

Xaamud Cisman Cigaal

Axmed Xasan Aadan (Weysa cade)

69-kii Mudane Ee Ogolaaday Heshiiska:-

  1. Baashe Maxamed Faarax
  2. Dr. Cali Yuusuf Axmed
  3. Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac)
  4. Cali Maxamed Aadan (Cali Barre)
  5. Saleeban Cawad Cali (Bukhaari)
  6. Axmed Cabdi Nuur (kijandhe)
  7. Maxamed Cali Xirsi (Obama)
  8. C/raxman Cisman Caalin
  9. C/raxman Yuusuf Cartan
  10. Ibraahim Caraale Cabdi (Ruush)
  11. Baar Siciid Faarax
  12. Ibraahim Jaamac Cali (Reyte)
  13. Ibraahim Mahdi Buubaa
  14. Naasir X. Cali Shire
  15. C/raxman Maxamed Talyanle
  16. Cabdi Maxamud Jaamac (Gaagale)
  17. C/casiis Ismacil Ducaale
  18. Saleeban Yuusuf Cali (Koore)
  19. Siciid Maxamed Cilmi
  20. Xaashi Xuseen Caabi
  21. C/karim Abuubakar Good
  22. C/ramxan Maxamed Jaamac
  23. C/qaadir Jibriil Tukaale
  24. Axmed Barkhad Obiisye
  25. Cali Sh. Ibraahim Aareeye
  26. Siciid Warsame Ismaciil
  27. Farxan Maxamed Cali
  28. Faarax Maxamuud Cabdule
  29. Maxamuud Dhunkaale Guutaale
  30. Xamze Maxamed Gaadaweyne
  31. Axmed Jaamac Warfaa (Wadka)
  32. Maxamuud X. Maxamed Cumar Xaashi
  33. C/karimm Aw Cali Shabeel
  34. C/laahi Xuseen Cige (Blacky)
  35. Axmed Faarax Jooge
  36. Xusen Ismaciil Yuusuf
  37. C/qaadir Jamac Xaamaud
  38. Axmed Maxamed Nuur
  39. Maxamed Cisman Bulqaas
  40. Cali X. Maxamed Muuse
  41. Maxamed Cumar Aadam (Jiir)
  42. Maxamud Axmed Obsiiye
  43. Axmed Ducaale Bulaale
  44. Axmed Cabdi Kaahin
  45. Maxamed Saalax Cige
  46. Wali Axmed Xaawo
  47. Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool)
  48. Cabdi Hiirad Warfaa Faahiye
  49. Yuusuf Liibaan Cumar
  50. Cali Obsiiye Diiriye (Gabiley)
  51. Maxamed Jamac Cabdi
  52. Maxamed Jama Cali
  53. Maxamed Baaruud Shide
  54. Aadan X. Diiriye DIrir
  55. C/raxman Jaamac Muuse
  56. AxmedYaasiin Sh. Cali Ayaanle

57.

  1. Xusen Maxamed Cige
  2. C/laahi Axmed Yuusuf (Madar)
  3. Ibrahim Axmed Reygal
  4. Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeyo)
  5. Maxamed Xusen X. Ciise
  6. Mahdi Xusen Cadar
  7. Mahdi C/laahi Maxamuud
  8. Xasan Cawaale Ceynaan
  9. Xasan Muuse Hufane
  10. C/qaadir Askar Xasan
  11. Muuse Maxamed Ismaciil (Hoos-ujeed)
  12. Ismaaciil Maxamed Xasan

Mudanayaasha Fadhigan ka maqnaa:-

Waxaa Fadhiga aan joogin Markii la codeynayay 8 Mudane oo qaarkood fadhiga ka baxay, qaarna fasax Golaha kaga maqnaayeen waxayna kala ahaayeen sidan:-

  1. Cumar Axmed Saleebaan (Sanweyne)
  2. Maxamud Jamac Cilmi (Dable)
  3. C/qaadir X. Ismaaciil Jirde
  4. C/raxman Maxamed Jaamac (Aw-xoog)
  5. Ibraahim Axmed Heye
  6. Aadan Muxumed Hoore (Mataan)
  7. Jamac Xasan Aadan
  8. Maxamed Faarax Qabile
  9. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here