Magacyada Guddi Loo Saaray Arrinta Qalbi Dhagax Oo La Shaaciyay

0
167

Muqdisho (Hubaal) Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddi ka kooban xildhibaanada golaha shacabka u saaray baadhitaan la xidhiidha go’aankii xukuumadda ay ku dhiibtay Cabdikariim Sheekh Muuse oo loo yaqaano Qalbi Dhagax.

Guddigan waxa uu ka koobanyahay 15 xubnood, waxaana loo xilsaaray in ay soo baadhaan sidii ay u dhacday dhiibistii Qalbi Dhagax.

Guddiga Baarlamaanka waxay haystaan heshiisyadii ay xukuumada u cuskaday dhiibista, sida lagu shaaciyay warbaahinta dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Waxaa laamaha kala duwan ee dowladda ee arrintan ay quseysa la faray in ay wadashaqayn la yeeshaan guddiga.

Magacyada xubnaha guddiga

1.Xildhibaabn Axmed Dhimbil Rooble

2.Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle “Col. Ruush”

3.Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar

4.Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa”

5.Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaadi”

6.Xildhibaan Cali Yuusuf Cusmaan “Ganey”

7.Xildhibaan Cali Yuusuf Cali “Xoosh”

8.Xildhibaanad Hani Maxamed Aadan

9.Xildhibaan Lutfi Shariif Maxamed Cumar

10.Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim

11.Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed “Cagoweyne”

12.Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy

13.Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cabdi “Diyeeshe”

14.Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Maxamed “Gaandi”

15.Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud Xayd

13-kii bishan ayaa kulan uu yeeshay baarlamaanka waxaa lagu go’aamiyay in guddi loo saaro go’aankii xukuumadda ay Itoobiya ugu dhiibtay Cabdikariim Qalbi Dhagax, kaas oo dood aad u badan dhaliyay. Cabdikariim waxa uu ahaa mas’uul sare oo ka tirsan ururka ONLF oo la dagaalama dowladda Itoobiya.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku kala qaybsamay aragti ahaan arrinkaas, qaar ka mid ah ayaa sheegay in dowladda ay ku qaldanayd in ay muwaadin Soomaali ah ay u dhiibto Itoobiya, halka qaar kale ay sheegeen in xukuumadda u xilsaarantahay amniga dalka, “wax kasta oo maslaxada dalka ku jirtana ay xaq u leedahay in ay fuliso”.

Heshiisyada xukuumadda u cuskatay in ay dhiibto Cabdikariim ayaa waxaa horey Itoobiya “ula saxeexday mas’uuliyiin ka mid ah dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud”, balse ma ahayn heshiisyo baarlamaanka uu ansixiyay.

Dhammaan mas’uuliyiintii hore u saxeexayna waxa ay sheegeen in aanu ku jirin qodob ka hadlaya in dad la isu wareejiyo.

Warbixinta ay soo diyaarin doonaan xubnaha guddigan ayaa la horkeeni doonaa baarlamaanka, kadibna go’aan ayaa laga qaadhi doonaa, wuxuuna guddiga shaqaynayaa illaa inta go’aan kama dambays ah laga soo saarayo arrinkaas.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here