Ujeedo: Warsaxaafadeed ka soo baxay Guddida ku Meel-gaadhka ah ee loo xilsaaray Qabanqaabada Shirweynaha SAMO-TALIS ee GARXAJIS
1. Shir ay isugu yimaadeen Guddida ku- meel- gaadka ah ee loo xilsaaray qabanqaabada Shirweynaha SAMO-KATALIS ee beelweynta GARXAJIS ayaa lagu qabtay Huteel Ambaasador malintii Isniinta ee bishu ahayd 19kii Oktoobar, 2015. Qodobada shirku waxay ka koobnaayeen toddoba qodob.
2. Ugu horaantii, waxay Guddidu falanqeysay xaalada guud ee dalku marayo iyo tabashooyinka bulshada ee is-biirsaday ee maalinba maalinta ka sii dambeysa kordaya ee loo maaro la’yahay waxkaqabadkooda, iyo khatarka u yeelan karto toosin la’aantoodu, xasiloonida dalka haddii sidaas uun lagu eegto.
3. Waxa kaloo Guddidu ka dhegeysatay xubno Guddida ka tirsan warbixino muhim ahaa oo ku saabsan hawlihii u qabsoomay Guddida dalka gudihisa iyo dibediisaba,intii shirkii hore ka dambeeyey, iyo hawlaha weli dhiman ee loo baahan yahay in Guddidu dardargeliso fulintooda.
4. Wuxuu shirku ansixiyey barnaamij shaqo oo waxqabad oo ujeedadiisu yahay kamidhadhalinta higsiga Guddida.
5. Waxa kaloo la magacaabay Guddi Farsamo oo ka taageeri doonta Guddida fulinta barnaamijka.
- Waxaa la go’aamiyey in la sii xoojiyo wadatashigii ka socday dalka gudihiisa iyo debadiisaba, iyadoo Iyana la dhameystirayo qaab-dhismeedyadii guddiyada
goobihii aan weli laga hirgelin. - Ugu dambeyntii, waxay Guddidu ugu baaqday bulshada inay ilaashadaan nabadgelyadooda iyo qaranimada Somaliland; dhinacna uga soo wadajeestaan qof kasta ama koox kasta oo ka-hormarineysa dantood gaarka ah tan guud,iyagoo u isticmaalaya awoodo dawladnimo oo shacbigu ku aaminay.Ficiladaas oo wiiqaya wax-wadalahaashihii umadda iyo midnimadii iyo isku-kalsoonidii bulshada.
ALLAA MAHAD LEH
GUDDIDA QABANQAABADA SHIRWEYNAHA SOMA-TALIS