Magacyada Hal-abuurro, Laxameysteyaal & Fannaaniin Ka Tegay Hargeysa Oo London Lagu Soo Dhaweeyey

0
66

Dheeg, Jiir, Geenyo, Caabi Iyo Furinle Oo Cabirray Shuruuctooda Iyo Sida Loo Qaabilay

“Annagu Hore Ayaanu Warkiinna U Haynay Oo qurbejooga Somaliland Waa Dayax Ka Dhex Ifaya Dadka Kale ee Ay [London] La Joogaan”

fannaaniinta-london-tegay

London(Hubaal):- Guddoomiyaha Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska Axmed-weli Ibraahim Maxamuud (Furinle) iyo Fannaanadda Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-Geenyo), Fannaanka Caabbi Mire Dacar, Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, Mullaxamka Caanka ah ee Cabdikariin Faarax Qaaray (CKariin-Jiir), iyo Xubno kale, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada London ee waddanka Britian oo ay kaga qaybgalayaan Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee Somali Festival Week oo sannad walba lagu qabto London. Xubnahan isugu jira Abwaannada iyo Fannaaniinta, ayaa ka tegay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland dorraad, iyagoo habeen hore ka duulay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, waxaana socodkooda ku weheliyey Jaamac Muuse Jaamac oo isaga iyo Xaaskiisa Ayaan Cashuur yihiin hoggaamiyeyaasha Ururka Kayd ee soo qaban-qaabiya toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee Somali Festival Week oo sannad kasta Xubno Bahda Fanka iyo Dhaqanka ka tirsan lagu casuumo ama laga qaybgeliyo. Kooxdan oo Warbaahinta la hadashay markii ay kad egeen magaallada London ayaa dareenkooda cabirtay, Ugu Horeynna Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) isla markaana ah Halabuur caan baxay oo kamid ah foollaadka Fanka Soomaalida oo ku hadlayay afka hobolladan ayaa ka hadlay safarkooda waxaanu yidhi “Marka koowaad hadaad reer London tihiin sida fiican ee aad noo qaabisheen aad iyo aad baanu idiinkaga mahad naqaynaa, sida gobonnimada lah ee aad nooga hor timaadeen waanu idiinka mahad celinaynaa. Dadka qurbejooga ah ee reer Somaliland ee ku sugan London way ka dhex muuqdaan dadka kale ee ay la joogaan oo waxaa ay ka yihiin xiddig ifaysa oo sida dayaxa oo kale ah, annaguna warkiina waanu haynay, waxaanan aanu idin leennahay wanau idiin nimi waananu idinla joogaynaa macsuumadaas aad ka war haysaan ee Ayaan Cashuur Iyo Jaamac Muuse Jaamac ay u fidiyeen abwaannada, halkaas oo ay nagu soo casuumeen annagana, run ahaanna muddo labaatameeyo cisho ah baanu joogaynaa, inta aynu wada joognana waynu wada sheekaysan doonnaa”. Ayuu yidhi Abwaan Xildhibaan Dheeg. Waxana uu intaa ku daray mar uu si kaftan ah u sharraxayay tiradooda iyo magacyadooda “Kulligayo waanu idinla joognaa kolley dee magacyadayada waad wada haysaanne, anigu waxaan ahay Xildhibaan Dheeg, berigii horena fanka iyo gabayaaguu ku jiri jiray, markii dembena guurtida ayuu ku biiray. Ninkanna [isaga oo farta ku fiiqaya shaqsiga ku xigay] waa ninkii laxammada quruxda badan samayn jiray ee Cabdikariin Faarax Qaarrey (Jiir), Dhalinyaradii fanka nooga dembeysay baa iyaguna nala socda” ayuu hadalkiisa ku ladhay. Dhinaca kale laxamaystaha caan baxay ee Cabdirakiim Faarax Qaarray (Jiir) oo isna dareenkiisa ka hadlay ayaa ku tiraabay weedh kooban oo ahayd “Fannaanku ha noollaado”. Fannaanka Caabi Mire Dacar, Fanaannada Yurub Maxamed Cabdi (Geennyo) iyo Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Axmed-weli Ibraahin Furinle ayaa iyaguna dareenkodoa ka hadlay. Dhammaantooda waxaa ay u mahad naqeen dadka soo dhaweeyey iyo guud ahaanba jaalliyada reer London.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here