Labadan Qof Ee Ku Guulaystay Abaalmarinta Nabadda Adduunka Ee Sannadkan 2018 Waxa Laga Soo Dhex Xulay 331 Urur Iyo Shakhsiyaad Oo U Tartamayey Abaalmarintan.
OSLO(Hubaal)- Abaal-marinta caalamiga ah ee Nabadda ee (Nobel Peace Prize), ayaa sannadkan la guddoon siiyey Naadiya Muraad oo u dhalatay dalka Ciraaq iyo Denis Mukwege oo ah dhakhtar reer Congo ah,waxaanay ku mutaysteen siday uga shaqeeyeen xakamaynta kufsiga xiliyadda dagaalka.
Naadiya Muraad oo 25 jir ah kana soo jeeda Qowmiyadda Yasiidiyiinta Ciraaq oo iyada lafteeda ay qafaasheen isla markaana ay kufsadeen kooxda Daacish oo ay ka baxsatay, waxaanay markii dambe isu beddeshay qof si weyn ugu ololeeya joojinta tacadiyada ka dhanka ah qowmiyadeeda. Denis Mukwege oo ah dhakhtar qaabilsan xannuunada haweenka, ayaa daweeyey kumanaan haween ah oo la kufsaday. Labadan qof ee ku guulaystay abaalmarinta nabadda adduunka ee sannadkan 2018 waxa laga soo dhex xulay 331 urur iyo shakhsiyaad oo u tartamayey abaalmarintan. Guddoomiyaha abaalmarinta nabadda adduunka oo lagu qabtay maanta oo Jimce ah Magaalada Oslo ee waddanka Norway, waxa ka hadlay Berit Reiss Andersen oo ah Guddoomiyaha Guddidii Nobel Peace Prize, waxaanay si qotodheer uga warrantay kartidii iyo dedaalkii ay labadan guulayste sameeyeen.
Xigasho: Solnanews.com