Magacyada Laba Hablood Oo Walaalo ahaa Oo Daad Ku Qaatay Dooxa Dacar-budhuq

0
107

dooxa dacarbudhuq

Hargeysa:(Hubaal)-Waxa soo baxay khasaarihii ugu horreeyey eek a dhashay roobabka gu’ga oo meelo badan oo Somaliland ah ka curtay, waxana dhibaatada ugu weyni ka dhalatay dooxa Dacar-budhuq ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera oo shalay gaadhi uu qaaday ay ku geeriyoodeen laba kamid ahi ahaayeen hablo walaalo ah.

Gaadhiga daadku qaaday oo noociisa lagu sheegay Surf, ayaa waxa qaaday biyo xoog badnaa oo dooxa marayey, waxana halkaas ku geeriyooday laba hablood oo walaalo ahaa, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Asma Maxamed Yuusuf iyo Foosiya Maxamed Yuusuf.

Sida uu Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Md. Axmed Abokor warbaahinta u xaqiijiyey, waxa ay labada hablood ee geeriyooday ka yimaaddeen dhinaca magaalada Berbera, iyaga oo usoo socday caasimadda Hargeysa, waxana lagu guuldarraystay isku dayo lagu badbaadinayey oo ay dadka deegaanku sameeyeen.

Dhibaatada uu dooxa weyn ee Dacar-budhuq ku hayo shacabka reer Somaliland ayaa weli sii socoto, iyada oo aanay muuqanin wax xal ah oo lagula tacaalayaa, waxana uu dooxaasi noqday goob ay naftooda ku waayaan sanad kasta oo roob da’o tiro badan oo muwaadiniinta reer Somaliland kamid ahi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here