Hargeysa (Hubaal) – Wali waxa ay shacabku si weyn u hadal hayaan Tiro wasiiro, Ku-xigeenno iyo madax hay’ado madax bannaan isku jira oo ka Hadhay kooxdii isku duubnayd ee hormadii ugu horraysay shalay ka dareertay liiska Golaha Wasiirrada. Xubnahan oo tiradoodu aad u kooban tahay, ayaa iyagu daqiiqadihii ugu dambeeyey qaatay go’aan ka duwan midkii ay kula socdeen saaxiibadoodii meesha ka baxay, waxana ay iyagoo dantooda eegaya ku adkaysteen inay kasii tirsanaadaan xukuumaddan aanay naxariista u haynin, isla-markaana boqno goynteeda ku mashquulsan yihiin. Magacyada xubnahan hadhaaga ka ka noqday kooxda Tareenka iska tuurtay, ayaa kala aha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Md Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Md Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse) iyo Waliba Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta u qaabilsan Komishanka la dagaallanka AIDS-ka, Md Cabdikariin Xinif. Dhamaanba xubnahani waxa ay ka qaybgaleen shir xubnaha iscasilay Habeen hore saqdii dhexe iskugu yimaaddeen, kaas lagu gorfeeyey qaabkii ay xukuumadda uga tegi lahaayeen, isla-markaana isku raaceen inay si siman xilalka ay hayaan ug dareeraan. Inkastoo is-casilaadda lagu wada Ballansanaa, haddana xubnahani waxa ay eegeen dantooda gaarka ah, waxana ay go’aansadeen inay xilalkooda iska sii haystaan, maadaama wali wakhti u hadhsan yahay Xukuumadda. Xubnahani ka baaqday iscasilaaddu dhammaantood ma aha qaar ku baaqsaday Ixtiraam iyo iyo sharaf ay madaxweynaha u hayaan, balse waxa ay eegteen dantooda oo kali ah iyo inay sii wataan malafsiga hantida qaranka ee ay masuulka ka yihiin. Hore waxa u luntay kalsoonidii madaxweynuhu ku qabay xubnahan tirada yare e kasoo hadhay kooxdii isku duubnayd ee uu wasiir Xirsi Hormoodka u ahaa, waxana la sugayaa tallaabada uu madaxweynuhu ka qaadan doono, maadaama aanay jirin wax kalsooni ah oo ay xukuumadda ka haystaan.