London (Hubaal-W/wararka)- Ciidamada booliiska Britain ayaa baadi goob xoogan ugu jira Saddex Gabdhood oo soomaaiyeed, kuwaas oo haysta dhalashada Dalkaasi, kadib markii muddo maalmo ka hor ah la waayey. Waalidiinta dhalay Sadexxdan Gabdhood ayaa sheegay in Ciidamada booliiska ku wargaliyeen in ay waayeen gabdhahooda, waxaana gabdhahan la waayay maalmihii Jimaca iyo Axadii todobaadkii lasoo dhaafay. Gabdhaha la waayey ee laga baadi goobayo Dalka Ingiriiska ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Fardowsa Xasan oo 16 sanno jira ah,Axlaam Saalax oo 14-sanno jir ah iyo Cabir Saalax, gabdhahan ayaana ah dhamaan kuwa asalkoodu Soomaali yahay. Booliiska ayaa ku wargaliyay Shacabka in ay usoo gudbiyana xogtan gabdhahan hadii ay arkaan si dib loogu celiyo qoysaskooda oo ka wal walsan xaalada caruurtooda ka maqan mudo isbuuc ah.