Magacyada Saddex Jaamacadood Oo Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ay Kala Noqotay Gebi Ahaanba Rusqadihii Ay Kaga Hawlgalayeen Somaliland

0
50

Hargeysa (Hubaal) Guddi uu gudoon u yahay Wasiirka Wasaaradda W. & Tacliinta ee Somaliland Cabdilaahi Daahir Habane (Cabdilaahi Dheere) ayaa sheegay in rusqadihii laga noqday saddex jaamacadood oo Somaliland ka dhisanaa, kuwaasi oo sida uu wasiirku sheegay buuxin waayay shuruudihii laga rabay.

Saddexdan Jaamacadood ayaa kala ah; Jaamacadda Tog-dheer International Universitay oo ku taalla magaaladda Burco, taasi oo hore loo odhan jiray Addis Ababa Medical College, dhawaana magacan u beddelatay. iyo Jaamacadda la yidhaa, Al-baxad Al-caali oo ka dhisan Hargeysa, iyo mida saddexaad oo ah Jaamacad la baxday Horn International University.

Daawo Warsaxaafadeed Wasiirku kaga hadlay amuurtan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here