Magacyada Saddex Sarkaal Oo Iska Casilay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Iyo Sababta Ku Kalliftay

0
81

saraakiisha ucid iska casilay

Hargesa:(Hubaal)-Ugu yaraan saddex kamid ah saraakiisha ugu sarraysa xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa shaaca ka qaaday inay iska casileen xilkii ay xisbigaas ka hayeen, waxana ay saluug ka muujiyeen hannaanka uu xisbigaas u wado siyaasadiisa.

Masuuliyiintan oo la hadlay warbaahinta, Ayaan faahfaahin badan ka bixinin asbaabta ay xisbiga UCID uga tageen, balse waxa ay ku adkaysteen inay si weyn u saluugsan yihiin inaanu xisbigaasi ilaa iyo hadda lahayn murrashax madaxweyne-ku-xigeen, islamrkaana aanay murrashax la’aan xisbiga kusii jiri doonin.

Masuulyiintan xisbiga UCID iska casilay, ayaa kala ahaa 1. Maxamed Xassan Khayre Shabaash oo ahaa afhayeenkii guud ee xisbiga UCID  2. Gudoomiyaha xisbiga UCID ee gobalka Maroodi-jeex  Md.Cabdi Dool Kaariye iyo 3. Gudoomiyihii xisbiga UCID ee gobalka Togdheer Aadan Xussen Maxamed, waxana si isku mid ah u sheegeen inaanay wax xil ah usii hayn doonin xisbiga UCID.

Is-casilaadda saraakiishan, ayaa kusoo beegmaysa, xilli uu xisbiga UCID kasoo kabsanayey dhibaatooyinkii kasoo gaadhay murankii dheeraa ee u dhexeeyey guddoomiye Faysal Cali-waraabe iyo Murrashaxii madaxweyne ee hore Md. Jamaal Cali Xuseen, waxana ay tani dhib cusub ku abuuri kartaa xisbigan halganka ugu jira inuu dib usoo ceshado sumcaddiisii hantaaqadu ku dhacday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here