Magacyada Sagaal Xubnood Oo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Xalay U Magacaabay Xilal Kala Duwan

0
34

Digreeto Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka Haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi Ayaa xalay soo saaray Digreeto guddoomiye oo uu ku magacaabay guddoomiyeyaasha lix gobol oo ka mid ah gobollada Somaliland iyo xubno kale oo xidhiidhiyeyaal iyo xog hayeyaal isugu jira.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo  xalay  nuqul ka mid ahi soo gaadhay xarunta wargeyska HUBAAL, ayaa lagu shaaciyey magacaabista xilalkan, waxanay u dhignaayeen sida tan:Muuse Biixi

Ku: Amiin Muuse Xirsi                                        Gabiley

Ku: Xasan Cabdillaahi Xirsi                              Burco

Ku: Axmed Ismaaciil Jaamac                            Awdal

Ku: Maxamed Cawad Faarax                           Ceerigaabo

Ku: Axmed Maxamed Daadey                          Laascaanood

Ku: Saalax Muxumed Idiris                                xarunta dhexe ee xisbiga

Ku: Cali Jaamac Maxamed                               Xarunta dhexe ee xisbiga

Og: Sahal Aadan Maxamed                              Burco

Og: Muuse Carab Dugsiiye                               Awdal

 “Ujeeddo: Magacaabid xilal

Laga bilaabo maanta [shalay] oo ay taariikhdu tahay 01/09/2015, waxa loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran mid walba xilka ku hor qoran.

  1. Amiin Muuse Xirsi –           Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
  2. Xasan Cabdillaahi Xirsi –           Guddoomiyaha Gobolka Togdheer
  3. Axmed Ismaaciil Jaamac –           Guddoomiyaha Gobolka Awdal
  4. Maxamed Cawad Faarax –           Guddoomiyaha Gobolka Ceerigaabo
  5. Axmed Maxamed Daadey –           Guddoomiyaha Gobolka Sool
  6. Cabdillaahi Maxamuud Guray – Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Sool
  7. Jaamac Dheeg Cartan –          Xoghayaha Gobolka Sool
  8. Saalax Muxumed Idiris (Shiine) – Xidhiidhiyaha (Co-ordinator) Gobollada iyo xarunta Dhexe ee xisbiga KULMIYE
  9. Cali Jaamac Maxamed – Madaxa warbaahinta (media) ee xarunta xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyayaashii horena waxa looga mahadcelinayaa sidii wanagsanayd ee ay noola soo shaqeeyeen, iyaga oo soo gali doona xarunta dhexe ee xisbiga.”

ALLAH                 MAHAD             LEH

MUUSE BIIXI CABDI

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here