Magacyada Saraakiil Ka Dareeray WADDANI, Eedana u Jeediyey Hoggaanka Xisbiga

0
55

xubno-ka-baxay-xisbiga-waddani

Hargeysa:(Hubaal)-Waxa muddo laba toddobaad gudahood ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iskaga hulleelay siyaasiyiin miisaan leh oo katirsanaa golaha dhexe ee xisbigaas, kuwaas oo si weyn u saluugay qaabka iyo hannaanka xisbiga loo maamulo.

Abokor Caamir Muuse iyo Cismaan Axmed Maxamed(cismaan-ku-jare)oo labaduba katirsanaa golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, ayaa si cad u sheegay inay xisbigaas iskaga baxeen, iyaga oo eedo kulul u jeediyey qaabka maamul ee xisbigaasi u shaqeeyo, isla-markaana hoosta ka xarriiqay inaan lala jaanqaadi Karin hannaanka uu xisbigu u dhisan yahay.

Ugu horrayn Abokor Caamir oo warbaahinta la hadlay, ayaa shaaciyey inay ku jaah wareereen awoodaha hoggaamiyaha iyo guddoomiyuhu ku dhex leeyihiin xisbiga WADDANI, “annaga oo kamid ahayn xisbiga WADDANI oo umad dhan ka wakiil ahayn inuu xisbigaasi heshiiskii nala galay uu gebi ahaanba ka baxay oo uu khalkhal dhacay oo aanu garan weynay cidda kali ah ee heshiis nala geli karta oo marna la leeyahay guddoomiyahaa heshiiska geli kara, marna la leeyahay hoggaamiyaha, markii taasi dhacdayna waxanu isla garanay in min Burco ilaa qorilugud aanaan xisbigaas la shaqayn Karin.” Ayuu yidhi Abokor Caamir.

Cismaan ku jare oo isaguna ah sarkaalka labaad ee iska casilay xisbiga WADDANI maalintii shalay, ayaa isaguna itiimiyey asbaabta ku dhalisay inuu xisbigaas iskaga baxo, waxana uu sheegay inaanay wax kala dambayn ahi ka jirin xisbiga dhexdiisa, isaga oo baaqna u diray bulshada deegaanada ay kasoo jeedaan ku dhaqan,waxana uu yidhi,“waxanu go’aansanay inaanu xisbigaas dib uga baxno, maadaama oo aanay jirin cid ay wax ka go’aan oo ilaa haatan la caddeeyey oo aanu iska horkeen badan aragnay oo dadkii si gaar gaar ah loola shirayo. Dadkii nala sodayna waxanu ugu baaqaynaa inay sidaas ula socdaan, xisbigana nidaamkiisu wuu qasan yahay oo cidda wax lagu wareejiyey aanay caddayn, waxana aanu aamisanahay inaan dalka lagu aamini Karin ilaa isa soo saxayaan.”

Saddex maalmood ka hor ayey ahayd markii uu xisbiga iska casilay siyaaasi Aadan Ruush oo gobolka Gabiley kasoo jeeday, isla markaana ay shirka dibadda uga baxeen xubno uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Md. Faarax Dheere, waxana intaas wehelinaysay buuq gaca-saar gaadhay oo ka dhashay furitaankii shirka golaha dhexe ee xisbigaas.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here