Magacyada Shan Xubnood Oo Garabka Feysal Cali Waraabe U Metelli Doona Guddida Qabanqaabada Shirweynaha U Muddeysan UCID

0
31

Waxa Uu Garabkani Deedafeeyey Xubin Garabka Jamaal Soo Qaban-Qaabada Shirweynaha Usoo Magacaabay

ucid xxx

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xilliga la qaban doono shirweynaha aan caadiga ahayn ee xisbigaas ooh ore maxkamadda sare u go’aamisay in la muddeeyo.

Ku-xigeenka xoghayaha guud ee xisbigaas Md.. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan(qodax) oo saxaafadda kula hadlay xarunta xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa shaaciyey in horraanta bisha November ee soo socota ay qaban doonaan shirweynaha aan caadiga ahayn ee maxkamaddu go’aamisay inay wada qabsadaan labada garab ee xisbigaasi u kala fadhiyo, “maadaama oo doorashooyin inagu soo fool leeyihiin oo loo baahan yahay in xisbigu qayb ka qaato waxa aanu maanta halkan ku cayimaynaa 2/11/2016-ka shirweynihii aan caadiga ahayn la qaban doono, waxana xukunka maxkamadda ku jirtey in labada garab si wada jir ah midba shan xubnood oo shirweynaha qaban qaabiya soo magacaabo.” Ayuu yidhi xoghaye Cabdinaasir.

Xoghayuhu waxa uu ka hadlay shan xubnood oo garabka Jamaal Cali Xuseen hore qaban qaabada shirweynaha ugu magacaabeen, waxana uu sheegay in xubin kamid ah ay diidan yihiin, waxana uu yidhi,“Mujaahid Cali-gurey oo garab Jamaal kamid ahaa waxa hore u magacaabay shantii xubnood ee shirkaas qaban qaabinaysay, waxana shantaas afar kamid ahi ahaayeen garabkii Jamaal ee UDUB kasoo baxay, halka uu Xuseen Xasan Bad-maax kamid ahaa xisbiga UCID, markaa maadaama ay khasab tahay in go’aamadii maxkamadda la fuliyo, guddoomiyuhuna waxa uu magacaabay shantiisii xubnood.”

Cabdinaasir waxa uu garabka Jamaal ka codsaday inay xubintaas soo beddeshaan, maadaama uu ka hor intii aanu garabkaasi UCID la midoobin uu xisbiga kasii tirsanaa,“Xubinta Xuseen Xasan Bad-maax waxanu ka codsanay inay soo beddeshaan, maadaama ooh ore xisbiga UCID uga tirsanaa oo aanu kamid ahayn xubnihii xisbiga UDUD ka yimi oo qof iyaga ah kusoo beddeshaan.” Ayuu yidhi xoghaye Cabdinaasir.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xoghayuhu shaaciyey in shirweynaha dhawaan xisbigaasi qabsan doono ay kasoo qaybgeli doonaan oo kali ah golihii dhexe ee fadhiyey shirweynihii xisbiga UCID qabsaday sanaddii 2012-kii, waxana uu yidhi,“Ergada shirweynahaas imanaysaa waa ergadii 2012 shirweynihii saddexaad ee xisbiga UCID ka qaybgashay, golaha dhexena waa golihii dhexe ee isla shirweynahaas lagu doortay.”

Ugu dambayntii waxa uu xoghayuhu shaaciyey magacyada xubnaha shanta xubnood ee garabka guddoomiye Faysal Cali-waraabe uga qaybgelaya shirweynaha aan caadiga ahayn, kuwaas oo kala ah:

1.Maxamuud Cali Jiir

2.Maxamed Xasan Masmasle (Shabaash)

3.Cabdiraxmaan Axmed Cali

4.Cabdiqani selef

5.Cumar Daahir Dhimbiil .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here