Akhri: Liiska Xubnahan, Oo Magacyadooda Xagga Hore Laga Raaciyey SULDAAN, CAAQIL Ama GARAAD,
Tirada Iyo Magacyada Cumaamadaha Lagu Maamuusay Ee Xubnaha Ku abtirsanaya Beellaha reer Sh. Isaxaaq, Samaroon, Ciise, Beellaha Harti Ee Somaliland degen
Hargeysa:(Hubaal)-Ugu dambayntii waxa si rasmi ah usoo baxay liiska 135-oday dhaqameed oo la sheegay inay soo xuli doonaan Baarlamaanka Dawladda Federal-ka Somaliya oo badhtamah bisha siddeedaad ee sanadkan lagu wado hawshiisa la gudo geli doono, kaas oo ay ku jiraan xubno tiro badan oo beelaha Somaliland kasoo jeeda ku abtirsanaya.
Odayaashan oo la sheegayo inay intooda badani ka baqooleen gudaha Somaliland, halka qaar kalena ay markoodii horeba ku nooleeyeen magaalada Muqdisho, waxana soo badanaya walaaca shacabka Somaliland ka qabaan inay masiirkooda metelaan xubno aan rabitaankooda ku soconin.
Xubnahan oo tiradoodu tahay ilaa soddon oday oo kasoo jeeda beelaha Somaliland deggen, ayaa tirada ugu badan waxa lagu shaambadeeyey beesha dhexe ee Somaliland deggen, waxana magacyada ka muuqda salaadiin iyo cuqaal aan intooda badani meelna kasoo gelin liiska madax-dhaqameedka Somaliland laga yaqaanno.
Liiska xubnahan, ayaa muujinaya inay dhammaantood yihiin xubno gacan ku-rimis ah oo magacyadooda xagga hore laga raaciyey SULDAAN, CAAQIL ama GARAAD, marka laga reebo garaaddo kooban oo kasoo jeeda beelaha darafka bari ee dalka oo ay kamuuqdaan garaaddo caan ahi.
Liiska xubnahan, ayaa lagu ansixiyey shirkii maamul goboleeddada Soomaliya uga socday magaalada Baydhabo, waxana ay haatan u findhicilanayaan sidii ay usoo xuli lahaayeen Baarlamaan aan la hubin sida uu u hirgeli doono, maadaama xilligan la gaadhay dhammaadka cimrigii Dawladda taagta daran ee uu Xasan Sheekh Hoggaamiyo.
Magacyada xubnahan soddonka oo uu wargeyska Hubaal akhristayaashiisa iskugu soo dubo riday, ayaa waxa ay kala yihiin sidatan
Magacyada Odayaasha Beelaha Samaroon
1.Suldaan Xuseen Nuur Xirsi. Samaroon Maxamed Case
2.Suldan Abiib Sh Maxamuud. Samaroon Habar Cafaan
3.Suldaan Diiriye Geele Cali. Samaroon Maxamed Case
4.Suldaan Maxamed Aadan Ashkir. Samaroon Makaahiil
Magacyada Odayaasha Beelaha Isaaq
1.Suldaan Cabdiqani Cabdilaahi Maxamed Faad. Isaaq/ Habaryoonis
2.Suldan Caydaruuus Saalax Ibrahin. Isaaq/Habaryoonis
3.Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bulbul. Isaaaq/Habaryoonis
4.Caaqil Maxamed Aadan Cabdilaahi Ducaale. Isaaq/Ciidagale
5.Xasan Maxamed Maax. Isaaq/Ciidagale
6.Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar. Isaaq/Habarjeclo
7.Suldaan Siciid Diiriye Maxamed Aw Aadan. Isaaq/Habarjeclo
8.Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed Buraale Isaaq/Habarjeclo
9.CabSuldaan Ibraahin Caraale Cabdalla. Isaaq/Arab
10.Suldaan Cumar Cali Caraale Yuusuf. Isaaq/Arab
11.Suldaan Cabdilaahi Yuusuf Xasan. Isaaq/Habar Awal
12.Suldaan Maxamuud Haaruun Xasan.Isaaq/Habar Awal
13..Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed Isaaq/Habar Awal
14.Suldaan Cali Cabdi Siciid guuleed. Isaaq/Toljecle.
Magacyada Odayaasha Beelaha Ciise
1.Caaqil Maxamuud Jaamac Boqore. Ciise
2.Caaqil Maxamed Ibraahin Sahal Babdoon. Ciise
3.Caaqil Faysal Boodhle Codaawe . Ciise
4.Caaqil Xirsi Xaaji Gaboobe Ciise
Magacyada Odayaasha Beelaha Daarood ee Somaliland deggen
1.Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur. Dhulbahante
2.Garaad Saleebaan Gar.Max’ed Gar Maxamud. Dhulbahante
3.Garaad Jaamac Gar. Ismaaciil Ducaale. Dhulbahante
4.Garaad Jaamac Gar. Cali Gar. Jaamac Dhulbahante
5.Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Warsangeli
6.Suldaan Maxamed Cabdilaahi Cartan Warsangeli
7.Ugaas Max’ud Ug. Axmed Ug. Maxamed Laylkase.
8.Suldaan Subeer Sul. Xaaji Maxamuud Cali Laylkase