Magacyada Wasiirro Imaaraadka U Tegay Dhammaystirka Wareejinta Dekedda Berbera Oo Gebogebo Ku Dhaw

0
33

Wasiirrada ugu tunka weyn xukuumadda oo Iyo Safiirka Imaaraadka oo weli ku Hawllan dhammaystirka Wareejinta Berbera

wasiiro

 Hargeysa:(Hubaal)-Xubno katirsan golaha wasiirrada, ayaa shalay safar  ugu ambo baxay dalka Imaaraadka Carabta, waxana ujeeddada socdaalka masuuiyiintan lagu sheegay mid la xidhiidha dhammaystirka wareejinta  dekedda Berbera oo ay dhawaan si buuxda ula wareegi doonto shirkadda DPWorld.

Afhayeenka madaxtooyada  Md. Xuseen Aadan Cige oo safarka xubnahan wasiirrada ah faahfaahiin ka bixiyey, ayaa sheegay in wasiirrada baxay ay kamid yihiin wasiirka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil, iyada oo wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire-na uu halkaas uga sii horeeyey, waxana uu sheegay inuu safarkaasi qaadan doono muddo kooban oo maalmo ah.

Waxa uu afhayeenku sheegay in inta lagu jiro socdaalka xubnahan wasiirrada ah lasoo afmeeri doono heshiiskii hore loola galay shirkadda DPWorld ee ay kula wareegaysay dekedda Berbera, iyada oo toban cisho kadib ay dekeddi geli doonto gacanta shirkadda DPWorld.

Xubnaha wasiirrada ah ayaa ahaa guddi kooban oo muddooyinkii ugu dambeeyeyba ku gudo jirey dhammaystirka wareejinta dekedda, waxana ay toddobaadkii dhammaaday wasiirradani safar indho indhayn kaga soo noqdeen magaalada Berbera, halkaas oo ay kula soo kulmeen shaqaalaha dekedda iyo weliba dhulka bannaan ee loo qoondeeyey inay shirkaddaasi ka degto magaalada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here