Waxaa Isna Shilka Ku Geeriyooday Nabad-doon Ka Tirsanaa Madaxda Dhaqanka Deegaankaas
Bandiiradley (Hubaal):- Allaah ha u naxariistee laba xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, ayaa ku dhintay Shil Gaadhi oo shalay ka dhacay deegaanka Bandiiradley ee u dhaxeeya magaalooyinka Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Sidoo kale, waxaa Shilkaas Gaadhi ku dhintay Nabad-doon ka tirsanaa Madaxda Dhaqanka ee deegaannada Maamulka Galmudug ka taliyo iyo weliba Askari ka tirsanaa ilaalada Wasiirka, sida uu Saxaafadda u xaqiijiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi. Inkastoo aan weli Maamulka Galmudug si rasmi ah u shaacin sababta shilka Gaadhiga keentay, haddana waxa lagu soo warramayaa inuu dhacay Gaadhiga ay saarnaayeen Masuuliyiintaas oo ku socday dhinaca magaalada Cadaado gelinkii dambe ee Axaddii Maanta. Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Shilkaas Gaadhi ay ku dhinteen Allaah ha u naxariistee Axmed Cabdullaahi Diiriye oo ahaa Wasiiru-dowlaha Maaliyadda, Aweys Cali Siciid oo ahaa Wasiiru-dowlaha Howlaha guud ee Galmudug, Nabad-doon deegaanka caan ka ahaa oo la odhan jiray Cabdullaahi Digsi iyo Askari la socday Masuuliyiintaas. Ka sokow Qaddarka Allaah ee aan la dhaafi Karin, waxaa Shilalka Gaadiidka ama Baabuurta ee ka dhaca dalka Soomaaliya loo nisbeeyaa Waddooyinka oo an hagaagsaneyn iyo Xawaaraha dheereya ee ay Darawaliintu ku kexeeyaan Gawaadhida iyo weliba taxaddir la’aanta Wadayaasha qaar.