Magacyada Xildhibaannada Ka Maqnaa Fadhigii Ay Golaha Wakiillada Aqlabiyada Ku Meel Mariyeen Heshiiska DP World

0
32

golaha wakiiladaHargeysa (Hubaal)  – Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay Cod Gacan-taag ah ku meel-mariyey in Xukuumadda Somaliland sii waddo Dhamaystirka Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee u dhexeeya Shirkadda Carbeed ee DP World. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa Hal Maalin ka dooday Heshiiska is-faham ee Xukuumaddu la gashay Shirkadda DP World, kaasi Xukuumaddu u gudbisay Saddex Maalmood ka hor, si ay Naaqishaad ugu sameeyaan isla-markaana ansixiyaan hadday ku qancaan. Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada oo uu Shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla-markaana ay ka soo xaadireen 75 Xildhibaan, ayaa waxa ogolaaday Heshiiska DP World 69, waxaana diiday 4 Xildhibaan, halka aanu Guddoomiyuhu ka codeynin.  Xildhibaannada diiday, ayaa waxa ka mid ah Xildhibaan Siciid Cartan, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Xaamud, Xildhibaan Wayso-Cadde, waxaana ansixinta ka hor ka baxay Golaha Xildhibaannada kala ah Cabdiraxmaan-Xoog iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, halka uu fadhiga ka maqnaa Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here