Hargeysa (Hubaal) Xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye ugu jira beesha Gaashaanbuur Axmed Faarax (Habar-jeclo) ayaa si buuxda u taageeray musharaxnimadda guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE muuse Biixi Cabdi kadib markii ay muddooyinkii ugu dambeeyay isxogweyraysi iyo wadatashi ku lahaayeen magaaladda Hargeysa .
Xubnaha beesha Gaashaanbuur Axmed Faarax oo ka kooban 10 xubnood ayaa si aan gabasho lahayn u taageeray musharaxnimadda guddoomiye muuse biixi , Siyaasi khaliif Xiinwaal oo ka mid ahaa masuuliyiinta Ururkii Rays ayaa ugu bushaareeyay Guddoomiye muuse Biixi inuu ku talogalo taageeradda Xubnaha golaha dhexe ee beesha Axmed Faarax.
Kulan magaaladda Hargeysa ku dhexmaray guddoomiye Muuse Biixi Cabdii iyo Xubnaha beesha Axmed Faarax ugu jira golaha dhexe ee KULMIYE ayaa waxa aan ka soo xaadirin Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xildhibaan Farxaan Maxamed Cali.
Magacyada Xubnaha Beesha Gaashaanbuur Axmed Faarax ee taageeray Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi .
- Khaliif Xiinwaal
- Shariif Abokor Dhuuxyare .
- Xil . Cali Maxamed xasan (Cali Mareexaan ) .
- Xil. Maxamed jaamac
- Guddoomiye Deeqa Weydaar .
- Xaaji Shaarub
- Maxamed Saleban Rooble
- Jaamac Xaaji Axmed .