Magool baan Ku Riyooday – W/Q: Maxamed Cabdicasiis Bootaan

0
198

Fiid fiidadka kamid ah ayaan dheelmaday oo jidaal dheer galay. Waxaan socdaba eeggii aan meel habboon soo gaadhay, ayaan anoo daal la dhacsan wakhti danbe gataati dhacay. hurdo dheer ayaan galay. Adduunka ayaan ka dhoofay oo ka dheeraaday. Dhibtii iyo rafaadkii socdaalka ayaan ka maydhanayey. diiftii ayaan iska reebayey, nafta na hanqarkii iyo harraadkii ayaa looga qubaynayey.

 

Xilli saq-badh ah oo uu jawigu deggan yahay, sawaxankii iyo saylaankii maalinnimo na uu nafluhu ka nastay, anoo is rogrogaya, oogada sare na ka dareemaya dhaxan ka soo faaxday rayska iyo dharab dhulku soo daacayo, ayaan niyad wanaagsan ku qaabilay. Waa xilli xubnuhu dabceen, daalkii na suulay. Waan suursanaa laakiin iminka baraarug baan ku dhawahay. Qalbiga waxaan ka dareemayaa naxariis. Naflaha Alle abuuray oo dhan kalgacal baan u qarinayaa. Weli maan toosin hurdo se iima hadhsana. Waa lafteedii. Waa qudheedii. Waa weji igu yaal. Waa suurad aan kiyaaro u garanayo. Waa hooballadii hibada lahayd. Waa Xaliimo Khaliif Magool AHUN. nolol iskumaanu arag. Ima aqoonin, intay noolayd garaadba maan lahayn. Geerideeda maalintaan maqlay dareenkaan dareemay ma wacnayn. Kama xumaan waayo qaddar Alle ayaan u arkayey, kuma na farxin oo geeri aadane ayay ba ahayd.

 

Shucuur gaar ah ayay ii lahayd. Su’aalo badan ayaa niyaddayda ka buuxay. Maxay la dhimatay? Maxaa laga dhaxlay? Maxay mudnayd? Iyo maxay mutaysan doontaa?

 

Jawaabtu waa ii caddayd maalintaas. Qaab maskaxeedkayga sawir baa ku yaallay. Jawaabo raqiisa ayaan isku qanciyey. Dameer’ bakhtiday oo aan if iyo aakhiro toonna aayo ku lahayn baan u qaatay. Qiimayntaas ii gaarka ahayd iyo halbeegayga garasho markaas ayaan sidaas wax ugu cabbirtay. Waayo qanacsanaantayda ayaa intaas ku ekayd.

 

Sidii asxaab kala baadday, iyo akhyaar waayo kala maqnayd ayaan salaan diirran iskula dul suuxnay. Hilow iyo boholyow baan isku soo dhawayney. Naxariis iyo niyad sami baan isku qaabilnay. Si kalgacal waalidnimo iyo xushmo leh ayaan gacan midig uga dhunkaday. Dareen kulul iyo xiise ayaa na dul hadhsanayey, darruurtii boholyowga ayaa nagu hoortay oo na biya dhigtay. Cabaar ka bacdi cir-caddaa iyo caad ayay isu rogtay. Markay naga khafiiftay oo culayskii naga yaraaday xog waraysi iyo xigaal waydiin dheer ayaa saacado badan naga qaatay.

 

Malaha anaa haraadku igu badnaaye su’aalo ayaan ku harqiyey. Waydiimo aan muddo la holcayey ayaan ku gadh-qabtay. Xikmaddii ehlu jannada afkeeda ayaan ka dareemay jawaabaha ay  isiisay. Iyadoo degenaanshaha ka muuqda haddii Soomaalida loo qaybin lahaa mid weliba halkuu joogo ku alxamdullilaysan lahaa ayay jawaabo raxmad, jacayl iyo nayaayiro leh iigu warcelisay.

 

“Macaan gooyuhu maalintuu rubada kaa qaaday” ayaan hadalkayga ka bilaabay. Intay iga dhex gashay bay tidhi:  “Macaan gooye uma ahee!, mu’miniinta waa u xanuun gooyee”.

 

Markay sidaas tidhi su’aashii aan soo waday ayaa iga khaldantay. Dabadeed  anoo maka’mak’ leh markay i aragtay ayay ii dhamaystirtay jawaab waafi ah:

 

“Naxariista Alle wayne ayaa dacal layga furay. Magaca raxmadda ayaan hadhsaday, sifada denbi dhaafkana waa laygu daahay. Daaqad jannada oo laydheeda iyo udugu sida fuluxa seerma-waydo iigu soo dhacayo ayaa  lay ballaqay ”. ayay iigu soo uruurisay.

 

– Anoo ilmo farxadeed iga qubanayso, jibada iyo xamaasadda. qalbigayguna iga dhex duuli rabo ayaan waydiin ugu noqday:

 

“Maxaa laguugu naxariistay oo laguugu denbi dhaafay?” murtida iyo nuxurka diinta nasteexa ah caqligii barriinsada ee bartaa maangal uu u riyaaqayo ayay laba erey kusoo koobtay:

 

“Qalbi iimaan leh ”.

 

In Yaqiinta iyo Rumaynta dhabta ahi inay ka awood badan yihiin waxkasta. Alle na qofkasta qalbigiisa in saxar le’eg oo iimaan ahi ku jiro uu jannadiisa u ballanqaaday ayaa i hortimi. Intaan u garaabay oo garowsaday ayaan madaxa u ruxay, anoo qanacsan oo qushuuc iga muuqato.

 

“Miyaad i garanaysaa aniga?” ayaan hadal meel waayey ahaan ugu idhi. Intay dhoolla caddaysay bay tidhi: “ Haa ”. waan yara naxay. waayo mar waxaan is idhi dadka qabuuraha oo dhan miyay ku yaqaanaan tolow? Armaa reer aakhirood koo dhan saf kuu soo galaan. marna waxaan hubinti u haystay iska daa inay I aragtay intay noolaydee inaanay xitaa magacayga maqal.

 

“Sidee?” ayaan si qariibsi ah u idhi. “sidee igu garanaysaa?”. Iyadoo wejigeedu ifayo indheheedu birbirqayaan dhoolleheeduna si wacan u muuqdaan ayay ii fasirtay hal-xidhaalihii. “qalbiga” ayey tidhi, “qalbiyada is jecel Alle ayaa isla doonta, miyaadan maqal xadiiska macnihiisu yahay qofku cidduu jecel yahay ayuu la joogaa? Isku bah ayaynu nahay. Isku qoys ayaynu nahay, sidaad noo jeceshahay baanu kuu jecel nahay, ducada iyo salaamaha aad noosoo dirto ayay malaa’igi noo keentaa” ayay iigu soo koobtay.

 

Yaa iminkaba nafta yaa kaa qaada oo Xanuun-gooye kuu keena ayaan is idhi. Waan u riyaaqay oo rumaystay weedhaa, anaa qalbigayga uga ogaal badan. boholyowga iyo bihinbiha dareemayaashayda ayaan ka warqabay. Dhaaxaan u hiloobay una hadaaqay hobolladii. Iskuma jiraane’, kooxdii hormuudka u ahayd. Waaberi, wax badan ayaan dhegaha kala noolaaday. Qalbiga kala heesay. Indhaha na kala damaashaaday. Waxay ahayeen kuwii I baray fanka akhlaaqda leh. Kuwii I jeclaysiiyey suugaanta hibada ah. Kuwii daahfuray ee na durduursiiyey hal abuurka ujeedka leh iyo sarbeebta duurxulka leh.

 

Waa run waa xanuun gooye, waa kaar jebinta ugu qiimaha badan ciddii alle uga dhigo. Waa nasashada mu’minku meeshay ka bilaabato. Waa illinka jeelka. Waa iridda xabsiga. Waa albaabka lagaga baxsado walbahaarka. In la degdegsado se waa xaaraan. waa ogahay, balse qiiradaa iga tan badisay. Intaan qalbiga ka denbi dhaaf dalbay ayay anoo aad moodo in waydiimahaygii kuwii ugu kaarka badnaa iga degeen ayay waraysi igu bilowday Xaliimo waxay tidhi: “Dunidii siday tahay? Bal dalkii ka sheekee? Maxaa dumay maxaa nool?” ayay isu kay daba dhigtay. Anoo mar labaad dareenkaygii is beddelay oo farxadii si kedisa iiga buubtay ayaan hal kelmed oo dhamac ka xanuun badan ugu soo koobay; “Sidaad ku ogayd iyo si ka daran” waxaan usii raaciyey “Rabadintii oo abaara ayay weli isku qalanaysaa Soomaalidii”. laftigeeda waan ka dareemay murugo walow aan wax badan ka khusayn oo iyada buuggeedii laga laabay, werwerkii adduunkana laga xijaabay.

 

|Sidaad noo ogayd baan halkii uga aroornaaye

|Agoomaha sidii baan marnaba loo anqarinayne

|Asay dumar sidii bay u xidhan maalin iyo allayle

|Uurku taallo mooyee wax kale nooma imanayne

|Akhbaartii la keenaaba waa omoska naareede

|Waa aaya xumidii sidaad nagu ogaydeene

|Sidii baa indhaha looga ridi goor iyo ayaaane

|Aqoonyahan sidii bay u dili aano iyo hooge

|Ibtiladu sidii bay u taal aradka soomaale

|Ikhtiyaar sidii baan ninnaba ugu ahloonayne

|Sidii baa afkaartiyo caqliga loo abbudhiyaaye

|Ixtiraam malaha maankiyoo lagu adeegtaaye

|Awoodli’i Sidii baan u nahay gebi ahaanteene

|Sidii baan asqada ugu lunnaa oon soconaaye

|Tahriib orodka sidii bay badaha ugu ajaalmaane

|Saxaruhu sidii buu u madhin inamadeeniiye

|Ubadkii sidii bay u mari una abraaraane

|Orobana sidii bay dadkii ugu asqoobeene

|Adduunkaba sidii baan u nahay qoom ayaan darane

|Allahayoo isagu naga furtoo noo arxama mooye

|Istiqlaal sidii baan u helin laga abaal sheegto!

 

 

Halkaa markaan marinayo, ayay hal mar iga libidhay, naxdintii iyo saskaan ka qaaday waayitaankeeda ayaan soo selelay oo hurdadii aan kasoo booday anoo neef-kudinaya, oo dhididsan.

 

 

Ku saabsan qoraha:

Maxamed Cabdicasiis Bootaan

Qoraa suugaaneed, iyo gabyaa Soomaaliyeed.

Master economic development

Khartoum, Sudan

Email: Aljas4me@gmail.com

Facebook: Aljasiira_4@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here