Hargeysa(Hubaal):-Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa si kulul uga hadlay lacagta cashuurta ah ee lagu soo rogay baabuurta ka soo degta dekeda magaalada Berbera.
Xildhibaan Buubaa oo maanta la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay inaanu jirin xeer ka soo baxay golayaasha sharci dejinta dalka oo jidaynaya lacagtaas cashuurta ah ee lagu soo rogay baabuurta ka soo degta Berbera.
Ugu horayn xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka hadlaya baabuur ilaa hada ku xaniban dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi “Sida aynu la socono dekeda Berbera waxa ku xaniban gaadiid tiro badan oo kun kor u dhaafaya kuwaas oo ay leeyihiin dad muwaadiniin ah oo reer somaliland ah, gaadiidkaasi waxay u xaniban yihiin iyaga oo diyaar u ah inay cashuurtii bixiyaan lacag xaaraan ah oo sharci daro ah oo lagu soo rogay taas oo la dhigay dekedad Berbera isbaaro cusub oo la leeyahay waa in gaadhi kasta oo soo maraa bixiyo $80 ama $120, arintaasna waan canbaaraynayaa, waxaanan leeyahay lacagtaas la soo rogay iyo nidaamkaas cusub ee ay wasaarada hawlaha guud ay la timid ee ay dad gaar ah ku naas nuujinayso sharcigu muu banayn, haddii aanu sharcigu bananayna waa xaaraan.” Ayuu yidhi xildhibaan Buubaa
Sidoo kale waxa uu hanbalyeeyey dadka diiday lacagtaas lagu soo rogay, kuwaas oo aan ilaa hada baabuurtoodii kala soo bixin dekeda Berbera, halka kuwii la soo baxayna uu ku tilmaamay inay sharci daro jidaynayaan waxaanu mar kale yidhi “Waxaan leeyahay dadweynihii diiday ee gaadiidkooda la soo bixi waayey ee kaga dhaqaaqay dekeda aad ayey u mahadsan yihiin waayo waxay diideen in sharci daro dalkooda laga fuliyo, waxay diideen inay bixiyaan waxaan xeer jidayn oo nidaamka sharci ee dalkoodu banayn, inta la soo baxday oo gaadhaya ilaa boqol gaadhi waxaan leeyahay arin qalad ah ayaad samayseen waayo hadaad la deg degto lacagta jeebkaaga ku jirta oo aad sharci daro ku bixiso barina inaad ka soo cabato sharci daro shaqayn mayso.”
Xildhibaan Buubaa waxa kale oo uu sheegay inaanu jirin xeer ka soo baxay golayaasha sharci dejinta oo jidaynaya in la qaado lacagtan waxaan mar kale yidhi “Haddii aanu nahay mudanayaasha golaha wakiilada somaliland anaga ayaa wakiil ka ah shacabka somaliland haba yaraatee xeer khuseeya ama jidaynaya oo xalaalaynaya in dekeda isbaaro la dhigto oo lacag lagu qaado oo golayaasha sharci dejinta ee dalka soo maray ma jiro, kolay hadaanay jirina shaqayn mayso waana lacag baad ah kamana duwana isbaaro bar banaan la dhigtay oo qori lala dul taagan yahay oo qofkii soo maraba lacag baad ah lagaga qaadayo.”
Ugu danbayntiina xildhibaan Buubaa waxa uu xukuumada ugu baaqay inay sharciga dalka ku dhaqanto, muwaadiniintana aanay ka qaadin cashuur aan sharcigu jidayn waxaan yidhi “Waxaan u soo jeedinaynaa dawlada somaliland inay arintaas dib uga laabato kana qaado isbaarada ay dhex dhigtay dekeda, waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa xukuumada inay ilaaliso shuruucda iyo qawaaniinta dalka, waxaan sharci jidayna inaanay muwaadiniinta ula tagin oo aanay ka qaadin, xoog xoog maaha meeshu sharci ayaa lagu kala socdaa nidaamkeena dawladeedna sharci ayuu ku shaqeeyaa, waxaan sharci jidayna inay xukuumadu ku dhaqanto xaaraan weeyaan, waxaanan muwaadiniinta ugu celinayaa inaanu jirin wax xeer ah oo waajibinaya in dadka muwaadiniinta ah laga qaado lacagtaas.”