Malyan Qof oo Socod ay ku Baroor Diiqayaan Ku Maraya Magaaladda Paris

0
28

Paris (Hubaal) Ku dhawaad hal malyuun qof oo ay ku jiraan hogaamiyeyaal ka socda dalal dunida ah ayaa la filayaa inay socod baroor diiq ah ku soo maraan wadooyinka magaalada Paris ee dalka Faransiiska si ey midnimo iyo damqasho ugu muujiyaan  dadka Fransiska, ka dib sadex maalmood oo falal argagixiso ay dalkaasika dhaceen dhawaan.

Ra’isul Wasaaraha Britain  David Cameron, Ra’isul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel, Ira’isul Wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas ayaa la xaqiijiyay inay ka qeyb qaadanayaan socodkaas.

Waxaa sidoo kale socodkan ka qeyb galaya boqorka iyo boqorada dalka Jordan are. Sidoo kale dalkan Mareykanka waxaa matalaya xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Eric Holder.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry  ayaa sheegay maanta oo Axad ah in fal argagixiso aanu baajin karin socodkan oo uu ugu yeeray “mid xurnimo’

Mr. Kerry oo ka hadlayay dalka India ayaa sheegay in Mareykanka uu garab taaganyahay dadka Faransiiska si wada jir ah uga hortagaan argagixisada.

Sabtidii shalayna, in ka badan 700 oo kun oo qof ayaa socod aamusnaan ah ku soo maray wadooyinka magaalooyin badan oo Faransiiska ku yaala si ey taageero ugu muujiyaan 17kii qof ee ku dhintay gacan ka hadalkii argagixiso ee ugu ba’anaa ee dalkaasi ka dhaca ku dhawaad nus qarni.

 paris

Ra’isul Wasaaraha Faransiiska  Manuel Valls, oo la hadlayay dad baroor diiqayay Sabtidii shalay, meel ku dhow, goobtii laga dukaameysanayay ee kosher supermarket, halkaas oo nin hubeysnaa uu ku toogtay afar qof oo uu heystay, ayaa yiri “shaki kama qabo in malaayiin muwaadiniinta Faransiiska ay isu soo bixi doonaan si ey u muujiyaan jaceylka ay u qabaan xuriyadda “isagoo intaasi ku daray in dalka Faransiiska oo aan laheyn mujtamac yahuud ah uu ka dhiganyahay Faransiis la’aan, taasoo uu ku laab qaboojinayay mujtamaca Yahuudda ee Faransiiska oo xarunta la weeraray la’haa.

Amaanka dalka Faransiiska ayaa la filayaa inuu ku jiro heegan buuxa muddo todobaadyo ah, waxeyna ciidamada amaanku sii wadaan ugaarsi ay ku daba joogaan gabar ay saaxibbo ahaayeen mid ka mid ah sadexdii damley ee ay boolisku dileen Jimcihii.

xigasho:VOA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here