Marka hore waxan ku bilaabay magaca Eebbe ee naxariista guud iyo mid gaar ahaaneed ba naxariista, owood oo dhana u sugnaatey, mahad oo dhanna Rabbi ayaa iska leh.
Mar labaad ka waxa xusid mudan magaca Nabigeenii suubaanaa ee Muxamed Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee. Sida aalaaba ay gabayaaga qaar sida Yaxye oo kale ku bilaabaan gabayga; Madhawaaqin waayadan murtida kummana dheeraane, Dhabadeeda waa taanan marin dhowr guyoo tagay, ayaa aniguna aanan dhawaaqin inkastoo goortan uu qalinkaygu irmaan yahay. Akhristaaya maanta waxaan rabaa in aan la wadaago taariikh kooban mid kamid ah shakhsiyaadka farkutiriska ah ee ina soo maray, Nelson Mandela oo aan kasoo dheegtey meelo badan ha ugu muhiimsanaado Buugii uu qorey ee la magac baxay (Long Walk To Freedom) socdaalkiisii dheeraa ee madaxbanaanida, wa maqaal aan filayo in uu ka qoto dheeraan doono magaca uu huwan yahay, laakiin kooban, macno samaynaya, murtina ay kujirto.
Marka labaad, anigoo afeef dhiganaya, madaama aan ka hadlayo qof aad u wanaagsan, waxaan rabaa in aan halkan ku xuso Nabi Muxammed, Naxariis iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee, oo ah shakhsiga ugu sharaf badan, uguna fadliga badan, in la raaco, laguna daydo ay waajib tahay, wuxuu ahaa hogaamiye umad dhan, cadaaladna u sameeyay, wuxuu ahaa macalin, wuxuu ahaa Aabo mid lagu daydo ka ugu wanaagsan, noloshiisa iyo astaantiisuna waxay ahayd sifada quraanka kariimka ah. Intaas hadaan uga baxo afeefta;
Nelson Mandela wuxuu ahaa shakhsi aad u wanaagsan, hogaamiye dulqaad iyo karti ilaahay siiyay, waa adoomaha ina soo maray qarnigan 21aad, hadaan dib u yara jeleecno taariikhdiisa, waxan ka dhadhansan karnaa, in uu ahaa hogaamiye, mideeyo iyo muwaadin u horseeday dadkiisa iyo dalkiisaba horumar, cadaalad, madaxbanaani iyo dimoqraadiyad, nidaam dooroshooyin xor ah iyo tartan xalaala. Wuxuu ahaa nin sameeyay kacdoon isbeddal siyaasadeed aad u qoto dheer, kacdoon wata khilaaf isku badelay nabad, xasilooni iyo mdinimo, wuxuu ahaa shakhsi reer aadam ah kaas oo iska xoreeyay cadow, gumaysi, kaas oo waliba hogaamintiisu u horseeday dadkiisa in uu ka dhigo kuwo madax banaan, adduunkana uu u noqdo astaan. Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton ayaa mar uu la kulmay Nelson Mandela waydiiyay in uu sharxo socdaalkiisii dheeraa ee madaxbanaanida, socdaalkiisii jeelka ilaa Madaxwaynimo, waxaanu ku jawaabay, marka aad da’a yartahay, xoogan tahayna, waxaad la noolaan kartaa nacayb, waanan la noolaadey mudo dheer, maalin kadib, mudo badan oo hagar daamo, walaac, wawal iyo walbahaar, in mudo ah oo aanu arkin reerkiisa iyo ooridiisii, ayuu yidhi waxaan ogaaday in ay wax kaste iga qaateen gumaystuhu, laakiin kaliya qalbigayga iyo maankaygu uu igu soo hadhay, labadaas wali waan dhawranayay, maamulayayna, waxaan diiday in aan labadaas siiyo oo ay maamushaan, markaas taarrikhda Mandela waa sheekada labadaas shay ee Maankiisa quruxda badan iyo qalbigiisa wayn ee aanu marnaba u ogalaan in ay gumaystuhu ka qaataan, wuxuu yidhi Clinton erayadiisa iyo hadalkiisa waxaad ka dhadhansanaysay maskaxdaa iyo maankaas, uu nala wadaagey taariikh nololeedkiisa, mar kale oo uu waydiiyay in uu runta ka sheego markii uu kasoo baxayay Jeelka kadib labaatan iyo todobo (27) sano uuna u socdaalay dariiqii xoriyada, in uu aad u necbaa markaste dadkii cadaanka ahaa? Wuxuu ku jawaabay, waxay igu rideen xabsi labaatan iyo todobo sano, ma uusan arag caruurtiisa oo barbaaraysa, waxaa ka burburay sanado fiican guurkiisa, waxaana ka lumay guyaal fiican oo qaali ah oo uu noloshiisa la qaadan lahaa qoyskiisa iyo caruurtiisa, waan cadhaysnaa, waanan baqayay ayuu yiri, maxaa yeelay mudo xor maan ahayn, misana markaan ku dhawaaday gaadhigii i qaadayay, waxaan ogaaday markaan ka baxayay irrida, haddii aan isla markaa sii necbaan lahaa, wali ilaa maanta cadhoda iyo xasuustu maskaxdayda ayay ku jiri lahayd, walina way I haysan lahaayeen, sidaas darted waxan rabay in aan noqdo xor, waanan iska ilaaway, ilaawidaasi waxay u sugtey laabtiisa iyo kaskiisa, sababtoo ah, wuxuu u baahnaa in uu hogaamiyo naftiisa iyo wadankiisaba, sidoo kale wuxuu yiri, in lala heshiiyo cadowga, waa in la la shaqeeyo cadowga, cadowgu markaa wuxuu noqonayaa qof aad heshiiseen dan guudna aad wadaagtaan, hase ahaatee wadashaqayntani kuma iman si fudud.
Nelson Mandela wuxuu ku dhashay tuulo yar oo la yiraa Mvezo oo ku taal wabiga Mbesha ee degmada Umtata, Caasimada Transkei, taariikhdu marka ay ahayd 18kii luulyo 1918kii, sanadkaasi wuxuu ku suntanaa dhamaadkii dagaalkii waynaa, iyo dilaacii uu dilaacay aafadii/xanuunkii dilaaga ahaa ee galaaftey dad aad u faro badan aduunyada ee loo yaqiin influenze, magaca uu aabihii u bixiyay waxa uu ahaa Rolihlahla, hadaba macnaha magaca Xawse (Xhose) ahaan wuxuu leeyahay macno dhow iyo mid fog, ka dhow wuxuu la macno yahay jiidid laan ama qayb geed kamid ah, halka macnaha fog uu yahay rabshoole, amaba dagaal ooge, Sidaas ay tahay magaca Nelson oo magac Ingiriisi iyo gaal ah waxa loo bixiyay maalintii ugu horeysay ee uu aado dugsiga hoose dhexe, yaraantiisii siduu kusoo barbaraaray, iyo sida ay Soomaalidii hore kusoo ababeen waxaad moodaa ul iyo diirkeed, amaba in dhaqamadu ay is shabahaan, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, xiliyada la aado dugsiga, marka dugsiga hoose la dhameeyo in dugsi sare loo doonan jirey meel ama magaalo kale oo uu dugsi kasareeyaa kuyaalay sida Sheikh iyo Camuud oo kale, iyo Jaamacadba, qaraabona la la noolaan jirey, tani waa qayb kamid ah halganka uu aadanuhu kujiro tan iyo wakhtigii la abuuray Nabi Aadam Allaha raali ka noqdee, taas oo uu tayadiisa ku wanaajinayo isaga oo marba raadinaya fursad uu ku maamiyo tabo cusub oo uu kaga baxo marba dhibta lasoo darista, sidaas ay tahay deegaankaas uu daganaa qaabka guurku uu u dhici jirey iyo xiliyada la guursan jirey intaba, iyo waliba baarada la iska jarayay, waxaad moodaa in ay isku dhaw dhwdahay bari iyo koonfurba, Mandela markuu ahaa da’da 16 jir ayaa xubinta baarada laga jarey, dhaqankooda iyo caado ay u leeyihiin waxa ay aaminsanyihiin in qafka aan xubintaas laga jarin aanu nin ahayn, amaba ay burinayso kana hor imanayso hidahooda iyo caadadooda, sidaas daraareed ayuu yiri Mandela waa tii lagaga baxayay innanimoda looguna gudbayay ninnimo, inta buste loo gogley ayaa la fariisiyay meel u dhaw wabiga Mbeshe laguna magaacabo Tyhalarha koox uu ku jiro oo ka koobnayd 27 ruux, waxa sidii caadada u ahayd boqortooyada Thembu ee Mqhekezweni loogu yeedhay odey ku talax tagey sida xubintaas mindida loogu gooyo, qalabkiisiina wata, misana kii ugu horeyay buu gaf ka siiyay, oohintu waa calaamad liidasho, hase ahatee kii ugu horeeyay baa ooyay isagoo leh nin baan noqday (Ndiyindoda), kolkay soo gaadhay Mandela ayaa waxa uu yiri odaygii inta uu si xirfad leh deg degna kujiro, nadiifna ah uu soo jeeday baaradii gaf kasiiyay isna, misana markiiba xanuun iyo kabuubyo waxaad moodaa in dab holcaya uu dhex qaadey xididada dhiiga qaada buu yiri, inkastoo uu qayl yay oo raga qaarkii ay ka adkaysi badnaayeen hadana si fiican buu u xamilay, meelaha qaar kamid ah dhulka soomaliyeed waxa caado ahayd in inamada laga goyn jirey baarada maalin ciid ah, caadadaas oo aanan garanayn meesha ay ka timid, hadana waxaad mooda qaarada Afrika in ay isku mid tahay.
Intaas waxaa dheer haddii mid kamid ah sheekadiisa kumanaanka kor u dhaaftey aan idin yara dul maro, waxa jirta in markii Aabihii dhintey, isagoo sagaal jir ah hooyadii soo kaxaysay kana soo kaxaysay tuulada Qunu, iyaga oo lugaynaya ayay yimaadeen magaalo la yidhaa Mqhekezweni, waxa loo keenay nin caaqil ka ahaa magaalada si uu ula noolaado, waxbarashadiisana halkaas ka bilaabo, caaqilku waxa la odhan jirey Jongintaba (Regent), waxaanu lahaa labo caruura; wiil la dhaho Justice iyo Gabar la odhan jirey Nomafu, wiilku Afar sano ayuu ka waynaa Mandela, hase ahaatee waxay noqdeen dad walalo oo kale, wada degan, dugsiga wada aada, adhiga wada jira, fardaha wada fuula, shinbirahana wada laaya, wuxuu ka helay dhamaan taakulayn tii uu ka heli lahaa hooyadii iyo aabihii oo kale, markay dhamaysteen dugsigii ayaa waxay u wareegeen magaalo kale si ay aqoonta usii korodhsadaan, magaalada waxa la odhan jirey Healdtown halkaas oo uu ku yaalay Kolayj, colloge ka markay dhameeyeen, ayaa hada waxa ay u gudbeen jaamacada la odhan jirey Fort Hare oo markaa iyaku qiimaheeda ay ku tilmaami jireen Combridge, Oxford amaba Hardford, hadaba markii ay collegekii soo dhameeyeen ayaa waxa ay dib ugu soo noqdeen magaaladii Mqhekezweni ee uu deganaa caaqilku, todobaadyo kadib, markay joogeen magaalada Mqhekezweni waxa Caaqilku u qaban qaabiyay kulan lagaga arinsanayo guur loo diyaariyay labada innamood, waxaanu cod fiican kula hadlay Mandela iyo Justice oo hada soo dhamaystey collogekii lakin raba in ay u gudbaan waxbarasho sare, waxaanu yiri Caaqilku “waxaan ka baqayaa in aanan mudo danbe adduunka korkiisa sii joogayn, ka hor inta aanan u socdaalin dhulkii awowyaashay amaba waalidiintey (Aakhiro) waa masuuliyadayda in aan arko labadaydii inamood oo si qurux badan kuna haboon u guursaday, waxaan idin diyaariyay labo gabdhood oo aad guursataan” labada gabdhood waxay ka yimaadeen reero mansab fiican ku leh bulshada dhexdeeda aadna loo yaqaan, dabadeed waxay kadis iyo lama filaan ku noqotey Mandela iyo Justice, Caaqilku wuxu yiri Justice wuxuu guursanayaa Gabadh uu dhalay nin muxtaram ah kana soo jeeda qabiilka Thembu, lagana yaqaano magaalada, halka uu Mandela layihdi wuxuu guursanaya gabadh kale oo iyadna aad looga qadariyo magaalada oo uu dhalay baadari kaniisad qabiilka Thembu, aadna loo yaqaan, waxa la yiri si degdeg ama dhakhso ah buu u dhacayaa guurku, sidii caadada u ahayd Thembu waxa laga bixiyay meher lo’a , wiilka justice wax ka bixiyay bulshada Thembu halka Mandela uu ka bixiyay Caaqilku ama Boqorku, markay sheekadu halkaas marayso uma banaanayn wax su’aal ah midkoodna in ay waydiiyaan caaqilka, waayo wax walba waxay ahayd gabo gabo iyo go’aankii ugu danbeeyay, meel ay kasoo noqdaana ma jirin, hadaba iyadoo halkaas arimuhu marayaan ayaa waxa wada lugeeyay Justice iyo Mandela si ay arinta uga yara sheekaystaan, maxaa yeelay Caaqilku isagu wuxuu raacay sharcigii iyo xeerarkii u yiilay bulshada ama qabiilka thembu, waxaanu rabay in inta uu noolyahay uu u guuriyo labada wiil, si kastaba ha ahatee Gabadha loo doorey Mandela waxay ahayd gabadh reer mansab leh lana xushmeeyo kasoo jeeda, hase ahaatee Gabadha waxay mudo xidhiidh jacayl ah la lahayd Justice wiilka uu dhalay Caaqilku ee Mandela isku guriga kusoo wada koreen, Caaqilku se ma oga warna uma hayo, way dhacdaa arintan aalaaba dhulka Soomaliyeed, waana sababta aan usoo xigtey tiraabta si aan u tuso akhristaha in aan waxyaabo badan wadaagno Mandela marka aad taariikhdiisa si fiican u akhrido, hadaba Mandela milaygaas wuxuu si dadban qaladka dusha uga saarayay Caaqilka, sababo dhowr ah awgeed, marka koowaad Mandela oo mudadii uu dugsiga iyo Collegeka uu dhiganayay soo korodhsaday xirfado, farsamo, cilmi iyo haasaawe intaba, wa marka labaad ee fursada waxbarasho ee uu Caaqilku siiyay oo bartey Mandela Aqoon uu kaga horyimaad caadooyinka iyo xeerarka Thembu sida ay Soomaalidu ku mahmaahdo (Caado la gooyaa Cadho alle ayay leedahay) amaba Somalidu been way sheegtaa ee been kuma maahmaahdo, oo ay burinayso maahmahda caadadu, isku soo wada duub, Mandela ma rabo gabadha in uu guursado, Caaqilkuna waa go’aan uu gaarey oon kasoo noqod lahayd, si hadaba xeegona xeego u noqoto ilkana u nabad galaan, dhako kale ama qorshe kale ayuu la yimid Mandela, waxa Mandela uu u tagey Boqarada, boqorka xaaskiisa, waxaana uu usoo bandhigey arin cajiiba si uu taageero uga helo, wuxuu yiri waxaan rabaa in aan guursado gabar ay qaraabo ahaayeen boqorada, waxaanu balan qaadey in uu guursado marka uu waxbarahadiisa soo dhameeyo, waanay ka aqbashay, hase ahaatee waxa ka diidey caaqilkii oo ahaa qof ku adag go’aanka uu gaaro, isku soo wada duub Justice iyo Mandela waxay go’aan ku gaareen in ay Johansperg u baxsadaan, Johansperg waa caasimad aad u camiran, shaqooyina laga helo, inta badana wakhtigaas dadka Afrikaanka ahi ay ka shaqeyn jireen warshadaha macdanta qoda ee gumaystaha, Caaqilku sidiisaba waxa uu kala ilaaliyaa Justice iyo Mandela in ay isku kaliyaystaan, marka uu baxayo wuxuu sii kaxayn jirey labadooda midkood, inta badan Justice, Mandela guriga ayuu uga tagi jirey, hadaba si qorshahoodu u hirgalo, waxa ay maalin maalmaha kamid ah ogaadeen in uu Caaqilku uu hal todobaad oo buuxa uu ku maqnaan doono shir ka dhacayay Bungha, Transkei shirkaas oo lagaga wada hadlayay xaga sharciyada, waxayna go’aansadeen in ay baxsadaan mudada uu Caaqilku kumaqan yahay shirka, waxay ka xadeen labo Dibbi oo shilis, waawayna, kadibna waxay ku iibiyeen qiime aad u wanaagsan si ay sahay uga sii dhigtaan, maxaa ka dhacay? Maxaa qabsadey? Miyay rafaadeen? waa sheeko dheer oo aanan halkan kusoo koobi Karin, lakin waxan ku dhaafayaa intaas.
Haddaan nuxurka hoos ugu daadago, quraanka waxa jira aayado kuxasuusinya dad, iyo aayado kale oo kusxasuusinaya marxalad, ama marxalad kuxasuusinaysa dad, hadaba waxaa xusid mudan aayado kujira suurada Al-cimraan sida aan kasoo xigtey ImaamYasir oo sharaxaadeeda markaad dhugato aadku xasuusan karto dadka wanwanaagsan sida Nelson Mandela oo kale, waxa laga yabaa in ay dadka qaar si guracan u famhaan, suurada Al-cimraan ayaadaha 113 iyo 114, sida culimadu ku fasireen ama qeexeen gaar ahaan Imaam Yasir iyo Sheekh Dirrir, dadku ilaahay makala xigaan, hadana sidaas ay tahay gaaladu ma sina, waxa kimada sida aayadu ay tilmaamayso (ahlul kitaab) dad rumeeyay Alle, dad toosan oo u taagan xaqa iyo hirgalinta iyo rumaynta, ilaahay cibaadadiisana u taagan, waxay akhriyaan ayaadka ilaahay habeenkii saacadihiisa danbe iyagoo sujuudsan, waxay kusoo dageen aayadahani inta ahlul kitaabka rumaysay Nabi Muxamaed NNKAH, waana cadaalada quraanku ina barayo in cidii wanaagsan ee cid xun kudhex jirta aan lagu darin, lakin xusid iyo tixgalinteeda ay leedahay. ilaahay iyo aakhiro ayay rumaynayeen, wax wanaagsan bay farayaan, waxanay wax farayaan (cid kaste oo u baahan in lafaro) wixii xun bay diidayaan, wixii wanaagsan bay u dagdegayaan, waxay kuwasi kamid yihiin kuwa wanwanaagsan ee horumaray, markaas in la tilmaamo kuwa astaamahas leh ilaahay baa quraankiisa inoogu sheegay, sidaas datreed Nelson Mandela in aan carabaabno ama aan hogotusaalayno waa mid meesha kujirta, waxaana taas cadeyn inoogu filan sida uu isku garab taagey iyo taagaarada uu u fidiyay ururkii PLO ee uu hogaaminayay Yasir Carafaat iyo dadka reer Falastiinba halganka gobonimo doonka iyo madax banaanida ay ku jireen, kulana dagaalamayeen gumaystaha Yuhuuda, mar uu joogay Maraykanka laguna casuumay kulan wareysi ka dhacay dugsiga culuumta sare ee New York, meel kumanaan dad kor u dhaafay ay joogeen, yuhuudna ay kujirto, su’aashii ugu horeysay ee la waydiiayay ayaa ahayd xidhiidhka isaga iyo Falastiin ka dhexeeya? Amaba sida ay su’aasha u dhigeen oo ahayd dadka taageera Mandela iyo halgankii uu kaga soo horjeeday nimaadkii midab takoorka (Apartheid) Koonfur Afrika, kuna taageera xoriyada, iyo xaquuqda, ayaa waxa ay ka niyad jabeen taageerada uu u fidiyo dadka qaar ay kamid yihiin Yasir Carafaat iyo Ma Cumar Al Qadaafi? Waxa uu ku jawaabay in dadka siyaasada lafo guraa ay kufikiraan in cadowgoodu uu nuqdo cadowgayaga, wuxuu intaas ku daray fikirkayaga ku wajahan wadan waxa qeexaya fikirka uu wadankaasi ka gaystey halgankii gobonimo doonka ee aan ku jirey, wuxuu intaas raaciyay in Yasir Carafaat, Qadaafi, iyo Fiidal Kaastoro ay taageero u fidiyeen, kaliya maaha mid af ah ee ay addina ugu dareen iyagoo hanti ugu yaboohay, kaalinta aan ka taaganahayna waa taas buu yiri, hase ahaatee Mr Sigmund oo yuhuudi ahaa ayaa waydiiyay su’aal Mandela kuna tilmiimay hadalkiisu in aanu tayo lahayn ama hadal xun uu ku hadlay, uuna ka niyad jabay sida uu su’aashii hore uga jawabay, waxaanu ugu jawaabay haddii laga hadlayo Yasir Carafaat isaga oo u sharxaya Mr Sigmund in Mandela u aqoonsaday PLO oo uu hogaaminayay Yasir Carafaat sida ururkii Mandela ee ANC oo kale, waayo waxa ay u dagaalamayaan buu yiri xoriyadooda iyo madax banaanidooda, mar uu wariyihii waraysanayay uu ku yidhi Mandela waxyaabihii aad tidhi waxay u muuqdaan kuwo is burinaya isla markaana qof Siyaasi ahi aanu odhan karin, maxaa yeelay wuxuu yiri wariyihu hadaad tahay qof siyaasi ah umaad hadasheen si wax yeelaysa dad kamid ah dadka degan wadankan maraykanka (Yuhuuda) kuwaas oo awood u leh in ay qaraar kasoo saaraan Koonfurta Afrika si cuno qabateyn loo saaro, maxaad u noqon wayday siyaasi dhexdhexaad ah ayuu yiri? Waxaanu ku jawaabay Mandela; haddii aan ku bilaabo su’aasha Yuhuuda buu yiri, waxa aan wadahadalo la yeeshay dadka Yuhuuda ee degan wadanka Koonfurta Afrika, qaar xubno sar sare ka ah dawlada, sida xubin baarlamaanka mudo 30 sano ka ahaa, xaakim iyo qaar kaloo badan, wuxu sheegay in uu u cadeeyay mawqifkiisa ku wajahan taageerada uu u hayo Yasir Carafaat iyo Shacabka reer Falastiin, waxa kale oo uu sheegay in wada hadaladaas uu ku turxaan bixiyay isfaham darada iyo is maandhaafka qadiyada reer Falastiin iyo Kaalinta ay dawlada Koonfur Afrika ka istaagtey, wuxuu xusay in yuhuudu ay yihiin shacab muhiim u ah Koonfurta Afrika iyo Maraykanba, lakin taas macnaheedu aanu ahayn in cadowga Yuduudu uu noqonayo Cadowga Koonfur Afrika, waanu diid nay ayuu yiri, waxaad iigu yeedhi kartaan siyaasi maaha (Inpolitical) amaba tayo wax aan lahayn ama wax xun sida (Immoral), lakin buu yiri qofkasta oo bad badala hadafka, mabdi’isa iyo waxa uu aamin sanyahay, isbadelkaas oo kuxidhan cida uu la gorgortamayo ama heshiinayo, ninkaasi maaha nin hogaamin kara bulsho ayuu yiri.
Casharo farobadan iyo halkudhigyo wax ku ool ah ayaa laga faaidaystey oo adduunyada oo dhani soo dhawaysay, hadaan tusaale usoo qaato mid kamid ah halkudhigyada ugu caansan ee lagu xasuusan karo waxa kamid ah; wuxuu yidhi “Qofna uma dhalan nacaybka qofkale midabka jidhkiisa, meesha iyo cida uu kasoo jeedo iyo waxa uu yahay, amaba diintiisaba, dadku waa in ay bartaan nacayb, haddii ay barankaraan nacaybka waxa la bari karaa ama baran karaan jacayl, iyada oo dabiiciyan jacaylku uu kusoo horeeyo qalbiga qofka reer Aadan (binu aadam) ka ah si fudud kahor nacayb”, hadaba markaad eegto marxalada uusoo maray gaar ahaan 27 kii sano ee uu kujiray xabsiga halkudhigani wuxuu noqonayaa mid aad u quruxbadan ay dihatey maskax aad u xikmad badan, maalintii ugu horeysay ee uu jeelka kasoo baxay su’aashii ugu horeysay ee la waydiiyay waxa ay ahayd miyaad necebtahay CADAANKA? haddii aad 27 sano kujirtey xabis ay kugu rideen/hayeen dad cadaana madowna aad tahay, cidna kugulama yaabteen haddii aad odhan lahayd miyaan necebahay waxaan jeclaan lahaa in cagaf lawada mariyo, lakin Nelson Mandela jeelka ayuu kasoo baxay markii lawaydiiyay miyaad necebtahay CADAANKA? wuxu ku jawaabay isaga oo eegaya sideen u necbaan karaa marka saxiibkayga ugu wanaagsani uu ahaa CADAAN, nimankii ilaalada ka ahaa xabsiga kuyaalay jasiirada “Robben Island” oo ahaa saaxibadiisa ugu wanaagsan 27kii sano ee ugu danbaysay, sarbeebtaas siran waxa ay kamid tahay qaabka hufan ee uu u hadli jirey Mandela, Xafladii sanad guuradii 90 aad ee dhalashadii Mandela wuxuu kucasuumay ilaaladii jeelka “jasiirada Robben “Robben Island, Maalintaa xaflada xilkuwareejinta madaxwaynaha Koonfur Afrikana Sanadkii 1994 kii isagaoo qudbad kajeedinaya xafladaas wajahayana caalamka waxaa dhiniciisa danbe taagnaa Ilaaladii jeelka jasiirada Robben “Robben Island” ee ilaalinayay mudada 27 ka sano ah, Mandela wuu kasoo baxay jeelka waxaanu yidhi wax nacayb ah kuma jiro qalbigayga, wuxuu intaas kudaray, haddii aan jeelka kala soo bixi lahaa nacayb iyo xumaan ilaa maanta ilaalada ayaa idaba socon lahayd, markaan kasoo baxay jeelka waxaan go’aansaday ama doortey in aan noqdo xor, markaa xaga danbe ayaan uga soo tagey nacayb iyo xumaan ayuu yidhi, isaga oo markale kahadlaya cadhoda waxa af qalaad lagu yiraa (Resentment) waxa uu yidhi waa adigoo sun cabaya qofka kalena u rajaynaya in uu dhinto, RESENTMENT is like drinking poison and hopping that the other person dies, waalidaalika Xumaanta, xiqdiga, nacaybka, qoomamada, iyo xasuusta garoofo kusoo gaadhay ama lagu gaadhsiiyay haday tahay dhaawac dusha kamuuqda ama mid maskaxeedba, xasuusteedu waxa ay burbur iyo dhabar jab ku noqonaysaa qofka reer aadam ah jiritaankiisa iyo qaab nololeedkiisaba, sidoo kale waxa ay bulsho dhan u horseedi kartaa dib u dhac, hadaba iscafintu waa shay lagama maarmaan ah, qaabka ugu haboona waa qofka oo ilaawa wixii horey udhacay, bayd cusubna kabilaaba nolosha, xikmada kujirta ayaa waxay tahay ayuu yiri haddaad rabto in aad nacayb meesha kasaarto, looma baahna in aad nacayb badan keento, hadaad rabto in aad mugdi meel kasaarto, looma baahna in aad mugdi badan meesha keento, haddaad rabto in aad nacayb meesha kasaarto, waa in aad jacaly meesha keentaa, si is ogalaansho iyo wadanoolaansho ay uga hirgasho wadanka taasina waa qaabka kaliya ee aad cadawgaaga uga guulaysankarto, sida quraankuba inoo sheegay, sidaas darteed Mandela labada arimood ee uu ku guulaystey kana ansixiyay wadanka Koonfur Afrika ayaa waxa ay ahayd la heshiinta dadkii midab takoorka ku sameeyay, gumaystey, xabsigana ku hayay mudada 27ka sanadood ah iyo waliba iyaga oo uu la wadaagay awood qaybsiga wadanka, hadaba maaha wax adag in la arko talo wadaaga iyo awood qaybsigaasi inuu ka yimid maskaxdiisa iftiimaysa, iyo dib u heshiisiintaasi in ay ahayd sawir ka yimid qalbigiisa. Waxa mar uu marayay gagada diyaaradaha ee wadanka Koonfur Afrika uu Mandela la kulmay haweenay wada gabadh yar oo shan jir ah oo ay dhashay, gabadha yar indhaheedu waa buluug, timaheeduna waa midab dahabi ah, inta uu u soo foorarsaday ayuu gacan qaadey, waydiiyayna cida uu yahay?, tii yarayd inta ay dhoola cadeysay ayay tidhi waxaad tahay Madaxwayne Mandela, markaas buu yiri waa runtaa waxaan ahay Madaxweynahaaga, adiguna haddii aad dugisga dadaashid, wax badana aad baratid, cid kastana aad u roonaatid, adiguna markaad korto waxaad noqon madaxweyne.
Waxa kale oo kamid ah halku dhigyadiisa “Si aad xor unoqoto maaha in aad kaliya ku tacadido ama aad xoog kumuquuniso, xaquuqda dadka kale lakin in aad unoolaato si xushmad leh korna uqaada xoriyada kuwa kale”. Markuu Mandela jeelka galay, TV xitaa malahayn Koonfruta Afrika, mudadii uu jeelka ku jiray, laga soo bilaabo 1963 ilaa 1990, shayga kaliya ee uu haystey wuxuu ahaa Radio ama idaacad, idaacadaasna waxa laga soo daynjirey mawjad kaliya, mawjadaasna waxaa ka bixi jirey barnaamijyo nacayb ah ama nacayb ka buuxo laguna takoorayo madowga Koonfurta Afrika, mawjadaas maanta waxay u dhigantaa FOX Newska Maraykanka, Hadaba markii Nelson Mandela uu kasoo baxay Jeelka wuxuu kaqayb galay war saxaafadeed (press confrence), war saxaafadeedkii ayaa su’aal lagu waydiiyay, Mandela markiiba wuxuu gartey codka ninkii su’aasha waydiiyay oo ahaa wariyihii kahadli jirey idaacada uu dhagaysan jirey 27ka sano ee uu jeelka ku jirey, waana ninkii cunsiriga ahaa ee BOMBka kaga soo afuufayay idaacada, Muxuu yidhi Nelson Mandela hadaba, Rochie ayaa ninka la odhan jirey, Mandela wuxuu yiri Rochie, wuu usara kacay wuxuu aaday dhiniciisa, wuu gacan qaaday wuxuuna yidhi “27kii sanadood ee u danbaysay si fiican baad/aad baad ii wargalisay, waxaanad i bartey wax badan, sidaas darteedna waan kuu mahad celinayaa waanan ku aqoonsaday” “For the past 27 years you have kept me a very informed and you have taught me a lot, and for that I thank you, and I appreciate you”.
Afeef: Isticmaalka Erayada Qalaad
1. Shakhsi ama Shakhsiyad
2. Xor ama Xoriyad
3. Madaama
4. Xuquuq ama Xuquuqul insaan
5. Apartheid
6. College ama kolayj
7. Qudbad
8. Wajahaya
9. Caalamka
10. Radio
11. Sababtoo ah
Wabilaahi Tawfiiq
Maxamed Sheikh Faarax