Maqnaashaha iyo dhaliilaha miisaniyada 2014 ee xukumada siilanyo Qodobada dooda u bahan ee miisaniyada ku jira 02,10,2014.‏

0
37

DHALILAHA IYO CADAYMAHA ISA SOO TARAYA XUKUUMADA SII LAANYO IYO SHAXDA MUU JINAYSA MIISAANIYADA 2014.

Maqnaashaha iyo dhaliilaha miisaniyada 2014 ee xukumada siilanyo iyo Qodobada dooda u bahan ee miisaniyada ku jira 02,10,2014.
 Odoroska miisaaniyada bandhigeeda waxa ku horeeyn lahaa helitaanka xisaab xidhkii 2013 ka sida xeerarka maaliyaddu dhigayaan iyo qodobada dastuurkuba.
 Deeqaha caalamiga ah eek u xusan faahfaahinta ilaha dakhli ee miisaaniyadu ka koobantahay cadadkeeduna dhan yahay 81 bilyan ama $ 13.5 milyan xagee biyo dhigatay?.
 Mee lifaaqa deeqaha caalamiga ah ee lagu soo qaaday 1aad siyaasadda guud ee miisaaniyada 2014 sida kala farqadaha 2,3.
 Qodobka 17 lacagaha maalgashiga lagu shubaayo khasnadda dawladda kuma cada misaniyada ee waa in lagu daraa oo ay keenta wasarada qorshayntu.
 Waxa xusid mudan in fiiro gaara loo yeesho cashuurahaan cusub ee lifaaqa kuna tacaluqa wasaaradaha macadanta iyo ganacsiga oo u eg kuwo la buunbuuniyay ayadoo waliba afka ku qoran miisaaniyadda oo iyagau af ingiriisi ku diyaarsan yihiin.
 Waaxda khasnadda wasaarada maliyada ee la galiyay lacagta ugu badan oo gaadhaysa 165.327 bilyan maxay tahay ma hayad madax banaanba miyaanay wasaarad ka mid ahayn waa khalad waana khiyaamo qaran oo dustuuriy.
 Hayadaha kale ee aan ansaxsanayn oo ay ka mid yihiin
 Maxay tahay lacagta ku magacaaban Daynta Qaranka oo tiro ahan dhan 39,811 bilyan
 Yaa mushahar iyo Gunooyinka u sharciyeyay Madaxtooyada Xeerkii miyaa la ansixiyay arintaa cadaynaayay.
 Inaan shaqaale cusub la qorin sanadkan 2014ka ayaa lagu sheegay sida uu dhigaayo qodobka 14aad ee siyaasadda guud ee miisaaniyada 2014 ka,miyaanay ceeb ku ahayn xukumad leh miisaanaiyadayadu waxay gaadhay hal tri bilan laba boqol oo bilyan, qof shaqqle ahan qori mayno .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here