‘Mar Haddii Madaxweynuhu Waxqabadkiisa Iyo Tamartiisaba Muujiyey Saylac Ilaa Laas-Qoray, Cid Kaloo Tartantaa Kulmiye Dhaawac Bay U Geysanaysaa’

0
38

Badhasaabkii xilka laga qaaday ee Gobolka Gabiley, Yuusuf Ibraahim Geeddi

Hargeysa (Hubaal)- Badhasaabkii dhawaan xilka laga qaaday ee Gobolka Gabiley Mr. Yuusuf Ibraahim Geeddi, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xaq u leeyahay murrashaxnimada madaxweynimo mar labaad inuu u metalo xisbiga KULMIYE doorashada soo socota ee 2015, isla markaana aanay sharciyan iyo danta xisbiga toona ahayn in cid kale kula tartanto.

Mr. Geeddi waxa uu ku dooday in haddii cid kale KULMIYE dhexdiisa kula tartanto Madaxweyne Siilaanyo uu dhaawac soo gaadhayo xisbiga, maadaama madaxweynuhu muujiyey waxqabad uu dalka ka sameeyey iyo tamar uu xukunka ku hayn karo.

badhasaabki-hore-ee-Gabiley“Waxaan ku taageerayaa Madaxweynaha Somaliland inuu mar labaad ku soo noqdo murrashaxa doorashada soo socota, sababta oo ah dastuurkuna wuu u fasaxayaa oo madaxweynenimo laba jeer ayuu xaq u leeyahay, waxqabadna isaga iyo maamulkiisu way muujiyeen, markaa cid kale oo kula tartami karta sharci ahaan iyo xisbi ahaan uma arko, waayo nidaamka xisbiyada ka Maraykanka ayeynu qaadannay, Maraykankana doorashada hoose (Primery) ayaa la is-garab-yaacaa, laakiin madaxweyne soo baxay nin la baratama oo xisbigiisa ah ma jiro.

Sidaa darteed, anigu waxaan qabaa madaxweynahaa doorashadii hore ku guulaystay ee xisbigii ka dhigay xisbal-xaakim mar haddii aannu ka tanaasulayn oo uu murrashax yahay xaq wuxuu u leeyahay distooriyan in markale loogu celiyo, marka uu xilli-doorasheedka labaad (second term) ka dago cid allaale ciddii baratamaysaa ha soo baxdo,” ayuu yidhi Yuusuf Ibraahim Geedi oo u warramay shalay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.

Mar la waydiiyey dhibta ku jirta in murrashaxa xisbiga uga qaybgalaya doorashada cod dimuqraadi ah lagu doorto, waxa uu ku jawaabay, “Iyadoo dimoqraadiyad ah ayaa haddana xisbigu isla arkayaa halkay danta xisbigu ku jirtaa? Ma ninkii hore ee aynu tijaabinay baa mise waa mid cusub? Markaa xisbiga sii jooggiisa iyo magaciisu wuxuu ku xidhan yahay in madaxweynihii ku soo baxay loo daayo, mar haddii aanay dhaliili jirin oo Saylac ilaa Laas-qoray uu waxqabadkiisa iyo tamartiisaba ka muujiyey, anigu waxaan qabaa in cid kaloo tartantaa xisbiga dhaawac u gaysanayso,” ayuu yidhi Badhasaabkii hore ee Gabiley oo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo shaqada ka caydhiyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here