“Mar Haddii Uu Madaxweynuhu Yidhi; ‘ Aji Faanay Leeb Iyo Qaanso U Dhiib’ Waxaan Ballanbaadayaa Inaan U Hagar-baxo Shanta Xaraf Ee Astaanta Qaranka…”

0
158

-Khadar M. Cakulle, Maareeyaha Cusub Ee SLNTV

 “Marar Badan Baan Soo Arkay Xil Uu Wasiir Ii Dhiibo,  Laakiin Digreeto Madaxweyne Waa Markii Iigu Horreysay…Sidaas Darteed Inaan Wax Suntaa Waa Muhiim”

“Ikhwaanul-muslimiin 80 Sanno Ayay Raadinayeen In Ay Maruun Gacanta Ku Dhigaan Xukunka Dalka Masar [Laakin] Waxaa Ku Badnayd Filashada Ayaa Ku Badnayde Kamay Fikirin Hanashadeeda”

+++

“Mar Haddii Uu Madaxweynuhu Yidhi; ‘ Aji Faanay Leeb Iyo Qaanso U Dhiib’ Waxaan Ballanbaadayaa Inaan U Hagar-baxo Shanta Xaraf Ee Astaanta Qaranka…”

“Xilka La ii Dhiibay waxaa Uu Ka Dhigan Yahay [Riyadii] ikhwaanul muslimiin, Waayo In Badan Beynu Lahayn qurbejoog Baa La Keennaaa Iyo Dad Aan Garanayn Baa Taladii Loo Dhiibay, Haddaadse Maanta Igu Garab-geli weydaan Xilka Waxaynu Noqonnaynaa…” -Khadar M. Cakulle, Maareeyaha Cusub Ee SLNTV

Hargeysa (Hubaal):- Maareeyaha cusub ee Telefeshinka Qaranka Somaliland Khadar Maxamed Cakulle oo Sabtidii aynu soo dhaafnay Xilkaas si rasmi ah ula wareegay, ayaa   Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xafladdaas, isla markaana Madaxweynaha uga mahad-celiyey Masuuliyadda uu saaray oo uu ballan-qaaday inuu Daacadnimo, xilkasnimo, dedaal iyo dulqaad ku hagi doono inta uu Jagadaas hayo. Suxufiga caanka ah ee Khadar Maxamed Cakulle, ayaa dardaaran u jeediyey Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Hawl-wadeennada iyo Weriyeyaasha ka hawlgala TV-ga Qaranka ee Somaliland Nation TV, kuwaas oo uu sheegay haddii aanay iyagu garab-istaagin inaanu isaguna meelna wax muuqda gaadhsiin karin keli ahaantii, balse uu inta ehelka u ah Shaqadan wax ku yahay, waxna ku noqon karo, sidaa daraaddeedna uu ka dalbaday inay is-garab-taagaan. “Marka hore waxaan madaxweynaha JSL uga mahad naqayaa xilka uu ii magacaabay, waxaan uga mahad naqayaa taariikh cusub oo shaqadaydii hore ee mikirifoonka aan qaranka ugu dadaalayay uu iigu kabay oo ah ammaanadaa wasaaradda warfaafinta gaar ahaanna Telefishanka qaranka”. Sidaas ayuu yidhi Mr. Khadar Maxamed Cakulle, Maareeyaha cusub ee telefishanka qaranka Somaliland. Waxaanu intaa ku daray “Waa halkii laabtayda ku jiri lahayd haddii ay laabtayda ku jirtay, waa meel aan isleeyahay hiil iyo hooba waa lagula garab taagan yahay.  Haddii aan u soo noqday munaasibadan, waxaan  odhan lahaa hal ku dhegii uu alla ha u naxariistee   Abwaan Cali Sugulle Dun-carbeed ee ku saabsanaa marka wada-shatiga laga hadlayo; waxaa uu ahaa “Diric keli ahaantii, daleel guusha kuma helo, dadkaa geesi lagu yahay””. Ayuu maareeyuhu yidhi.  Isaga oo hadalkiisa ku ladhay xaallada iyo masuuliyada xilka loodhiibay ku suntan tahay “waxaa xaqiiqo ah inta halkan fadhida ee shaqaalle weyne ah oo weliba saddex bahood aan anigu u aqaanno  oo kala ah; bahda koowaad oo intii aan anigu xirfaddan ugu imi ah. Bahda labaad waa intaanu mar wad animi, bahda sadexaad oo naftood hurayaal aan u aqaannaa waa dhalinyarada iga dembeeyey da’dayda marka loo eego. Waxaan aaminsanahay idinka ayaan geesi idinku ahay, idinka ayaana wixii riyadayda ah ila rumayn kara markaad ila garab gashaan.”. Khadar Cakulle mar uu ka hadlay kaalinta ay firfircoonida iyo daacanimadu ku leedahay waajibaadka qofka loo igmado, waxaanu isaga oo sharraxaya sida ay uga go’an tahay gudashada xilka iyo masuuliyada qaranka uu u hayo soo xigtay tuducyo ka mid ah suugaanta abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Waxaa iyadana aan  xasuusnahay daacadnimada marka laga hadlayo, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), gabayadiisa tuduc kamid ah oo uu leeyahay; qofba wuxuu ku dagan yahay halkuu daacad kaga hadho. Markaas aniga oo masuul ahi haddaan khiyaamo la imaado maalintaas uun bay baylahdaydu dibada taallaa, qofkii shaqaalle ah ee agabka uu ka masuulka yahay, ama waqtiga shaqada wax u dhimaa isna waa la mid. Sidaas darteed waxaynu isku dardaaraynaa, aniga ooh al-ku-dheg xafladdan uga dhigaya afar erey oo kooban oo laga yaabo  indadka qaarkii ay muddo badan xasuusan doonaan. Waayo waxaan afartaas erey u soo qaatay; xil uu wasiir ii magacaabo marar badan baan soo arkay, xil uu maamule ama masuul TV gaar ahi ii magacaabana marar badanbaan soo arkay. Laakiin digreeto madaxweyne waa markii iigu horreysay ee la igu magacaabo, sidaas darteed inaan wax suntaa waa muhiim. Afartaas erey ta koowaad waxa weeye; waxaynu ka dhaqaaqaynaa oo ku dhamaysanaynaa daacadnimo, qoddobka labaad, waxaynu ku bilaabaynaa shaqada waa dedaal, ka saddexaad, waxaynu shaqada ku bilaabaynaa kunadhamaysanaynaa waa dulqaad, qoddobka afraad ee ugu dembeeyaanna waa xisaabtan iyo dabagal”. Ayuu Maareeyaha SLNTV yidhi. Gebogbadii khudbaddiisa waxaa uu Mr. Cakulle ballanqaaday in uu isbedel togan ku samaynayo tayada shaqada uu muuq-baahiyaha qaranku ummada u qaabilsan yahay. Isaga oo dhinaca kalena si dadban shaqaallihiisa u dareensiiyey cidhib-xumada  uu laab-la-kaca aan hanashada ku dhisnayni dhaxalsiiyo filashada horumarkooda, sida ku dhacday ururka Ikhwaanul Muslimiin oo muddo qarni ku dhaw u halgamayay in ay talada wadankooda gacanta ku qabtaan, balse aan tirada ku  darsan waxa uga meel yaalla hanashadeeda.  Sida gadoodkii gu’ga carabta ee sanadkii 2012-kii ay reer Masar  fagaarahaTaxriir ugu hoyan jireen, ee ay aakhirkii ku galaafteen Madaxweynihii dalkaasi ee Maxamed Xusni Mubaarik oo rubuc qarni in ka badan xukumayay wadanka Masar, kaasi oo ay   xukunka ka tureen, kadibna doorteen Madaxweynihii u horreeyey ee doorasho ku soo baxa ee Maxamed Mursi, kaasi oo ay mawjado kacsani qarqiyeen dawladiisii oo ururka Walaalaha Muslimiinta Masar ahayd, kuwaasi oo aakhirkii ay cidhibtoodu noqoto in ay Millatarigu gacanta ku qabtaan taladii dalka, Madaxweynihii iyo maamulkiisiina jeelka dhigaan “Waxaa inta halkan fadhiga, madaxweynaha iyo ummada reer Somalilandba u ballan qaadayaa in astaanta shanta xaraf ka kooban ee Somaliland maareeyaha-cusub-ee-tv-ga-qaranka-khadar-maxamed-cakulle-khudbaddiisa-2016National Television [SLNTV] oo aan dareensannahay hibada iyo karaamada ay huwan tahay oo ah haybadii qaranka, sidaas darteed aan sida ubadkayga iyo naftayda  uga tudho wixii ceeb ah aan ballanqaadayo inaan uga tudho oo aan shantaas xaraf u hagar baxo. Kelmada ugu dembeysa ee aan hadalka kaga baxayaa waxa weeye; ururka la yidhaahdo Ikhwaanul-muslimiin  taariikha marka la raaco waxaa ay 75 sannadood ama 80 sanno ay raadinayeen inay xukunka dalka Masar mar uun gacanta ku dhigaan. Waxaa la yidhaadhaa filashada ayaa ku badnayde kama ay fikirin xagga masuuliyaddaiyo hanashadeeda.  Taariikhdaasi waxaa ay innabaraysaa toddobada boqol ee shaqaalle ee wasaaradda warfaafinta ka shaqeeyoow xilkaas maanta la ii dhiibay waxaa uu ka dhigan yahay ka ikhwaanul muslimiin oo aan sannad haynin xukunka dalka Masar,. Markaa hadii aad igu garab geli weydaan xilkan waxaynu noqonaynaa dad filashada uun jecel ee aan hanashada ka fikirin, waayo in badan baynu lahayn taladii nalooma dhiibin oo qurbejoog la keennaa, laakiin maanta madaxweynihii wuxuu yidhi Aji Faanay Leeb iyo Qaanso U Dhiib oo qoladan wasaaradda warfaafintu in badan bay hadleen bal maanta ku eeg masuuliyada”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay maareeyaha cusub ee telefishanka qaranka Somaliland Mr. Khadar Maxamed Cakulle. Telefishanka qaranka Somaliland oo loo soo gaabiyo SLNTV, waxaa la aasaasay sanadkii 2005-kii, waxaana waqtigii la hirgeliyey oo ay xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaalle dalka ka talinaysay  uu ka madax banaannaa wasaaradda inteeda kale isaga oo si toos ah u hoos tegi jiray Madaxtooyada maamul ahaan, siyaasad ahaan iyo xataa amni ahaan oo ay hurin ka tirsan ciidammada Ilaallad Madaxtooyadu gacanta ku hayeen. Waxaa xusid mudan in bilihii u horreeyey aasaaska SLNTV oo laga daawan jiray uun gibilka [Atmosphere]  ku meersanba magaallada Hargeysa looga dhigay Maareeye Cali-Fu’aad Cabdi Jaamac, kaasi oo waqti kooban hayay xilkiisa. Waxaa markaa ku xigay oo Maareeye loo Magacaabay Maxamed Muuse Diiriye oo loo tiriyo in uu ahaa masuulkii dhidibada u taagay dhismaha iyo dhaqaajinta TV-ga oo uu gaashaan-qaad u noqdo himillada loo sameeyey, Maxamed Muuse Diiriye oo haatan ah wasiiru dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxaa ku xigay Axmed Saleebaan Dhuxul oo noqday maareeyihii saddexaad ee soo mara xilkaasi kaasi oo sanadkii 2010-kii markii xukuumadda KULMIYE talada la wareegay loo dhiibay Masuuliyadda telefishanka qaranka. Mr. Dhuxul Muddo laba sanno ku dhawaad ah maamulayay TVga, waxaa waqtigaas lagu tiriyaa inuu hoos u dhac ku yimi halkii uu hore u taagnaa TV-ga qaranku siyaasad ahaan, iyada oo ay hadheeyeen muran iyo is qabqabsi meesha ka saaray tayadii shaqada iyo kala dembeyntii  dawladnimada.  Muddo ka dib waxaa maareeye ka noqday SLNTV Khadar Xasan Cali Gaas oo isaguna muddo dhawr sanno ah hayay xilkaas. Cabdi Cali Mahdi oo isna maareeyihii shanaad ee TVga soo mara noqday ayaa isaga lamagacabay sanadkii aynu soo dhaafnay horraantiisii, kaasi oo hayay xilka ilaa ay soo baxday isku shaandheyntii u dembeysay ee lagu magacaabo Maareeyaha cusub ee dorraad xilka kala wareegay Maareeyihii hore [Cabdi Cali Mahdi]. Hse  Si kasta oo ay tahay Khadar Maxamed Cakulle oo noqonaya Maareeyihii Lixaad ee soo mara xilkan ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyey ee katirsanaa wasaaradda warfaafinta tan iyo markii Somaliland la soonoqotay madax banaanideeda. Waxaana badiba ra’yul caamka bulshada ee u dhuun daloola arrimaha warfaafintu ay ku tilmaameen in uu yahay masuul hanan kara xilkaas iyaga oo dhaqaajinta TV-ga qaranka ay ku majeerteen in uu gufayn karo    daldaloollo ay   gacmo aan dareensanayn muhiimadiisu.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here