– W/T. Cabdillaahi Xasan-Ganey
Waa tixdii labaad ee Silsilad-maanseedda “ Miimleey” oo daarran ka-falcelinta waayaha dhabta ah ee bulshada Somaliland maanta ku sugan tahay. maansadan oo la baxday “Marag” waxa curiyay Abwaan Cabdillaahi Xassan Ganey , waxaanay daba socotaa tixdii MUDDUCI ee uu silsiladdan ku ballaysimay Abwaan Xasan Daahir Weedhsame . Cabdillaahi Xasan-Ganey waxa uu maansadan u adeegsaday sawir iyo humaag halabuurnimo sare ka muuqato. Waxa uu ina dhex geeyay maxkamad ay shacabku ku soo oogayaan murdisadii iyo mooshin quutayaashii. Dacwad aan waxba la iskula hadhin ayuu xaakinku ka garnaqayaa. Fadhi dambe ayaa loo ballamayaa oo xukunkii maxkamaddu dhacayo.
Waxay tidhi Maansadii “Marag”:
Xalay baan mirtii dhexe
Waayaha muquurtoo
Manaamkiyo dawaafkii
Madal baan ku tagay dhoof,
Muddiciyo maddaacale
Garta loogu kala madhay.
Waxa furay maxkamaddii
Xaakin maalig ka cabsada.
Dhan kan maatibaa tuban
Maxas liidatadaa tuban
Dad madluunsan tuban
Agoon miidhan baa tuban
Danyar muruxsan baa tuban
Naafiyo masaakiin
Mucsur qaawanaa tuban.
Dhanka kalana mooryaan
Xaaraan ku mamayaal
Murdisiyo bahdeeddii
Iyo mudanayaashii
Mooshin quutayaashii
Margi balaqdi baa tuban.
Waxa mikirifoonkii
Midigtiisa ku holladay
Qof madluunsan oo kacay.
Wuxu yidhi: “shan maalmood
Waxba cunaha maan marin,
Dalka waxan usoo maray
Maamuus kumaan helin,
Qof muwaadinaan ahay
Misna waxan ku noolahay
Nolol aan macaan wadan,
Oo mustaafir baan ahay
Waayo waxan masruufnaa
Madaxdii na dhaqilayd”
Wuxu yidhi madluunkii:
“Muddulkaan ku nolaa
Waxa iga maroorsaday
Raggan meesha soo tuban”
Wuxu yidhi madluunkii:
“Haddii aan mitidi layn
Muruqaaanu leeniyo
Codka muujin layn subax
Murdisana badali layn
Ma mucaarid baa jiraa!
Halka aannu maraynaa
Kala miyo waraabiyo
Masas iyo shabeelliyo
Saw maaha bahalluun”.
Wuxu yidhi madluunkii:
“Mur hadday ka daran tahay
Runta lagama maarmee
Cuna cuna madaarrada
Dekadaha mar baayaca
Macdantoo dhan dhoofiya
Ama mukhallaseeyoo
Dhallinyarada meeriya
Magafaha ka iibiya
Wallee waa makalantiin
Damiirkaad ka madhantiin.”
Mursidiyo bahdeedaa
Lagu yidhi “muddicigaas
Maqashe’e warkiisii
Miyaa moosi karaysaan?”
Dabadeed mid baa kacay
Afka dufan ka muuqdoo
Malahay ka soo hadhay
Muudsiga cashuurtuu
Iska mariyay gacantii,
Minbarkiina soo fuul,
Suudhkiyo mareegtiyo
Gii giiji maradii,
Iska bixi muraayado
Madaxiisa ku qotomay,
Miis hortiisa yaal saar,
Is maroori oo yidhi:
“Madaxii ha raagee
Madaxwayanahaa gob ah
Isagaa ammaan mudan
Masuul weeyi qaaliya
Waa mujaahid khayr qaba
Midigtiisi baan ahay
Waa macallin kaygii
Xiisaha marwaadkiyo
Madadkiyo kalgacalkiyo
Muhashada jacaylkiyo
Rabbi muxibbadiisaas
Maankayga hay dhigo.”
Wax la yidhi “Maddiiloow
Waxad madasha ka akhriday
Hadal meesha aan ool
Oon munaasib ku ahayn
Muddiciga gartiisii.”
Misna yidhi “cadaawaa
Dabinnada maleegaad
La macaamishaanoo
Sirihiinnu waa muush.”
Wax la yidhi “Maddiiloow
Nin ka maqasha daayacay
Maahir foofin maayee
Horta yaa ku maamula?”
“Madaxwaynuhuu yidhi.”
Wax la yidhi “Maddiiloow
Garta ruux ka meeraa
Ma yaqaanno Mawlee
Ma taqaan dastuurkiyo
Sharcigiyo maxkamadaha?”
“Madaxwaynuhuu yidhi.”
Muranka iyo qaylada
Midho lagama keenee
Wax la yidhi “maxaa xal ah?”
“Muddo biirin buu yidhi.”
Wax la yidhi “Maddiiloow
Marmarsiiyo badanaw
Aannu kuu mar badinnee
Maalkaa dadweynaha
Yaan la madhin qof kii yidhi
Maxaa loo maxbuusaa?”
Kuye “madaxbannaanidu
Waa muqaddas buu yidhi.”
Waxa la yidhi “Maddiiloow
Taa muranku maahee
Dalka oon musbaax ool
Inaad booli maashaan
Ama boob u muhataan
Ama been ku mooddaan
Sida bahal wax mirataan
Malafsiga taqaannaan
Danta inaad muqlaysaan
Runta mooro duugtaaan
Xaqa mool ku tuurtaaan
Xalka muruq ku doontaan
Dulmisaan magaratada
Dadka oo macluul qaba
Inaad moodharrada qaar
Ku mushaaxaysaanoo
Guryo wada muraayada
Magaaalada ku leediin
Taa maxaa ka leediin?”
Wuxu yidhi “maxaa siya
Ma dalkaa ka maqantiin
Ma runtaa ma ka madhantiin
Ma mucaarid baa tiin
Mise horumar diidkiyo
Kuwa guusha maanaca?”
Wax la yidhi “Maddiiloow
Magacaabiddaadiyo
Ka hor dhaar markaagii
Meeqaad adduun layd?”
“Waan fara madhnaa” yidhi.
Lagu yidhi “Maddiiloow
Maanta waayahaagiyo
Mood waxaad ka leedahay
Maandhoow bal noo sheeg.”
Muuji foollashii badi
Dhoollaha ka muusoo
Is maroori oo yidhi
“Alle mahaddi weeyee
Milyan dheer ayaan ahay.”
Wax la yidhi “Maddiiloow
Maatidan wareertiyo
Dadkan meesha joogaa
Waxay kuu muddacayaan
Ma malayn karaysaa?”
Kuye waa “makhruuqiin.”
Wax la yidhi “Maddiiloow
Haddii aad masuul tahay
Garta inuu masuul yahay
Maamula dalkiisoo
Maareeya oo dhaqa
Inay mahad u celiyaan
Dadku kama masuugaan;
Marwo garasha dheer iyo
Geesiga ma maagaan.”
Wax la yidhi “Maddiiloow
Waxa lagu majeertaa
Muunaddaadu kaahdaa
Man galool ka daadshiyo
Sida maalintoo kale
Muuqaagu baahaa
Marka aad xilkaagii
Martay waajibkiisii.”
Wax la yidhi “Maddiiloow
Meeqaanku waa deyn
Adi kuu maqnaydoo
Miisaankaad leediyo
Maamuuskad bixisaa
Waa laba mataana ah.”
Wax la yidhi “Maddiiloow
Mudan iyo haldoor iyo
Inaad tahay madhaafaan
Iyo inaad maraan tahay
Ma ogtahay afkaagiyo
Falkaad muujisaabaa
Waxaad tahay macneeyoo
Kugu fura markhaatiga.”
Wax la yidhi: “Maddiiloow
Maal lagugu aaminay
Marba sidaad ka yeeshaad
Ama magac ka qaaddaa
Ama ceeb ku mudataa.”
Wax la yidhi “Maddiiloow
Qofka fala macruufada
Maba xilaba mawluhu?”
Yaab yaab Maddiil yaab
Fool maqaarka soo duub
Fara miiqan soo taag
Waabay madow daac
Aflagaaddo dheer mari
Lagu garay se maaddii.
Xaakinkii makeekiga
Mukurka iyo dala’siga
Iyo milikhsigii diid
Raggii meesha taagnaa
Ku miliilic daymada
Ku mud dhaayihiisii
Eegmada ku maydhaan.
Misna hadalyay oo yidhi:
“Xulka iyo masuullada
Marna lama hadlaayee;
Maanlaawayaashoow,
Macaluul xil qaaddoo
Na macaansanaysiyo
Musuqmaasuq baahow,
Af miishaarka baaqiyo
Ku macaasha beentiyo
Ma-naxaannadiiyoow,
Xildhibaan mashruucoo
Dhaameelka maaloo
Magaciisu ba’ayoow,
Dhuuxa iyo muudkiyo
Inta dhiigga miirtee
Furta maatidoodow,
Maanta waa fashilantiin
Mugdi waxad ku qariseen
Ama madaw ku qaadeen
Iyo muuqay qiiqaad
Dhex muquuranayseen.”
Dalka inaad majiirteen
Majaraha ka baydheen
Ka dhigteen makhaayado
Lagu maararroobiyo
Masrax layska caayoo
Hadba kii masayraa
Ka majaajileeyoo
Muuq-baahiyaha tago
Waxa kugu markhaatiyo
Waxa aad mareegaha
Isku marinahaysaan.
Dalka inaad musbaarrada
Maddiilow u saarteen
Murxiseen dhammayseen,
Waxa kugu markhaatiya
Hooyo laga muraadsaday
Curadkeedi maqan yahay
Oo magane lagu dilay
Furintiyo manaayaha
Oon helin magtiisii
Misna ooridiisiyo
Maxastiisi oontiyo
Laga jaray masruufkii.
Waxa kugu markhaatiya
Marwo saygi laga xidhay
OO habeen mirtii dhexe
Ragga madaxa duubtaa
Minankawgu daateen.
Waxa kugu markhaatiya
Dhallinyaro moraal jaban
Kun iskuul ka soo mudhay
Jaamacdo soo maray
Misna aan ku helin camal.
Waxa kugu markaatiya
Da’yartaa mushteegtee
Maashee dhaqaaqdee
Cagta socodka maashee
La madiidin sanayee
Maydkoodi saxaraha
Isku muuqanaayee
Magafuhu ka xoogsado.
Waxa kugu markhaatiya
Dad ka miyiga joogee
Makaleen abaaruhu.
Waxa kugu markhaatiya
Muddo dhaafidiinniyo
Doorashada la maanacay.”
Xaakinkii madluun iyo
U garnaqay madharagtadu
Maalintaasi dooddii
Halkaasuu ku mayracay
Xukunkana muddo u qabay.