“Maraq Malaha Haafka Baastada Ahi”-W/Q: Maxamed Xasan Daacad

0
53

W/Q: Maxamed Xasan Daacad

Waa Maalin jawi ahaan ii wanaagsanayd,waxaan kasoo faro-xashay shaqo-adag oo aan subaxaas u kallahay,kana soo fulinayay goob Magaaladda ka baxsan. Marka laga yimaaddo saamaynta safarka kooban ee aan gallay  igu keenay, daacadhaddana waxay u muuqatay mid wax kastaaba sidii looggu tallo-galay ay kusoo idlaaddeen,waxaanan ku tallo-jiraa in aan maareeyo hawl-maalmeedyo iyo ballamo shaqsiyaad oo aan maalintaas lahaa. Waxaan hadda uun salaaddii Duhur kusoo tukaday Masaajid goobtayda shaqadda ka ag-dhawaa,waxaanan ku tallo-jiraa in aan sii qadeeyo ka hor inta aanan shaqadda Duhur-nimmo gallin,waxaan soo beegsadday Hudheel cunto aan inta badan ka qedayno anniga iyo asxaabtadda shaqaddu, balse maanta waa kalligay oo asxaabtaddii hawlo-shaqo oo kale ayay ku maqan-yihiin,waxaana laga yaaba inay iyagguna goor-dhaw soo qeddo-doontaan. Hadda waxaan soo galay Goobtii Cunto,waxaana si weyn uga baxaya sawaxan xooggan,kaas muujinaya baaxadda dadka kala duwan ee Madasha ka qedaynaya,kuwaas oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshadda,waxaana iiba muuqda qaar ka tirsan Madax Laamaha Dawladda ah;sida Bahda Garsoor,Wakiiladda iyo Xubno Xukuumadda ka tirsan,kuwaas oo dhamaantoodba si weyn ugu mashquulsan sidii ay qeddada ay rabbaan looggu keenni lahaa. Sidii caadigga ahayd ayaa waxaan soo maray goobtii laga faraxalanayay,waxaanan indho-indheeyey goob fiican in aan fadhiisto oo uu iga maqli karo Inanka Mudalabka ah ee Cuntadda loo dirsaddo,waxaanan maanka ku hayaa Maah-maahda ah “ Dherri Nin U Dhaw,ayaa Laf kala baxa”,Taas oo macneheeddu yahay in markasta oo aad fadhiisato goob u dhaw halka ii is-taaggo Inanka Dadka Cuntadda u keenayaa,ay u badan tahay in markaba uu ka jawaabo dalabkaa,si aannu wakhti badan kaaga lumin ama Inta aad fadhidaba aan loo dhemayn nooca cunto ee aad rabto. Dadka Meesha jooga,wey kala muuqaal iyo magac duwanyihiin sidii aan horeba usoo sheegay,waxaanay qaarkood u-socdaan koox-koox,halka qaarna ay kali-kali yihiin sida anigga oo kale,Qofkasta iyo Koox-kastaaba Cuntadda ay dalbanayso waxay ku salaynaysaa Hayntooda Jeebka iyo Qarashka ay sitaan,waxaana look ala Cunto qaalisan yahay sida look ala jeeb-roon-yahay,inkasta oo ay jiraan Shaqsiyaad lacag leh oo madasha jooga oo haddana cunaya cunto qiimo ahaan jaban,taasina waxay ku salaysan tahay Rabbitaan shaqsi-ahaaneed ee Qofka. Qof kastaaba wuu qaylinayaa,waxaana uu leeyahay,Cunto noocaas ah ii keen,dadkaasna waxa ka mid ahaa Oday aannu isku-miis-fadhinay,kaas oo aan da’diisa ku qiyaasay inay 65 Lixdan kur-dhaaftay,waxaana uu Dalbanayaa Haaf Baasto ah,inyar ka dibna waa loo keenay Dalabkiisii. Markii Inyar ka cunay,ayuu haddana qeyliyay,waxaana rabaa dalab kale,kaas oo ah in Madiibad maraq ah lala soo gaadho,Ninkii Mulabka ahaa ayaa ka dhego-adaygay,mid yaroo maraqa iyo Sufuradda qaabilsanina kolba uu la-dhaafo oo qaar Hilib geel halka ku cunaya,ayuu kolba ka door-biddaa,odaygiina qeyladdii ma-daayo. Ninkii Mudalabka ahaa oo aan is-idhi malaa Dhawaaqa Odayga ayuu dhibsadday,ayuunbaa isaga oo xanaaqsan halkaas kaga soo yeedhay; “ Hee dee Xaafka Baasto ahi,maraq ma lihee naga aamus”. Odaygii waabbu xanaaqay,waxaana Madiibad weyn oo maraq ah usoo riixay Nin Ganacsadde ah oo Hilib geel ku ag-cunayay oo aan is-idhi oo kuu markii horeba  arkay ee soo xasuusiyay wakhtiyaddii ay Labbadda Qof Neefka dhan ee Geellaha aan looggu iman Jirin.

Dhamaad

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Email: Daacad461@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here