Maanta oo ay ku beegnayd maalinta loo asteeyey nadaafada qaranka, ayaa waxa si wayn looga soo wada baxay dhamaan dalka oo dhan, shicib iyo dawladna waa loo soo wada baxay, waxaa xusid mudan in marwada madaxweynuhu ay si diiran ugu qaybqaadatay .
maalintan ololaha nadaafada, marwo aamina maxamuud jirde oo lug kaga soo baxday qasriga madaxtooyada dadweynaha intii hawlaha nadaafada ka wady inta u dhaxaysay madaxtooyada ilaa dhakhtarka wayn iyo maxkamada ay kala qayb gashay hawshaasi waxaana ay iskoobaha iyo farageetada u qaadatay gurista iyo xaadhista xashiishka agaaas yaalay iyo wixii baco ka agdhawaaba ,iyada oo shacbkii kal shaqaynayeyna ku dhiiri galinaysay inay si wacan u wadaan hawsha isla markaana ay nadiifiyaan dhamaan goobahaasi ay ku sugnaayeen ,marawada madaxweynaha ayaa mudo ku siman 5 saac waxa ay ku jirtay ololaha nadaafada , talaabadaasi ku dayashada mudan ayey dadweynihii ka agdhawaa marwadu ay ku tilmaameen mid ku dayasho mudan oo dhiiri galina u ah dhmaan bulshada Somaliland gaar ahaan haweenka , waxaa xusid mudan in marwdau ay fariin muhiima u dirtay haween waynaha s/land , taas oo ay ugu baaqday inay maalin kasta nadiifiyiin guryahooda hortooda iyo goobaha u dhaw, si dhulkeenu u noqdo bay tidhi mid nadiifa oo aynu uga fogaano cudurada ka dhasha qashinka iyo nadaafad xumada ,hawl karnimadaa iyo dadaalkaa ay muujisay marwadu waxa ay tusaale cad u tahay dhamaan bulshada iyo haweenka dalka oo iyaga laftoodu dhinacooda kaga jiray hawlaha nadaafada oo dalka oo dhan ka socday , waana talaabo ay ku amaanan tahay marwo aamina maxamuud jirde.
Qalinkii: Nimco Nuur