Maraykan Ma Aha Hal Dal Oo Meel Fog Ku Yaalla,  Ee Waa   Dal Deris La Ah Wadan Kasta Oo Dunida Ku Yaalla!!

0
54

W/Q: Maxamed Xaaji……Trump Na Waa Madaxweyne Xoog Weyn Oo Og Xoogga Maraykan Leeyahay!

Dhallin badan oo la yaabtay Lecture ka Prof. Samatar ayaan arkayey, oo leh Trump iyo Maraykan maxaa innaga galey miyaa Somaliland laga hadlo?

In Somaliland laga hadlo qudheedu waa wanaag aad u weyn. Aniga iyo Axmed aad baan uga wada sheekaysanney mawduucan, oo aan anigu u arkaayey mid sida uu yahay ah.

Maraykan waa dalka adduunka ugu dhaqaalaha weyn ee ugu xoogga badan. Dhaqaalaha adduunka waxa uu ka yahay 22% in ka badan. Waxa uu leeyahay 800 oo saldhigyo ciidan ah oo ku yaal in ka badan 70 waddan.

Dal kasta oo adduunka ku yaal Maraykan waa la jaar oo saldhig ciidan ayaa u jira wax ka yar 300 miles! Tusaale ahaan, Somaliland, Itoobiya Kiiniya, Yemen, Soomaaliya, Eriteeriya intaba saldhigga weyn ee Jabuuti ku yaal waxa uu si is le’eg ugu jiraa wax ka yar 300 miles!

Marka xaal sidaa yahay, Maraykan waa dal inna la jaar ah, oo Madaxweyne u ololeeyey si qayrul-masuulnimo badani ku jirto uu hoggaanka u qabtay. Sidaa darteed, taxadir dheeraad ah iyo xiska naqdiga ah oo aynnu aad uga shaqaysiino waa laga ma maarmaan.

Waxa siyaasadda Maraykanku xumaan iyo samaan ka dhex muuqataa bogcaddaha ugu mihiimsan adduunka ee dhaqaaluhu yaal iyo kuwa kale ee marinnada ah sida, Bariga Dhexe, Bariga Fog, Yurubta Bari, Yurubta Waqooyi, Yurubta Galbeed, Afrka, Koonfurta Eeshiya iyo Koonfurta Maraykanka.

maxamed xaajiMaalintii Trump la doortay waxa shir degdeg ah isugu yimi Dawladdaha Shiinaha oo laba todobaad naaqishayey saameynta guusha Trump iyo siyaasadda Shiinaha.

Waxa isku yimi dhammaan 27 dal ee Midawga Yurub marka laga reebo dawladda UK oo iyadu US la leh xidhiidh aan noociisu adduunka ka jirin (special relationship), kulan kana sidaa uga baaqsatay.

Waxa shirar galey dawladdaha India, Pakistan, Bangladesh iyo Iran. Sidoo kale dalalka Koonfurta Maraykan kulan degdeg ah ayey yeesheen. Dalka Ruushka markii taariikhda ugu horreysay waxa soo fadhiistay Putin oo war bixin siiyey 1,400 warriye oo caalamka oo dhan isaga yimi.

Jaamacadda Carabta baaq toos ah ayey soosaareen oo ah in ay la shaqaynayaan Maraykan, walbahaar badan ayaa se ku dhacay dalka Sucuudiga iyo Sudan.

Turkigu oradkii waxa uu hoos fadhiistay Putin oo uu raali-galin wax walba ka bixiyey isaga oo cabsi badani hayso. Judhii uu arkay qaabka ololaha Maraykan u socdo iyo ragga Jamhuuriga hor kacayey.

Dawladdaha Jaarka aynnu la nahay ee Kiiniya iyo Itoobiya mid waliba iskii ayuu shir u qabsaday uu ku naaqishayo adduunka is-beddelay ee Trump hor kici doono.

Somaliland oo aan la aqoonsaneyn, oo waliba cidda ilaa iyo hadda la kari la’ yahay ee ictiraafka u diiddani ay Maraykan tahay, maxaa diiddaya in ay xisbiga Jamhuuriga la dabaal joogtayso?

Ma intaas oo waddan ayeynu ka itaal iyo dhaqaale roonnahay, waxa cabsi galiyey innagu ma ka eed la’ nahay?

Dhallinta waxa aan xog-ogaalka ahayn waxa u wanaagsan in ay hadalka, fahamka ka horreysiiyaan, oo ay bartaan sida ay adduunyadu u shaqayneyso, iyo halka lagu kala macaashayo ee runtu ay taalo.

Lecture kaasi waa mid aad u qiimo badan waxa aan soo jeedin lahaa intii nasiib u heshaa in ay ka qayb qaadato, bal si aad wax badan uga fahamtaan adduunyadu sida ay u shaqayneyso.

Mohamed Hagi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here