Imaarada Islaamiga ah ee Ciraaq Iyo Sham kooxda isku magacawda ee marka magacooda la soo gaabiyo loogu yeedho, (Dais ama ISIS), ayaa noqday koox si deg deg ah ugu fiday wadnaha bariga dhexe, waxaanay kooxdani guulo aan la filanayn ka gaadheen gulufkooda waddamada Ciraaq iyo Suriya, kuwaas oo ay ka qabsadeen, dhul aad u balaadhan oo istaraatiiji ah.
Markii ay hantiyeen dhulkaas aadka u balaadhan ayay si deg deg ah, kooxdani ugu dhawaaqday wax loogu yeedhay, imaarada Islaamiga ah, taas oo ay hogaamiyaheedana u doorteen nin lagu magacaabo, Abuubakar Al Baghdadi, ka dibna waxa ay bilaabeen hir galinta mabaadi’dooda, iyagoo ku talaabsaday hawl galo ay ku sii wadayaan is balaadhinta iyo maamul fidintooda.
In kasta oo markii hore waddamada reer galbeedku ka aamuseen hawl galada iyo guulaha kooxdaasi ka gaadhayso waddamada Suuriya iyo Ciraaq, dadka badankooduna aamineen in Maraykanku ka danbeeyo oo ay yihiin qorshe cusub oo mar kale bariga dhexe Washington ku sii haysanayso.
Ayaa waxa mar kaliya is badalay xaaladii ka dib markii sida la filayo ay kooxdani ka gudbeen xadkii loo dhigay ee loo ogolaa, waxaana bilaabmay duulaan ka dhan ah oo lagu sheegay mid lagu burburinayo, waxa la aloosay qaylada iyo ka dardaar warinta halis la sheegay in kooxdaasi u leedahay ammaanka guud ee dunida, kaas oo aan hore loo sheegin isla markaana aan la soo hadal qaadi jirin intii ay xoogaysanayeen.
Si kastaba ha ahaatee, Washington waxa ay bilowday abaabulka isbahaysi caalami ah oo isku gaashaan buuraystay dagaal ka dhan ah, kooxda ISIS, si loo joojiyo halista ammaanka dunida kaga iman karta kooxdan.
Maaha wax dunida ku cusub is bahaysi iyo xulafo ku waajahan dagaal ka dhan ah, maamul iyo koox dunida ka jirta, oo Maraykanka iyo reer galbeedku hogaanka u qabtaan, kana abaabulaan dunida, laakiin waxa dadka siyaasada dunida iyo danaha dublamaasiyada daraaseeya ku cusub oo ay faalo u waayeen, ama la odhan karaa way akhriyi kari laayihiin ilaa wali, waddamada iyo dhinacyada xulafadan ku midoobay.
Kuwaas oo lagu tilmaami karo kuwa isugu neceb dunida, kuna kala fog aragtiyaha siyaasiga ah iyo danaha maslaxadeed.
Bal aynu marka hore dul istaagno is bahaysigan iyo dhinacyada ku xulafoobay, waxa ugu horeeya Maraykanka, Waxa ku xiga Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran, waxa ku xiga Turkey, oo ka dhinac dagaalamaya Kurdiyiinta, Israel, Masar, Sucuudi Arabia, Qatar, Ingiriiska, Australia iyo Britain ayaa iyaguna khadka hore ka safanaya.
Waddamada Ruushka, Shiinaha, Suuriya, ururka Argagixisada dunida ugu wayn sida ay Washington sheegto ee Al Qaacida ayaa iyaguna xulafadan difaaca uga safanaya, tiradu intaa kuma eka oo waxa ku jira waddamo tiro badan oo siyaasad iyo maslaxadba ku kala fog, laakiin waa dhinacyo dhamaantood ka wada heshiis ah in la tirtiro kooxdan, waxaanay dhamaantood isku arkeen in cadowgooda, Cadowgiisu saaxiibkood yahay.
Tusaale ahaan, Iran, Ciraaq, Turkey, Kurdiyiinta, Sucuudi Arabia, Qatar, AlQaacida Iyo Maraykanka, waxa ka dhexeeya, colaad guumowday oo wakhti dheer soo jirtay, waxaanu mid walba lid ku yahay danaha dhinacyadan kale ee ay isbahaysigan ku wada jiraan, Turkey iyo Kurdiyiinta cid walba way la socotaa colaada u dhaxaysa, waxa kale oo si wayn u kala durugsan siyaasadaha Suuriya, Sucuudi Arabia, Qatar, Israel, Masar, Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo aan marna ku heshiin waligood arin caalami ah iyo faro galin.
Waddamada Khaliijka ee Qatar, Sucuudi Arabia, Turkey iyo Maraykanku waxa ay muddo sadex sanadood ah ka shaqaynayeen sidii xukunka looga tuuri lahaa Madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad, waxaanay taageero qaawan la garab istaageen mucaaridka ku kacsan, halka Ruushka, Iran iyo Shiinuhu kala safteen rajiimka Suuriya.
Al Qaacida iyo dhamaan dhinacyada kale ee xulafadan ayaa iyagana aanay wax nasteexo ah oo ka dhaxaysaa jirin, mid kastaana waxa uu u aaminsan yahay urur argagixiso, laakiin markii ay kooxdan ka sareen ururada daladooda ku bahoobay ee jihaadiyiinta ah, waxa aad moodaa in xitaa Maraykanku ogol yahay in la caawiyo Al Qaacida haddii ay la dagaalamayso kooxda ISIS ee danahooda halista galisay.