Adis Ababa (Hubaal)- War kasoo baxay safaarada maraykanka ee dalka Ethiopia ayaa waxay muwaadintiinteeda uga digtay inay u safraan dalka Ethiopia ayadoo ay safaarddu sheegtay inay khatar tahay xaaladda amni ee dalkaas, bacdamaa ay jirto suuragalnimada inay al-shabaab weeraro ka geystaan dalkaas, Safaarada maraykanka ayaan cayimin goobaha khaaska ah ee Al-shabaab weerari karaan, balse waxa ay kala talisay muwaadiniinteeda inay u safraan Ethiopia oo ay tiri waxaa macquul ah in al-shabaab weeraro ka geestaan.
Maraykanka ayaa horay digniin u soo saaray uu uga digaayo kenya weeraro ay Al-shabaab kageystaan waxaana waxyar kadib dhacay weerarkii westgate ee dadka badan ku dhinteen , ee ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Ethiopia ayaa waxay kamid tahay dalalka ciidamada ay soomaaliya kajoogaan dagaalkana kula jiro kooxda Al-shabaab.