Maraykanka Oo Ka Jawaabay Warar Kasoo Baxay Xarakada Al-shabaab

0
33

usa

Washintong:(Hubaal)-Saraakiisha Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa beeniyey hadal ay baahiyeen Al-shabaab oo ahaa in askari Maraykan ah ay ku dileen duleedka magaalada Kismaayo ka dib iska horimaad dhexmaray ciidankooda iyo ciidamada Kenya oo ay la socdeen kuwo Maraykan ah bishii hore.

AFRICOM ayaa sheegay in sheegashadaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin oo mala awaal ah, wuxuuna talisku intaa ku daray inaanay jirin askari looga dilay gudaha Somalia sanadahan dambe.

Askarigaasi oo lagu magacaabo Zachary Allan Bannister ayaa dhintay 17-kii Bishii Oktoobar, waxaana warbaahinta Maraykanku sheegtay inuu ku dhintay saldhig ku yaalla dalka Kenya, iyadoo AFRICOM ay sheegtay in askarigaasi aanu ku dhimanin dagaal.

Warbaahinta Maraykanka qaarkood ayaa sheegaya in askarigaasi oo ka hawlgeli jiray saldhig ku yaalla Gobolka Xeebta ee Lamu ay u badan tahay inuu isdilay.

Maraykanka ayaa la-taliyayaal dhinaca milatariga ah iyo tababarayaal ay ka joogaan Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaan ilaa haatan sheegin wax askari Maraykan ah oo kaga dhintay Soomaaliya howlgalada looga horjeedo Al-shabaab ee uu ka wado Somalia.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here