Maraykanka Oo Liiska Argagaxisada Ku Daray Hogaamiye Sare Oo Ka Tirsan Daacishta Soomaaliya

0
29

usaHargeysa:(Hubaal)-Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay iney Sheekh Cabdulqaadir Muumin ku dartay liiska argagixisada sida gaarka ah loo doon doonayo oo ay ku jiraan shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyey inay halis ku yihiin Mareykanka.

Sheekh Cabdulqaadir Muumin ahaa hogaamiyaha Al-shabaab ee buuraha Galgala ayaa bishii October ee 2015 sheegay in isaga iyo dagaalyahano kale ay ka baxeen kooxdaas, isagoo madax ka ah koox ku xidhan Daacish oo Soomaaliya ka jirta kuwaasoo fadhiisimo ku leh degaanada Puntland.

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa shaacisay in Cabdulqaadir Muumin uu ballaadhiyey kooxdiisa uuna afduubay wiilal da’yar oo 10 illaa 15 sano jirro ah, kuwaas oo uu qasbay inay ciidamo u noqdaan.

Go’aanka cusub ee Mareykanka kasoo baxay ayaa waxa uu farayaa dhammaan shaqsiyaadka iyo hay’adaha Mareykanka inaanay wax xidhiidh ah la sameyn karin Cabdulqaadir Muumin.

Mareykanka ayaa sidoo kale ogeysiinaya dadweynaha Mareykanka iyo beesha caalamka in Cabdulqaadir Muumin uu si firfircoon ugu lug lee yahay ficillo argagixiso loona baahan yahay in la soo qabto ama la dilo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here