Hargeysa (Hubaal) War kasoo baxay militariga dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada kooxda Al-shabaab ay gaadhayaan afar kun ilaa lix kun oo askari, kuwaasi oo ku sugan qaybo kamid ah Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.
Maraykanka ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay kamid yihiin ururada ugu waaweyn ee ka farcamay ururka Al-qaacida, waxaana Alshabaab uu Maraykanku ku tilmaamay inay kamid yihiin kuwa ugu awooda badan ururada ka dagaalama caalamka oo dhan.
Warkan kasoo baxay maraykanka ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada Alshabaab ay caqabad ku yihiin nabad ka dhalata Soomaaliya, sidoo kalena ay xasilooni ka abuuraan dalalka la dariska ah Soomaaliya, sida wadanka Kenya.
Waxa kale oo warkan lagu sheegay in dagaalyahanada ku biiray kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya ay aad u yar yihiin, tiradaas oo ay ku sheegeen ilaa Sideetan dagaalyahan.
Waa markii ugu horreysay ee Maraykanku uu si rasmiya u faahfaahiyo tirada dagaalyahannada ururka Al-shabaab iyo Daacish kaga sugan Soomaaliya.
Maraykanka ayaa qayb ka ah dagaalka lagula jiro ururka Alshabaab, waxaana marar badan dhacday hawlgalo ciidanka Maraykanku fuliyeen oo ay ku bartilmaameedsanayeen dagaalyahannada Alshabaab qaybo kamid ah Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.