Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ugu digtay inay ka fogaadaan inay u safraan dalka Soomaaliya sababo la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada weli socda ee kooxda Al-Qacida xidhiidhka la leh ee Al-Shabaab.
Siday baahisay laanta afsoomaaliga ee VOA-da, oo aanu warkan ka soo xiganay, Wasaaraddu sheegtay in muwaadiniinta Mareykanka ay ka warhayaan halista afduub ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland.
Waxay wasaaradda sheegtay in Soomaaliya aanay ku oolin safaarad Mareykanka oo muwaadniinta caawin karta.
Digniintan cusub ayaa baddeleysa tii wasaaradda ay hore u soo saartay ee ku taariikheysneyd 24 May 2016.
Digniintan ayaa lagu sheegay in si gaar ah ay halis argagixiso uga jirto goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo meelaha ay dadka reer galbeedka tagaan oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, huteelada iyo meelaha laga dukaameysto.
Waxa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka looga digay inay ku safraan meelo ku dhow xeebaha Soomaaliya sababo la xidhiidha halista kooxaha budhcad badeedda Soomaaliya.