Washington (Hubaal):- Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay dib u-dhacyo ka jira hanaanka doorashada Somalia ee 2016-ka. War Qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo nuqul ka mid ahi nasoo gaadhay ayaa lagu sheegay in dowladda Federalka Somalia, Baarlamanka iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadu ay ku celceliyeen inay ka go’an tahay in doorashadu ay ku qabsoonto waqtigeeda, sida ku cad dastuurka Somalia, iyo qaraaraddii doorashada la xidhiidhay ee ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Qoraalkan ayaa lagu yidhi., “sii socoshada hey’ado federaali ah oo xalaal ah waa mid ku xidhan hogaamiyeyaasha Somalida oo raaca hannaan siyaasadeed oo daah furan – ka hor inta aanu waqtiga ka dhicin xukuumadda haatan jirta.”
Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqay baarlamaanka Federalka inuu qaato talaabo deg deg ah – oo uu ansixiyo oo uu hirgeliyo hanaankii doorashada Qaran ee heshiiskii Madasha.
Dowladda Mareykanku waxa ay qoraalkan ku sheegtay inay diyaar u tahay inay gacan ku siiso dadka Somaliyeed iyo dowladooda talaabadan ay u qaadayaan – helista xukun xasiloon oo si dumuquraadi ah ku yimaada.